Farid al-Deeb, qareenka madaxweynihii hore ee Masar Hosni Mubaarak, ayaa beeniyay warar isniintii la faafiyey oo sheegayay geeridiisa.
Al-Deeb ayaa ku sheegay bayaan uu ku faafiyey Barta Misraawi in Mubaarak uu caafimaadkiisu wanaagsan yahay.
Waxaanu xaqiijiyay in wararka ku saabsan dhimashadiisa uu yahay mid aan aasaas lahayn.
Al-Deeb ayaa intaa ku daray uguna baaqay warbaahinta iyo boggaga internetka in ay si sax ah u hubiyaan wararkooda, gaar ahaan noloshii madaxweynihii hore iyo qoyskiisa.
Warqabadka ToggaHerer