Afkayga iyo Afka Hooyo

Afkayga iyo Afka Hooyo.
Af-soomali waa afkii saddexaad ee aan barto, ma garan karo haddii uu noqonayo afkaygii hooyo mar haddii aan dhawaan bartay oo aan aan yaraantaydi ku hadli aqoonin. Hasayeeshee af igu qaali ah weeyaan waa afka kali ah ee ii eeg muuqaal ahaan iyo dhuux ahaan ba, hadda na waxa aad mooddaa in la ii diidday in aan barto waayo markasta oo aan dareemo in Af soomaaligayu soo xididaysanayo waxaa dhacda in ay yimaadaan duruufo ii rara waddan kale. Anoo og in aduunku maanta noqday hal tuulo oo yar oo af walba barashadiisi ay kaa xigto Kombuyuutarkaaga. In aan gaabis ka noqday wax barashada af-soomaaliga waan qirsanahay waanaan ka xumahay dedaal yaridayda, anoo nasiib wanaag macalinkaygi kowaad marka aan dugsiga sare ku jiray ahaa abwaanka qiimaha leh ee M. I. Hadraawi. Macallin Hadraawi dhab ahaan waa qof ka i jeclaysiiyey Soomaalinimadayda iyo afka Soomaaligaba.

Qofku marka uu af baranayo waxaa ugu horreeya ee uu la kulma wax badan oo uu diido, ama khalad ha u arko ama wax aan caqli gal ahayn ha u arko, waana dabciga aadamaha in uu qof ku naco waxa uu jahli ka qabo. Waxa ugu horreeya ee aan diiday marka aan af Soomaaliga baranayey waa maqnaanshaha xarafka “Z’’ oo ah xarafka kowaad ee magacayga, in “S” lagu beddelo aad bay igu adkayd, sababtoo ah waxaan dareemayey in magacaygi oo dhan la bedelay. Waa run adduunka oo dhan way ka jirta in xarafka ka maqan afka marka wax la turjumayo loo bedelo xarafka ugu dhaw, oo ay dadka afkaa ku hadlaa awoodi karaan in ay ku dhawaaqaan.

Si kasta oo aan isku dayey in aan la qabsado hadda na dhegahaygi weli boqolki ba boqol kumay qancin oo wali qof kale ayey dareemaan in loogu yeedhayo magaca.

Dhibaatada labaad ee igala kulantay af-soomaaliga waa xarafka “dh” oo ilaa iminka aanan kala saari karin isaga iyo “d” dhawaaq iyo qoraal ahaan toona. Waxaan xasuusta in aan mar waydiiyey macalin Saciid Saalax sida aan ku kala saari karaa, wuxuu ii sheegay in ay la mid tahay xarafyada “f”iyo “v” oo aanay dadka soomaalidu kala saari karaynin inta badan.

Waxa kale oo uu ii sheegay in aan dhaamo dad kale oo uu afka u dhigi jiray oo “dh” da u bedelay “t”, runtii niyaddu ii dhisay macalinku iminka marka aan maqlo qof isku khaldaya “B” iyo “P” isagoo af ingiriisi ku hadlaya waxaan xasuusta culayska ay “dh” du igu haysato.

Dedaal kasta oo aan geliyo in ay waligeed astaan ii noqonayso in uu afkan igu cusub yahay oo in aan afaf kale ka hor bartay.

Af-soomaaliga in kasta aanu ahayn afkayga hooyo, marka la eego macnaha guud ee weedha “mother tongue” ee macneheedu yahay afka uu qofku ku soo barbaara oo uu ku hadli jiray yaraantiisi. Haddana sida aan sheegay waa afka kali ah ee ii eeg, afafka kale na iigu dhaw, kaalin gaar ah ayuu iigu jira sababta oo ah taariikh aad u weyn oo dahsoon ayuu leeyahay oo xiiso badan leh. Waa af awood sare leh oo xoog badan, waa af ka badbaaday burbur kasta dadkiisi soo mareen, dayac iyo dhaawac badan kasoo badbaaday, waana wax qadarin iyo xusid mudan. Haseeyeeshee afkan soo maray marxaladahan aadka u adag ma laga yaaba in uu ka badbaado dayac iyo qas cusub oo ay keentay tiknoolajiyaddu? Waxa aan xasuusta berigii [MSN messenger] oo ka horreeyey baraha bulshada ee faraha badan ee maanta jira, waxaan ka yaabi jiray arday dugsiga sare dhigata qaabka ay wax u qori jireen intooda badan, kama hadlayo marka aad farriimaha degdegga ah aad [chat] ku qortid. Se ee waa qaab laga arki karo in qofka wax qoraya in aanu aqoonin qawaacidka ama xeerarka asaasiga ee qorista, maanta na hadalkeeda ba da. Maanta waxaa soo baxay jiil ka “P, V, Z,” iyo xarafyo kale oo badan ku soo daray afka, waxaanay ka bilawday magacyo carbeed oo asal ahaan xarafka (ز) “Z” ku bilaabi jiray oo af-soomaali “S” lagu bedelay sida magacayga oo kale. Dhibaatadu halkaa oo kali ah maaha ee waa marka lagu daray magacyo asal ahaan xarafka “S” ama (س) ka bilaabma sida “Salma” oo “Zalma” laga dhigay, qof ka af-carabi ga yaqaana uun ba arki kara qaska iyo foolxumada. Iminka kama xumaado in magacaygi xaraf laga bedelo waayo waxay tilmaamaysa ummad af gaar ah le oo aan ogolayn in afkooda la bedelo, oo erey kasta oo soogalooti ah ayey marin jireen xeerarka ay lahaayeen. Maanta na waxaabay maraysa in “Cabdi” loo beddelo “Updy’’.

Laga yaaba in dadka qaar is yidhaahda waa dhalinyarada uun oo qaabka ay wax u qoraan waxba kama bedeli karaan afka, ama in qaar u arkaan in ay ka mid tahay qaababka ay afafku ku horumaraan. Waan ku raaci karaa fekerka lakin waxaa aan ka werwera oo is weydiiiya mar walba horta dhalinyaradan afka qasaysa markoodi hore asaas saxsan miyey hayaan? oo markay kalmadaha qaar soo gaabiyaan sida saxda ah ee loo qoro miyey yaqaanaan?

Afafku waa astaamaha dhaqanka ummadda iyo horumarkeeda, Waxaa Soomaalinmadaydi i jecelaysiiyey waa marka uu abawaan Hadraawi i tusay habdhaqanka dadka hore ee noolaa gumaysiga ka hor. Af aad u qaali ah ayuu Ilaahay nagu mannaystay oo tilmaamaya ilbaxnimo soo jireen ah. Ilbaxnimadeena tiirarkeed waynu wada burburinay, tiirka afka oo manta ciirciiraya oo aan sal adag ku taagnayn aan dareyeelno oo dib u dhisno ilbaxnimadeena oo aan ka bilowno tiirka afka.

Dr. Saynab C. Walaaleye.
21/02/18

Advertisement

Ku Xayeysiiso