Maayarada Madax-kutiyoobay !

Maayarada Madax-kutiyoobay !

Golayaasha deegaanka dalka waxa u buuxsamay muddo xileedkii xaqa ahaa ee aynu dooranay, waxaanay innagu maamulaan muddo xileed xaarana oo aynaan dooran balse loo kordhiyay. Shantaa sano iyo goo’gaaay inna meteleyeen wax qabad lataaban karo oo ay soo kordhiyeen ma jiro, hadimo iyo hanti boob waxaan ahayn innalamay hor-joogin. Masiibo ka weyni ma jirto maayarada metela magaalooyinka dalka, waxay isu dhigeen madaxweynayaal waxay doonaan fala, hanti boob, musuq-maasuq, sharci jebin, awood maroorsi, dhammaantood waxay ku gasariiroobeen cashurta maatida.

Maayarada intooda badani waxay ka dhaqdeen duunyo iyo daaro badan cashurteenna, bidoodu hanti hore umay lahayn. Shaqada keliya ee ilaa hadda ay u qabteen si xilkasnima ahi waa dantooda gaarka ah iyo boobka danta guud iyo cashuurta wadhatada. Badhkooda waa hantiilayaal boqolaal baloog u seesan yihiin, qasanadahoodana ka buuxshay xaaran. Waxase eeganaya shacabka oo badh reer ku difaaca iyo badh aan xaqooga garanayn u qaybsamay.

Sannadkii 2017 waxaan soo maray magaalooyin badan oo dalka ah, waxa loogu qaatay Maayaraka magaalada Ceerigaabo, waa nin weyn oo masuula oo ay ka muuqato dareen waddaniyadeed itaalkiisana dadaala, xaggga boobkana loogu qaatay. Waxa ugu liita oo Madax-kutiyoobay Maayarada Berbera, Hargaysa, Burco, Boorama,  Gabiiley. Dhammaantooda waa dad ay ka guurtay masuuliyaddu oo mamay, waa maayaro taariikh foolxun iyo fadeexadi dhaxalkooda tahay oo ummadda dooratay aan abaal ku lahayn, taariikh suubban ka tagayn.

Caasimaadda dalka oo ah muraayada qaranka laga dheehdo goleheeda Deegaanku waa kuwa ugu liita, waxqabad ahaan iyo shaqo ahaanba. Waa golaha ugu dakhliga badan golayaasha deeganka ee dalka. Suuqyada iyo jidadka halbawlaha ah waxaad modda kudaafad qashin qub ah, muddaday joogeen Bilicda agaalada waxba kumay soo kordhin, qorshe ay xashiishka ku basriyaan ma jiro, suuqyadu waa cidhiidh waxa is dhex galay ganacsigii, gaadiidkii jidka maraayay, weli cashuur bixiyayaasha looma samayn adeegii loo baahnaa.

Cashuurta waxa la libin laabay saddex jeer, adeeg soo kordhay oo bulshada loo sameeyayna ma jiro, dantii guud ee jirtay dhammaanteed waa la ibshay oo waxa ku danaystay cid gaara. Qorshe ahaan dan guud oo looga tagay in laga hirgasho xaafadaha magaaladu ma jiraan. Waajibkuna waxa weeye in beer kasta oo la qorsheeyo danta guud ee laga jaro aan la cunin ee loogu talo galo adeeg bulsho.

Marka doorashada golaha deegaanku timaado xildhibaanada inna metelaya waa in aynu ka dhignaa dad iimaan qaba oo aqoon iyo karti ay ku hogaanshaan caasimadda leh, intabadan waxa aynu ku dooranna cidda inna metelaysa reernimo iyo qabayaad, haddi aan laga gudbi karin dabarkaa innaga xidhay horumarka, reer kasta wuu ku jiraa qof masuula oo meteli kara ummadde dadka wanaagsan aynu gole keeno oo xulanno si aynu uga badbaadno kolba mid qaawani in uu innaga qayd tosho oo cashuurteena ku hodmo.

Doorashadii golaha Deegaanka waxa innaga xigta sannad ku dhawaad, waxa soo dhaw waqtigii doorashada golayaasha deegaanka dalka. Si aynu u helno deegaan nadiifa oo quruxbadan duniduna kusoo hirato magaalloyinka dalka waa in aynu xulanaa muwaadiniin hirgalinkara horumarka la tabaayo oo sameeya isbedel muuqda.

Gudaheenna hadaynaan hagaajin oo aynaan dhisan waddan qurux badan, jidad wanaagsan, laydh ku filan leh, biyo nadiifa haysta, haddi aynaan deegaankeena ka shaqaysan ummaddaha horumaray ee dunidu inna danayn maayan oo sabab ay indhahoodu innagusoo jeestaan ma jirto. Inta xaalkeenu sidan yahayna horumar iyo guul aynu gaadhno ha filin. Isbedelku wuxuu ku jiraa gacmaheenna, maskaxdeena iyo muruqeenna bulsho ahaan.

 

Maxamed Siddiiq Dhamme

 

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso