Qormadan toddobaad ee tixda iyo taariikhda Abwaan Nimco-Gabaydo IHUN waxa aynu ku soo qaadan doonnaa gabay la yidhaahdo “Waayeel” oo ay ugu baroor-diiqday Marxuun Cabdillaahi Maxamed Maxamuud (Cabdillaahi Qarshe)
27kii Oktoobar sannadkii 1997ka ayuu Abwaan Cabdillaahi Maxamed Maxamuud (Cabdillaahi Qarshe) ku geeriyooday magaalada London ee Carriga Ingiriiska, waxaana meydkiisa loo soo qaaday oo lagu aasay magaalada Hargeysa. Waxa uu ifka kaga tegay saddex ubad ah: Cawil iyo Cawo oo mataano ah iyo Wacays oo ah ka ugu yar carruurtiisa iyo hooyadood Hibo Cali Suldaan, waxaanay ku nool yihiin magaalada Hargeysa.
Cabdillaahi Qarshe waxa uu ku suntan yahay aabbihii fanka ummadda Soomaaliyeed, kaalin laxaad lehna waxa uu ka qaatay xaq-u-dirirkii u halgamay in Soomaalidu madax-bannaanideeda hanato, isla markaana gumeystaha caddaanka ahi uu geyiga banneeyo. Gabaygani waxa uu suntayaa sooyaalkii iyo summadihii dadnimo ee Cabdillaahi Qarshe
Wuxuu gabaygu yidhi:
Cabdillaahi waayeel in badan buu, wanaag falaye
Wax badan buu xornimada u halgamay, uu dhib waajahaye
Wadankiisa gabonnimada iyo, waafiyaw calanka
Wax badan buu cadaawaha ka jiray, wiiqayee neceb’e
Kama-kama waryaadhaay walaal, kiiniyuu gubaye
“Ka kacaay” wax badan buu na-yidhi, “waa kanoo yimiye”
Wax badan buu “aqoon li’idu” yidhi, “waa iftiin li’iye”
Wax bartaay tacliintiyo, cilmigu, horumar weeyaane
Ama yidhi “ha weydayninaay, nabaddu waa hoy’e”
Wax badan buu xumaha nooga digay, oo samaha wadaye
Wax badan buu tusaale iyo talo, fiican noo wacaye
Wax badan buu hiddaha dhaqanka, iyo wabiga suugaanta
Na waraabiyoo maanso ugub, noogu shubay weele
Wacyi gelinna nagu doojiyiyo, weedho qaaliya-e
Waryaadhaay murtuu nooga tagay, dhaxal gashoo weyne
Fanka wuxuu ahaa kii unkiyo, waalidkii dhalaye
Misna wixii bartuu gebi ahaa, kii wax soo baraye
Hal-abuur wax garaduu ahaa, laga war qaataaye
Wakiil qaranka deequu ahaa, waayo soo jiraye
Nin wax gala Qarshe inuu ahaa, oo wax ku gudaya
Waryaadhaay qof soo gaadhay oo, wax uga soo joogay
Iyo ruux warkii qaba, intaba, waynu leenahaye
Kol hadduu wakhtigan mootanyuu, dunida waydaartay
Hadduu maray waddadii aakhiroo, uu wadkuna qaaday
Waxa deeqda Alla yaa arxamuu, goor kastaba u warinno
Waaryaadhay’se magaciisa aan, weligii guuraynnin
In wax loo baxshoo lagu xusiyo, inaynu weynaynno
Iyo wixii ka beermuu dhaliyo, warasaduu reebay
In wax loo qabtoo lagu taroon, lana wadeecaynnin
Oo wanaajinnaa buu innaga, waajibkeen yahaye
Sidaas wada ogaadoo dadyaw, qawlkan waanada ah
Isu wariya taariikhdu waa, lama ilaawaane
La soco qaybta siddeedaad haddii Eebbe idmo
Siciid Maxamuud Gahayr
Facebook: Siciid Maxamuud Gahayr