Kacdoonkii Ardeyda iyo Kaalintii UFO
Axmed Muxmumed Madar
Bahda Mareegta Farshaxan
Febraayo 20, 2018
Hordhac :
Waa maalin ay bishu ku beegnayd 20 Febraayo ee gu’gii 2013kii. Waagii baa baryey oo qof waliba danihiisa ayuu ku faafey . Maalinta waxaa la xusayaa maalin qiimo leh. Ummadu maalmahaa waxay u dhago taageysay waxay dawladii xilligaasi uga qorsheysan maalintan mudan. Waxaa sidoo kale jiray koox ay xukuumadaasi dhabarka ka taabatey oo wadey qorshe lagu marin habaabinayo mudnaanta maalintan 20ka Febraayo. Si kastaba ha u dhacdee dadkii aan sooyaalka ummada wax kala socon, koox dareensaneyd waxa jira danahooga gaarka ahse ka raacey iyo xukuumadii oo madaxweynihii hore ee Axmed Maxamed Siilaanyo hogaaminayo ayaa u qulqulay dhinaca Hudheelka Maansoor. Waxaa maalintii dhalinyarada lagu boqno gooyey barnaamij lagu xusayey 100 qof oo la yidhi waxaa loo aqoonsadey Haldoorka ummada.
Yaab!!! Maxaa maalintaaa barnaamijkaasi maba xumee loola doontey?. Waxaa barnaamijkaa lagu siiyey qandaraas oo ahaa gudoomiyaha barnaamijkaa Rashiid Sulub Caalin. Ka madhnaanta sooyaalka ummadeed dhibtiisuu leeyahayee, Rashiid dugsiga sare markuu ka baxey ayuu u wareegay magaalada Muqdisho in badan ayey indhihiisu qabteen taalada Dhagaxtuur , dhagahiisuna ay maqleen ka waranka taalada Dhagaxtuur. Itaalkiisa maalinta Dhagaxtuurka Hargeysa iyo taaladaaa ayuu xidhiidh ka dhexeeysiiyey. Hase yeeshee xukuumada jirtey badheedh bay ka aheyd inay maalintaa boqno-goyse oo si aan barnaamij loo hirgelin ayey 20ka Febraayo ee gu’gii 2013kii qandaraas ku siiyen Rashiid Sulub inuu shahaado siiyo boqolka Haldoor , halka Farduus Dirirna ay soo bandhigtay 21ka Febraayo ee gu’gii 2013kii barnaamijkii Afka Soomaaliga. Ma isla doonashaa mise waa go’aan loo badheedhay?!!! Taa waxaa ka sii daran in Rashiid Sulub uu madaxweynihii Axmed Maxamed Siilaanyo ka dalbadey in 20ka Febraayo loo qoondeeyo maalinta danta guud! Ka daroo dibbi dhal ma la maqli jirey!!!
Hadda u fiirso akhriste oo gu’ danbe labadaa xafladood lama qaban.Waxaa maalintaa sida laga yeelay u dulqaadan waayey dad badan oo xataa qaar lagu darey Haldoorku aaney iman xafladaa. Haddaba dadka tirada lahaa ee arkey sida loo boqno goynayo sooyaalka ummada ayaa cod dheer ku qayliyey,Dhiiranaantaa ay dadku yeesheen ee ay ka biyo-diideen waxay keentay in gu’yaashi ka danbeeyey si qurux badan loo xuso maalintaa dhalinyarada Soomaalialnd. Waxaana dadkaa ka mid ahaa Axmed Muxumed Madar oo waliba ka tirsanaa xukuumadaa, kana ahaa gudoomiyaha Hay’ada Maamul-Wanaaga iyo Musuqmaasuq la dagaalanka.
Axmed Muxumed Madar oo u waramayey wargeysa afka xukuumada ku hadla ee Dawan ayaa yidhi: “hadalkaasi ka soo yeedhay Rashiid Sulub Caalin, waa mid meel ka dhac ku noqonaysa umadda Somaliland, isla markaana aanay suurtogal ahayn in maalin qaranka ugu astaysan maalin wayn oo taariikhi ah si fudud loogu bedelo maalin uu shaqsi wax qiimeeyay”.
