Wasaaradda Arr. Dibedda JSL Somaliland oo ka qeyb gashay Shir Caalamiga ah oo ka Qabsoomay Magaaladda Abuja ee Dalka Nigeria

Wasaaradda Arr. Dibedda JSL Somaliland oo ka qeyb gashay Shir Caalamiga ah oo ka Qabsoomay Magaaladda Abuja ee Dalka Nigeria

Abuja, Nigeria- 08, March , 2018: Waxaa Magaalada Abuja ee Caasimadda Dalka Nigeria ka furay 7-da bishan March,2018 shir Caalamiga ah oo ay isugu yimaadaan badi dalalka afrika, waxaana shirkaasi lagu soo casuumaay Wasaaradda Khaarijiga Somaliland, SHirkaasi waxaa lagaga hadlayay siddii dalalka afrika ee islaamka ah ay kor ugu qaadi lahaayeen islamarkaana u adeegsaan lahaayeen Nidaamka Caymiska ee ku salaysan Diinta Islaamka ee loo yaqaani(Islamic Insurance- Takaful).

waxaa shirkaasi ka qeyb galay oo wakiil ka ahaa Wasiirka Arrimaha dibedda JSL Mudane Cabdiqani Ahmed Hassan oo ah Agaasimaha Siyaasadda ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda JSL.

Ugu horeyn waxaa shirkaasi furay HE. Dr. Amuru Abdula oo ahaa Waasiirkii hore ee Maaliyadda Nigeria ahna Gudoomiyaha JAIZ Foundation , wuxuuna soo dhaweeyay Xubnaha martida ah ee ka socday dalalka Afrika oo ay Somaliland ku jirto. Waxa kaloo halkaasi ka hadlay Safiirka Pakistan u fadhiya dalka Nigerian HE.Asim Ali Khan oo hoosta ka xariiqeyn ahmiyada ay leedahay in la adeegsado Nidaamka caymiska Islaamka ku salaysan.

Ugu danbeynti waxaa madasha lagu soo dhaweeyay oo khudbad dheer halkaas ka jeediyay Mr. Cabdiqani Axmed Xassan Goole oo wakiil ka ahaa Wasiirka Arrimaha dibedda JSL Dr. Sacad CALI Shire. Mr. Cabdiqani Goole waxaa uu sheegay in Somaliland laga hirgeliyay Nidaamka Caymiska ku salaysan Diinta Islaamka isla markaana Baarlamaanka Somaliland uu hore u Ansixiyay Xeerka bangiyadda Islaamka sanadkii 2012.

Ugu danbeyntii waxaa shaado sharaf la gudoonsiyya dalalka horumarinka ka Sameeyay xaga nidaamka camaysika Islaamka (Islamic Insurance – Takaful).

Advertisement

Ku Xayeysiiso