Taliyaha ciidamada dhulka Yuhuuda oo ka digay khatar dagaal oo sanadkan dhacda

Qudus – Taliyaha ciidanka dhulka ee Yuhuuda Major General Kobi Barak ayaa ka digay khatarta dagaal dhaca sanadkan, sidaana waxa sheegay Radio RBC.

Taliyaha Ciidanka Dhulka Israel ayaa sheegay in khatarta dagaalku ay kor u kacday sanadkan, inkastoo dhinacyada oo dhan aysan daneynin.

Wuxuu intaa ku daray in xaaladdu ay u egtahay mid u eeg dagaalkii labaad ee Lubnaan 2006.

Kobe Barak ayaa tilmaamay in hawlgalka dhulka ee dagaalka soo socda uu bilaabmi doono marxaladda hore, waxayna noqon doonaa kuwo aad u ballaadhan, degdeg ah oo ka sii daran sidii kii hore.

Dhiniciisa, sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada Israel, haddii dagaal uu ka qarxo dhinaca woqooyiga, mid ka mid ah ujeeddooyinkeeda ayaa noqon doona in la tirtiro Xoghayaha Guud ee Hezbollah Hassan Nasrallah.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso