Somaliland: Isaaqow Seddex Kala Daa, Hartiyow Seddex Kala Daa, Gabooyana Hal Ka Daa

Somaliland: Isaaqow Seddex Kala Daa, Hartiyow Seddex Kala Daa, Gabooyana Hal Ka Daa

                                     Quruxda Dawladnimada

Quruxda dawladnimadu waa cadaalad, fool-xumadeeduna waa cadaalad-darro. Walaalnimo, is-jacayl, midnimo, nabad iyo horumar waxaa lagu helaa cadaaalad. Cadaaalad-darrada waxaa laga dhaxlaa is-nacayb, midnimo la’aan, nabadgelyo-xumo iyo horumar la’aan. Quruxda dawladnimadu waa in loo sinaado waajibaadka difaaca dalka (gudaha iyo dibedaba) iyo xuquuqda horumarka.

Isaaqow Seddex Kala Daa:

  1. Inaad tidhaahdo dawladnimada iyo hoggaaminta dalka waa la wada leeyahay haddana tidhaahdo axsaabta dalka, mucaarad iyo muxaafidba, annagaa madax u noqonayna kala daa. Xukunka waa la wada leeyahay iyo anigaa xukumaya kala daa.
  2. Inaad tidhaahdo dawladnimada waa loo wada simanyahay haddana jagooyinka ugu muhiimsan qaadataan kala daa (uma jeedo jagooyinka ku salaysan sida loo kala badanyahay balse waxaan ujeedaa jagooyinka muhiimka ah). Cadaalad iyo cadaalad-xumo kala daa

 

  1. Inaad tidhaahdo horumarka dalka waa loo simanyahay haddana Galbeedka xoogga la saaro kala daa (maadaama laga soo kabtay dagaalladii sokeeye). Horumarka waa loo simanyahay iyo Galbeed xoog saar kala daa.

    Allaah (S.W.T) waxaa uu leeyahay: “Cadaalad sameeya sidaas baa u dhow dhawrsanaanta (Taqwada), oo ka cabsooda Ilaahay. Xaqiiqdii, Ilaahay waa u Xog-Ogaal waxa aad samaysaan.” [Suuradda Al-Maa’ida, Aayadda: 8aad].

    Hartiyow Seddex Kala Daa:

 

  1. Inaad muddo 27 sano ah qori u qaadato dadkaaga iyo dalkaaga Somaliland haddana ka cabato horumar la’aan kala daa. Meel qori ka tasho nabadgelyo ma taal, meel aan nabadgelyo oolna horumar ma jiro waayo qori iyo horumar meel ma wada galaan. Horumar iyo qori kala daa.

 

  1. Inaad idanka oo og in Xuduudda Afrika ku dhisan tahay dhul haddana tidhaahdo isir bay ku salaysantahay kala daa. Xuduudaha Afrika waa Xuduudihii Isticmaarka, kumana salaysna isir balse waxay ku salaysanyihiin dhul oo qabiilkasta oo Afrikaan ah waxaa uu kala deganyahay dhawr dal. Isir iyo xuduud kala daa. Fadlan akhri maqaalka: http://www.somalilandsun.com/2018/01/31/somaliland-the-danger-of-redrawing-african-colonial-borders/

 

  1. Inaad marna Puntland u sii yaacdaan marna Somaliland u soo yaacdaan gar maaha ee Mabda’ iyo mabda’ la’aan kala daa. Dhulkaaga iyo dadkaaga Somaliland aamin si dadku kuu aamino. Buuhoodle iyo Sanaag Bari aad ayay uga dambeeyaan dalka intiisa kale waxaana sabab u ah casabiyad fool-xun oo ku dhisan isirnimo oo ay Puntland ku maaweelinaysay 27 sano taas oo aan waxba u tarin.

Allaah (S.W.T) waxaa uu leeyahay: “Oo haddii ay u iishaan xagga nabadda, adiguna sidaas oo kale u iilo, oo Ilaahay talo saaro.” [Suuradda Al-Anfafaal, Aayadda: 61aad].

 

                                      Gabooyana Hal Ka Daa:

 

Dadka Gabooyaha ah weli waa la yasaa oo la xaqiraa, degaanadoodana kama muuqdo wax horumar ah. Markaad aragto degaanadooda, waxaad xusuusanaysaa degmadii Soweto ee Koonfurta Africa ee xukuumaddii caddaanka ahayd ee Koonfur Afrika u samaysay dadkii madoobaa ee dalka sannadihii 1930s si loo kala sooco madowga iyo caddaanka.

Dadka Gabooya ah oo ah beel ka tirsan Somaliland, waajib iyo xuquuqna ku leh dalka, weli waa la takooraa, waxayna yasidda magacooda ku waayaan inay ummadda ula sinmaan horumarka, waxbarashada, caafimaadka, shaqada, jagooyinka dawladda iwm.

Ummadaha aan Muslimka ahayn waa ka suurtogal inay dadkooda qaar yasaan ama xaqiraan waayo kama jirto Diin xaq oo u diidaysa arrintaas sida Diinta Islaamka. Laakiin ummadda Muslimka ah Diinta Islaamka ayaa u diidaysa in qayb ka mid ah dadkeeda la takooro ama la xaqiro waayo waa dembi xagga Ilaahay (S.W.T). Ilaahay waxaa loogu kala dhowyahay cibaadada ama taqwada ee looguma kala dhowa xagga haybta. Waxaa sidaas caddaynaya Aayadaha Qur’aanka Kariimka ah ee soo socda:

Allaah (S.W.T) waxaa uu leeyahay: “Kuwa (Xaqa) rumeeyow! qolana yeysan quudhsan (yasin) qolo kale, waxaa laga yaabaa in kuwa la yasayo ay ka khayr badanyihiin kuwa wax yasaya, oo yaanay haween quudhsan haween, waxaa laga yaabaa in kuwa la yasayo ay ka khayr badanyihiin kuwa wax yasaya, oo ha is-ceebaynina, oo ha isugu yeedhina naanaysyo xun, maxaa ka xun magacyada fusuqa ee la iskugu yeedho Iimaanka ka dib. Oo kii aan Ilaahay u toobadkeenin, waa kuwaas kuwa daalimiinta ah.” [Suuradda Xujuraat, Aayadda: 11].

Allaah (S.W.T) waxaa kale oo uu leeyahay: “Dadow waxaanu idanka abuurnay lab iyo dhedig, oo idanka dhignay ummado iyo beelo si aad isu aqoonsataan. Xaqiiqdii, kan idiinku gobsan (idiinku karaamo badan) Ilaahay agtiisa waa ka idiinku toosan (idiinku taqwo badan). Xaqiiqdii, Allaah waa Cilmi-Badane, Xog-Ogaal ah.” [Suuradda Al-Xujuraat, Aayadda: 13 aad].

Ayaadaha kor ku xusan waxay Muslimiinta ka reebaysaa in dadka la kala fadilo nasab ahaan oo loo kala saaro sab iyo gob laakiin lagu kala fadilo cibaadada. Xuduudaha adduunka inta aan la samayn ama boqolaal sano ka hor, dadku waa isku tallaabijiray ama isku guurijiray. Haddii qolo u timaado dadkale oo meel degan, geeska ayaa lagu dhufanjiray waxaana loo bixinjiray magacyo kala duwan oo ku salaysan yasid iyo xaqiraad iyaga oo u arkijiray waageeni ama galooti aan la aqoon. Waxaa laga yaabaa in qaybo ka tirsan beelaha Somaliland ee maanta ay boqolaal sano ka hor u guureen dalal kale oo Afrikaan ah lagu yaso ama xaqiro sida Gabooyaha.

Dadku waxay ka soo wada jeedaan Adam iyo Xaawo (C.S). Beesha Gabooyaha ah waa la mid beelaha kale ee Somaliland. Waxaa habboon in laga bedelo magaca loona baxsho magac kale sida Beesha Saam. Markaas Gabooyaha ka daaya yasida iyo takooridda oo ha la is-dhexgalo hana la kala guursado, horumarka dalkana halloo wada sinaado. Dadku waa isku mid mana jirto sifo lagu kala sooco.

                                      Soo jeedin

 

  1. In shanta (5) sano ee Mudane Muuse Biixi madaxweynaha dalka yahay xoogga la saaro horumarinta Gobolka Sool iyo Sanaag Bari sii loo soo gaadhsiiyo dalka intiisa kale

 

  1. In degaanada Beesha Gabooyaha la hormariyo lana soo gaadhsiiyo degaanada iyo magaalooyinka ay ka tirsanyihiin, dadkuna is-dhexgalaan, isla degaan, kalana guursadaan.
  2. In Guddoomiyanimada Xisbiga Kulmiye kalkan la siiyo laguna taageero Beesha Harti. Ma habboona in Isaaqu ku diriraan jagada guddoomiyanimada Xisbiga Kulmiye amaba axsaabta kale maadaama dalka la wada leeyahay.
  3. In Qalcadii Sayid Muhammad Cabdalla Xasan ee Taleex dib loo dhiso loona ekaysiiyo sidii ay ahaanjirtay sannadkii 1920 (Replica). Qalcadaas waa goob Adduunka iyo Afrika caan ku ah loona baahanyahay in la badbaadsho taariikhdeeda. Waa goob taariih weyn leh oo halgan gumaysi la dirir ah, Somalilandna ay nasiib u yeelatay inay ku taal dhulkeeda. Waxay noqodoontaa goob dal-xiis oo adduunku ku soo qulqulo, magac iyo maamuusna u leh Somaliland.
  4. Qabyaaladu waa aafada burburisa dawladnimada, qaranimada iyo cadaaladda isla markaana horseedda dagaallo sokeeye iyo deganaansho la’aan. Qabyaaladu aad ayay ugu soo badanaysaa Somaliland waxaana loo baahanyahay in laga soo saaro shuruuc adag oo xakamaysa. Qabyaaladda oodda jabsatay waxaa ugu wacan madaxda dhaqanka oo xadhkaha goostay tiro ahaan. Sharaftii, haybaddii, iyo maamuuskii suldaanimada waa lagu xad-gudbay waxaana lagu saleeyaa maanta hunguri.

Suldaan bararku waxaa uu keenay in ninkii afar qof meel isugu keenaba duub qaato sheegtana suldaan, garaad, ama caaqil si uu mushahar ugu qaato. Dhaqankii hawsha iyo waajibka suldaanimada waa la xooray oo waxaa la dhexgalay siyaasad iyo in saxaafadda maalinkasta laga caayo madaxda dalka iyo beelo si la iskaga horkeeno ummadda Somaliland halkii maslaxadooda laga talinlahaa.

 

Sidaas daraadeed, waxaa habboon in madaxda dhaqanka ee maanta jirta intooda badan lagala noqdo aqoonsiga lana joojiyo caleemo saar dambe, dib loo habeeyo madaxda dhaqanka, loona sameeyo xeerar ay ku ekaadaan hawshooda dhaqanka kana baxaan siyaasadda. Dawladda oo qudha ayaa leh siyaasadda, mas’uuliyadda iyo hoggaaminta dalka. Waa in la kala saaraa dhaqanka iyo siyaasadda. Sharci adag waa in laga soo saaraa madaxda dhaqanka ee xurriyadda hadalka iyo saxaafadda u adeegsata af-lagaado, kicin iyo iska-horkeenka ummadda. Xurriyadda hadalka iyo saxaafadda waa inay ku salaysantahay dhaliil run ah iyo toosin kana fogaataa fitno, iska-horkeen iyo burburin.

  1. In jagooyinka dawladda loo badiyo dal-joogta lana yareeyo jagooyinka la siiyo qurbo-joogta sababta oo ah dal-joogta ayaa jagooyinka xaq uga leh qurbo-joogta maadaama dalka ay joogaan ugana xog-ogaalsanyihiin baahida dalka qurbo-joogta.
  2. Cimiladii adduunyada waa is-bedeshay, roobabkii iyo daaqii waa yaraadeen, abaarihii ayaa batay. Markaas waxaa habboon in la sameeyo biyo-xidheeno, ceelal badan dabadeedna beeraha xoog la saaro, xoolahana loo sameeyo degaan joogto ah. Dhulku waa qani xagga beeraha, xoolaha, kalluunka, iyo macdantaba.

Ibrahim Hassan Gagale

 

Taariikh: February 12, 2018

Advertisement

Ku Xayeysiiso