Muqdisho, 11 Feb 2018 :- War-murtiyeedka Golaha Amniga Qaranka
Golaha Amniga Qaranka ayaa kulankoodii Lixaad ku yeeshay magaalada Muqdisho, 6-10 Feebaraayo 2018. Shirkaas oo ka dhacay xarunta Maaxtooyada – Villa Somalia ee magaalada Muqdisho. Kulankan oo looga hadlayey arrimaha Amniga Qaranka waxaa shir-guddoomiyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo halka kulankii looga hadlayey Tubta Siyaasadda loo Dhanyahay uu shir-guddoomiyey Raiisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre.
Waxaa sidoo kale shirka ka soo qeyb galay Raiisul Wasaare Kuxigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed, Madaxweynaha Puntland Mudane Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, Madaxweynaha Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, Madaxweynaha Koonfur-Galbeed Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan, Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Ducaale Geelle Xaaf, Madaxweynaha Hirshabelle Mudane Maxamed Cabdi Waare iyo Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho, Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yariisow).
Shirka wuxuu soo dhaweeyey Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Benaadir oo ah kulankii ugu horreeyey. Shirkan wuxuu dabasocday shirarkii joogtada ahaa ee Golaha Amniga Qaranka yeelan jiray. Goluhu wuxuu bogaadinayaa booqashada taariikhiga ahayd ee uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ku maray Gobollada dalka, gaar ahaan deegannada Puntland iyo Galmudug.
Wuxuu kaloo shirku bogaadinayaa dhammeystirka Heshiiskii Maamulka Galmudug iyo Ahlu-Sunna-Wal_jamaaca.
Shirkan waxaa diiradda lagu saaray qodobada soo socda:
1. Arrimaha Amniga Qaranka
2. Tubta Siyaasadda loo Dhanyahay 2020
3. Qeybsiga Kheyraadka Dalka (Khaasatan Kalluunka).
4. Amniga Qaranka
Goluhu markii uu dhageystay talooyinka ay soo jediyeen Guddiga Farsamada Amniga Qaranka, tixgeliyeenna aragtiyaha iyo talooyinka ku saabsan amniga dalka, Golahu waxay isku raaceen qodobada hoos ku xusan.
1.1. In ay Dolwad-goboleedyadu dar-dar geliyaan daraaseynta tirada iyo tayada Ciidamada Booliskooda oo ay ka mid yihiin Daraawiishtu, kaddibna la isku dhafo si waafaqsan Hannaanka Boolisaynta cusub (New policing Model) iyo qaab-dhismeedka Amniga Qaranka.
1.2. Dowladda Federaalku waxay ka caawineysaa Ciidamada Booliska Dowlad-goboleedyada oo ay ku jiraan Daraawiishta ( Hub, Saanad, Agab Ciidan, Raashin, Dawo, Gunno, Tababar iyo Tayeyn), ee kala qeyb qaadan doona Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS) hawlgallada ciidan ee lagula dagaallamayo argagixisada.
1.3. Ciidamada Booliska ee dowlad-goboleedyada oo ay ku jiraan Daraawiishtu waxa ay ka mid yihiin Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee hoos-yimaada kana hawl-gala heer dowlad goboleed, waxayna ka qeyb-qaadanayaan hawgallada ciidan ee wadanka lagu xoreynayo ayagoo kaligood ah ama kaashanaya Ciidamada Xoogga Dalka (CXDS) iyo AMISOM.
1.4. In la magacaabo lana howl-geliyo guddiga isku dhafka ee Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS).
1.5. Guddiga Farsamada ee Amniga Qaranka oo ka kooban heer Federaal iyo mid Gobol, waxaa la go’aamiyey in ay kulmaan saddexdii asbuucba hal mar, waxayna xog dhammeystiran la wadaagayaan Madaxweynaha JFS iyo Madaxdooda.
1.6. In Xafiiska Amniga Qaranka qorsheeyo una helo miisaaniyad lagu hawl-geliyo xafiisyada amniga ee Dowlad-goboleedyada.
1.7. in la dadajiyo dhameystirk ciidamada DANAB sida ku xusan qaab-dhismeedka Amniga Qaranka. Ciidamada Danab waa in la isugu dhafaa si heer qaran ah tababarka kahor.
