Waxaa Maanta Xabsiga loo taxaabay Dhalinyarado Magaalada Hargaysa ku samayn jirtay Baasaboorka Somalia .
Wararka na soo gaadhayaa ayaa sheegayaa in Dhalinyaradan tiradoodu tahay Saddex, isla markaana ay hadda ku xidhan-yihiin  Saldhigga Kood-Buur Ee Hargaysa .
Taliyaha Ciidamada Laanta Socdaalka Somaliland ayaa hore u sheegay in ay dambi tahay in baasaboorka Somalia lagu sameeyo Gudaha Hargaysa .
Ilaa hadda Ciidamda Laanta Socdaalka Somaliland Faahfaain kamay bixin xadhiga dhalinyaradan .