Shiinuhu ma doonayo inuu Qabsado Saaxada uu Maraykanku Kaga Jiro Caalamka!!!

Wasiirka Arimaha Dibada Shiinaha Wang Yi ayaa sheegay in xidhiidhka u dhexeeya Shiinaha iyo Mareykanka uu adkaan doono marka la eego tartanka masaalixda labada dal , isaga oo xusay in labada dal aysan muhiim u ahayn.

“Haddii aan ka hadalno tartanka u dhaxeeya Mareykanka iyo Shiinaha, waa inay noqotaa mid sax ah oo wanaagsan, dhacdo caadi ah marxalad caalami ah, si kale haddii loo dhigo, Shiinaha iyo Maraykanku waxa ay noqon karaan kuwa iska soo horjeeda, maaha kuwo sax ah” ayuu Wang Yi ka sheegay shirkiisii jaraa’id ee sanadlaha.

Wasiirka ayaa intaas ku daray in Shiinuhu uusan dooneynin in uu Mareykanka ka qaado marxalad caalami ah, sida qaar ka mid ahi waxay aaminsan yihiin.

“Qaar ka mid ah dadka Maraykanka ah waxay u arkeen Shiinaha in ay yihiin caqabad istiraatiji ah, waxayna u maleynayaan inay bedeli doonto Mareykanka marxalad caalami ah, laakiin gabagabadan istiraatiijiyadeed ee gabi ahaanba waa qalad,” ayuu yidi.

Waxa uu tilmaamay in taageerada uu waddankoodu ku sameeynayo horumarinta dalal kale ay sii kordhinayso horumarka Shiinaha lafteeda, isaga oo ku nuuxnuuxsanaya in Beijing hadda ku jirta habka casriyeynta.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso