Goorma ayaynu noqon Ummad wakhti ilaalisa?
W/Q: Guuleed Axmed Xaashi
Barnaamij ayaad tagaysaa waxa ku qoran wakhti cayiman in la yimaado, iska daa in wakthigaa lagu yimaadee waxa uu barnaamijkii habsaamayaa muddo marmarka qaar ka badan 1 saac ,ama cid barnaamijka muhiim u ahayd ayaa muddo la sugayaa, marka aad qof barnaamij ugu yeedho, ama balan aad leedihiin waxa uu waxkasta ka hor mariyay sidii uu wakthigiisa munaasibadaa ugu hori lahaa, waxaa laga yaabaa in uu waxkale oo muhiim u ah qabsan kari lahaa haddii uu waxkale galin lahaa.
Haddaba maxaa sababa in aynaan balanta iyo wakhtiga midna ilaalin?, u kuurgal iyo indho indhayn badan kadib waxaa isoo baxday in qodobadan hoose ay qayb ka yihiin in aynaan wakhtiga ku xisaabtamin, mana wada aha kuwa sababa .
1. Shaqo la’aan iyo firaaqo badan
Marka aanu qofku shaqo lahayn inta badan wakhtigu uma xisaabsana, qofkuna dadka sidiisa ayuu moodaa, haddii lala balamo oo laga habsaamo dhib wayn uma arko waayo balantan ayaaba shaqo u ahayd waxkale oo uu ku mashquulana muu lahayn, sidaa si lamid ah haddii isagu uu dadka ka habsaamana dhib wayn uma arko .
2. Balamaha oo looga qiyaas qaato Salaadaha
Waxaa Soomaalidu u dhaqan ah in badanaa la balamo salaadaha kadib; waxaa laga yaabaa in uu qofku ku yidhaa ha inoo ahaato Salaada Casar kadib, Maqrib ama Duhur, tani waxa ay keentay in uu wakhtigu xaga dambe ka furnaado, tusaale ahaan qofka ku yidhaa Casar kadib ma cayina wakhti sax ah, haddii salaada laga soo baxo 3:45 Pm, qofka kuu yimaada 4:00Pm iyo ka kuu yimaada 5:00Pm labaduba waxa ay kuu yimaadeen Casar kadib, taasi ayaa keentay in wakhtigu dabada ka furnaado oo aan la isla qaadan waa goorma salaada kadib?.
3. Xafladaha iyo Munaasibadaha oo lagu qoro wakthi been ah Xafladaha iyo munaasibadaha waxaa lagu qoraa wakhti been ah, tusaale ahaan aniga oo og in aanay xafladu bilaabmi doonin 7:45Pm kahor ayaan ku qorayaa 6:30Pm, tani waxa ay keentay in qofkasta uu is yidhaa kolay xiligaa lama bilaabayee iska habsaan, tani waxa ay noqotay been la isla ogol yahay; laakiin ay layaab ku noqoto dadka ajaanibka ah ee aan inala fahmayn.
4. Dadkeena oo aan fahan sanayn qiimaha wakhtiga
Wakhtigu waa shayga ugu qaalisan oo qof Ibnu Aadam ahi haysto, ilbidhiqsikasta oo ku dhaafaanaa waa hanti aan laguu soo celin karin, wakhtiga oo la fahmo waa waxa aakhiro iyo aduunba la isku dhaafo. Diinta Islaamku wakhtiga muhiimad ayay siisay, waxaa jira xadiis sheegaya in qofka aan qiyaamaha laga dhaqaajinayn ilaa la waydiiyo wakhtigiisii iyo waxa uu ku qaaday.
5. Ixtiraamka dadka oo aad inoogu yar
Dhaqanad aduunka ka jira qaarkood qofka haddii aad la balanto oo aad ka habsaanto macnaheedu waxa weeyaan in aanu qofkaasi agtaada qiimo ka lahayn, dadka ajaanibka ah marka ay balamo kuu qabtaan waxa ay isku dayaan in ayna balantaa ka bixin, haddii ay dareemaan in ay kaa habsaamayaan ama sikadis ah habsankaasi ku yimaad markaaba way kusoo ogaysiin, inaguna waxaaba dhacda in qof maanta oo dhan aad meel u fadhiday uu Tilifoonka kaa qaban waayo ama kuu jaro hadhowna wax aan cudur daar noqon karin kuu sheego . Waxaa taas la mid ah marka xaflad ama barnaamij lagugu marti qaado ama aad kasoo qayb gasho ee aad saacad iska fadhido dib u dhac yimid awgeed, hadhowna waxaanu idinka raali galinaynaa aynu hadalka ku bilowno.
6. Jadwalka balamaha oo aan jirin.
Jadwalka balamaha waxaan ka wadaa; ma qorano mana mudayno wakhtiga aynu qof la balamayno, tusaale ahaan dhawr qof ayaad bari la wada balamaysaa, hadhow balamihii ayaa isku wada dhacaya.
Tusaale ahaan 10:00 AM maalinta Isniinta ee bishu tahay 6/2/2018 waxaan la balansanahay hebel, 11:00AM waxaan balan la leeyahay urur hebel…….. tani waxa ay qofku u sahashaa in aanay iskaga dhicin balamuhu. Marka wakthigaagu nidaamsan yahay waxa aad kala garan kartaa in aad balan lagaa codsaday fulin karto iyo inkale . Markaan ogahay in maalinta bari ah wakhtigaygu balamo iyo shaqooyin ku buuxo ma gali karo balan kale, laakiin haddii aanay kuu qorshaysnayn waxa aad qabanayso ama aanay balamahaagu mudaysnayn dhawr balamood ayaad madaxa isku wada galin.
Guuleed Axmed Xaashi
Gaaxnuug2013@gmail.com