1. Arrimaha Siyaasadda
2.1. Waxay Xukuumadda Federaalka soo bandhigtay qorshaha Tubta Siyaasadda ee loo dhanyahay ee 2020-ka, taasoo dood iyo falanqayn dheer kadib la isla gartay in ay fulinteeda kawada qayb qaataan Dawladda Federaalka iyo Dawladaha Xubnaha ka ah iyo Gobolka Benaadir.
2.2. Waxaa lagu heshiiyey in la magacaabo guddi farsamo oo ka kooban toban (10) xubnood oo kasoo tala bixin doona Arrimaha Federaalka. Ra’iisul Wasaaraha ayaa si rasmi ah wareegto ugu soo saari doona xubnaha guddiga farsamada iyo waajibaadkooda shaqo.
2.3. Iyadoo la tixgalinayo shaqada baaxadda leh ee ay soo qabatay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ee Arrimaha Sharciga Doorashooyinka, lagana duulayo baahida loo qabo in la kala xusho Noocyada Doorashada ee jiri kara, si loo diyaariyo Sharciga doorashooyinka ee lagama maarmaanka u ah taabagalinta Doorashooyinka qof iyo cod ee 2020-ka, waxaa Gudiyada Farsamada la farayaa inay si dhaqsa ah usoo gudbiyaan nidaam doorashada uu dalku qaadanayo muddo aan ka badnayn Afar (4) todobaad.
2.4. Shirku wuxuu soo dhaweeyey isla markaasna bogaadiyey horumarka laga sameeyey arrimaha wadatashiga Doorashooyinka ee Guddiga Madax-bannaan ee doorashooyinku ka sameeyey qaybo badan oo Gobollada iyo Degmooyinka dalka kamid ah.
2.5. Waxaa la isku raacay in Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinku soo dhammeystiro degaanada ugu dhiman wadatashiga dadwaynaha ee arrimaha doorashooyinka.
2.6. Shir-waynuhu wuxuu hoosta-ka-xariiqay ahmiyadda ay leedahay qabsoomidda Doorasho qof iyo cod ah ee 2020-ka sida loogu talagalay. Sidaa darteedna waxaa lagama maarmaan ah in Guddiga Doorashooyinka la siiyo taageerada ay u baahanyihiin Siyaasad iyo Dhaqaala ahaanba.
2.7. Markey madaxdu dhagaysatay war-bixintii Wasiirka Wasaaradda Dastuurka uu ku faahfaahiyey horumarka laga sameeyey Tubta dib-u-eegista Dastuurka ku meelgaarka ah, Waxaa la isla qaatay in hawlaha dib-u-eegista Dastuurka ku meelgaarka ah lagusoo gabogabeeyo sannadka 2018-ka, iyadoo qodabadda dib-u-eegista loo kala hormarinayo siday u kala muhiimsan yihiin.
1. Arrimaha Wadaagista Khayraadka
3.1. Markii shirku dhagaystay war-bixintii Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo khayraadka Badda lana tixgaliyey baahida deg-degga ah ee loo qabo ka faa’ifaysiga Khayraadka badda: Waxaa la isla qaatay in la saxiixo Heshiis ku-meel gaar ah oo ku saabsan qaybsiga dakhliga kasoo xarooda Kalluumaysiga inta laga soo dhamaystirayo heshiiska guud ee qaybsiga khayraadka dalka.
Madaxda qaranku waxay isku raaceen in shirka soo socda lagu qabto magaalada Baydhabo 28-ka bisha Maarso, 2018 loogana heshiiyo qaybsiga khayraadka oo dhammaystiran, iyo hannaanka doorasho ee uu dalku qaadanayo sannadka 2020-ka. Madaxda qaranku waxaa kale oo ay isku raaceen in la dardar geliyo go’aan ka gaarista arriaha masiiriga ah ee horyaalla sida, awood qaybsiga, hannaanka garsoorka federaaliga ah, midaynta hannaanka dakhliga, nidaamka dawladeed ee dalku yeelanayo iyo maqaamka caasimadda Muqdisho.