Isagoo Axmed Muxumed Madar sii wata hadalkiis ayuu yidhi : “waxa laga dalbaday oo laga codsadey madaxweynaha Soomaaliland- Axmed Maxamed Siilaanyo- in maalinta 20ka Febraayo loo bixiyo maalintii danta guud, iyada oo ah maalintii dhalinyarada Somaliland.Taasi macquul ma noqonayso, haddii la doonayo in maalin cusub oo taariikhi ah la sameeyo in maalmaha kale ee jira looga meel dayo maxaa u diidaya , maalintan 20ka Febraayo waxay ku astaysan tahay maalin qaran oo u taagan halgankii dalka lagu xoreeyay .Waxaa nasiib daro ah in qof si shaqsi ah wax u qiimeeyay uu codsado in lagu bedelo”.
Barnaamijyadaa lagu sameeyey hudheelka Maansoor aad ayey u damaqdey Axmed Muxumed Madar oo ka mid ahaa dadka ay maalintaasi si gaar ah u taabaneyso, garanayana inay aheyd dhinbiishii hurisay halgalkii dibu xoreynta Soomaaliland. Axmed Muxumed Madar wuxuu ku sii ladhey hadalkiisa ““Marka laga hadlayo qiimayn ee lagu astayanayo taariikh waxaa muhiim ah in maalmaha Illaahay way fara badan yihiin ee in loo meel dayo taariikhda cusub ee la bilaabayo, oo maalmaha kale looga meel dayo.Maalin jirta oo maalin qaran ah oo ku suntan halgankii dalkan lagu xoreeyay ee dhiiga iyo maalba loo huray in iyada oo la leeyahay waxbaa la qiimaynayaa iyadii la ilaabo oo wax ka fudud la siiyo maalintii, ama la codsado in halgankii ummadu ay lahayd ee ay u soo burburtay la yidhaahdo ha laga bedelo magacii oo ha loo bixiyo waxqabad ay shaqsiyado sameeyeen.Waxaan u arkaa in aanay qiimayni ku jirin, waxa iska hor imanayaa wixii aynu qiimaynaynay oo tii waynayd ayaynu qiima tiraynaa, arrintaasi waa mid aad iyo aad looga xumaado”
Isku soo dabbaaloo Inta daallin iyo tuugDocda ugu shirayaan Dawadeeda lama helo Durkiyee an dhaafee
Maansadii Durkiyee aan dhaafee, Abwaan Xasan Cilmi Diiriye,
Gu’gan 2018, bahda mareegaha Farshaxan waxay go’aansatey sidii u hab-dhaqanka aheyd inay mid ka mid ah haldooradii maalintaa bulshada la wadaagto sooyaalkiisa nololeed iyo halgameed.
Xukuumad kasta oo timaada waxtarkeeda iyo waxyeeladeeda way leedahay. Hase yeeshee xukuumadaha ka dhasha Soomaaliland ka dib 1991kii waxay kaga duwan yihiin xukuumadii hore ee ka jirtey dalkii Jamhuuriyada Dimuqraadiga Soomaaliya la isku odhan jiray in Xukuumada Soomaaliland ay ka taliso dal u gaar ah oo dib u hantiyey Maandeeq halgan dheer dabadeed. Haddaba xukuumadaha Soomaaliland marka la dhaliilalyo waa toosin iyo talo-sheeg ay hogaaminayaan Xisbiyada Qaranka ee Mucaaridku.
Bishan aynu ku jirno ee Febraayo 20ka ee gu’gan 2018ka ayaa ururka dhalinyarada ee Sonyo soo qaban qaabiyey xaflad lagu xusayo kacdoonkii ardeyda iyo kaalintii UFFO ee gu’gii 1982kii. Maalintaasi Febraayo 20ka ayaa aheyd dhimbiishii hurisay halgankii dib loogu hantiyey Maandeeq gu’gii 1991kii , bishii May 18keedii. Waxaa xafladaa ka soo qayb galey dhalinyarada reer Soomaaliland oo hogaankaba u hayey hab-socodka golahaasi, bulshada reer Soomaaliland iyo Xukuumada Soomaaliland oo uu horkacayo madaxwyene Muuse Biixi Cabdi.
La Soco qaybaha kale..
Diyaarintii iyo Qalinkii
Fu’aad Sheekh
Bahda Mareegaha Farshaxan
www.farshaxan.com iyo www.farshaxan.org