Halista heshiiska Berbera halka inna seegay iyo sida looga hor tegi karo
Waxaa hubaala heshiiska dekeda barbera inuu yahay halis ummada soomaalida ah Land-teeda iyo Weyn-teedaba soo waajahday ,waxaan shaki ku jirin raadka ay ku yeelanayso hada iyo mustaqbalkaba madaxbanaanida qaran nimada iyo midnimada ummada som-land gaar ahaan iyo qoomiyada soomaaliyeed guud ahaanba.waxaana haboon marka halis sidaa soo kale ah ay ummad lasoo deristo in si miyir iyo maan badan oo xikmad iyo fiiro dheer ku qotonta looga hadlo loogana hor tago .Hadaba halkan waxaan ku faaqidi doonaa dhawr qodob oo arintaa khuseeya kuwaasoo kala ah ;halista heshiiskani leeyahay, hal ka ina seegay iyo sida haboonayd in looga hadlo , iyo sida haboon in looga hortago oo loo hakiyo.
– Halista uu leeyahay heshiiskani
Hadaynu ku horrayno halista uu leeyahay heshiiskani waxaa aynu ka tilmaami karnaa in marka ugu horraysaba ay ka muuqato khiyaamo iyo xeelad ay wado shirkada pw- ee imaaraadku taasoo ah in ay soo gelisay heshiiska itoobiya oo aan daraf ka ahyn markii hore sida ay muujinayaan mabaadi,idii lakala saxeexday ee is afgaradka ahaa iyo hadaladii laga qabtay amaba laga rikoodhgareeyey masuuliyiintii markaa heshiiskan waday midna kuma cada ,waxa keliya ee lays odhankaro waa loo adeegsaday waa qodobka odhanaya labada daraf ee imaaraadka iyo som-lan midkuu doona ha ahaadee kii saamigiisa cid ku darayaa waa in uu darafka kale marka hore u soo bandhigaa ,qodobkaasina waaqodaob ay caddahay in ay shirkada imaaraadku usii gogol xaadhanaysay ku soo darista itoobiya oon marka horeba ka iman xaga som-land ,mana aha mid ay qarsoontahay xeelada laga damacsanaa waayo mayjirin wax caqligala oo soomaaliland ku khasbaayey in ay cidkale saamigeeda ka iibiso sidoo kalana imaaraadka iyagan amay muuqan wax baahiya oo ay u qabaan in ay cidkale saamiyadooda wax ka siiyaan sidaa aawadeed waxa keliya ee meesha ka cadi waa shaxda imaaraadku degeyeen tan iyo bilowgii heshiiska ee ay itoobiya u ahaayeen ceelalyo amaba sahan.
Dhinaca kale hadaynu ka eegno waxaa cad in ay imaaraadku iyagu ka bixiyeen 80-milyan itoobiya oo ay ka shubeen waayo itoobiya miisaaniyadeeda ma filayo in ay lacagtaa si ka go,ayso oo ay jeebkeeda mar keliya ka bixinkarto ,taasina layaab malaha waayo mashaariic badan oo imaaraadku itoobiya ay kawdaan oo ay u maalgeliyeen ayaa jirta sida biya xidheenka (nahda ) ee hadalku ka taaganyahay .waxaa iyana khatarta heshiiskan markhaati ka ah 19% markay yeelato ay dekeda wax ku leedahay oo aanay marti ku ahayn ,kaasoo xaq u siinaya in ay xataa milateri ahaan u soo gasho som-lan oo ay ku mar marsooto waxaan difaacanayaa hantidayda ,oo aynaan weligeen ka hor iman Karin wax itoobiya wadato xataa hadii innaga uu dhibaato inoo keenayo ,taasoo lamacna ah madax banaanideenii oo aynu sheer ku galay oo ku kahmaarnay .
Marka aan ka hadlaayo arinta itoobiya ee heshiiska kazoo dhex caariday sida nibiriga ugama jeedo in aan itoobiya wax u diidanaha hasayeeshee waxaan diidanahay in itoobiya meela qalqalooca iyo gudcur dhexdii inoosoo gabaala gurdayso ,hasayeeshee xataa haday toos inoo soo waajahdo oo ay tidhaa waar bilaash iiga dhiga waa wax aan amaba yeeli karno amaba diidi karno ,markaa waxaa haboon itoobiya jaarbaynu nahay inbadana waa ay isticmaalaysay dekeda berbera haday doonayso intaa in kabadan in loo sameeyo qiima dhimis iyo macaamilo wanaag waxba kama qabo laakiin waxaan meesha qaban aan hantidaada kugula shuraakoobo oo kula yeesho,waxaanay lamid tahaynin dukaan haysta oo nin macmiishiisa ahi ku yidhi hadaanad sheer isiinayan oo aanan dukaaka kula yeelanaun waxba kaagadan maayo, waa hadii ay itoobiya sidaa ku dodo waayo ilaahada wax hadal ah oo itoobiya ka tidhi ari tani majirto.
Khatarta kale ee uu leeyahay waxaa kamida markay shirkadani lawareegto meesha waxaa laga yaabaa in ay cashuurta ku kordhiso ganacsatada dalka oo taasina ay keento sicir barar kasii daran kana an ka cabanayno waayo kanbaigani adiga ayuunbuu lacagta badan ee uu doonaayo inuu macaasho kaasamaynaa .
-Halka inna seegay
Waxaa wax lala yaabo ah in ummad dhibaatadaa weyni soo food saartay ay kaga fal celiso hab caqligaabnimo iyo ciyaal nimo ah ,oo haday noqoto somalilan dhexdeeda iyo haday noqoto soomaaliya iyo soomalilandba siday arintaa uga jawaabceliyeen waxay ila ahayd si tusaysa masuuliyad darro iyo bisayl la,aan siyaasadeed ; aan ku horreeyeo Somali land dhexdeeda,e markii arintani soo baxday waxaa mashruucan difaaciisa iyo inta difaacaysa amaba weerakiisa iyo cida ka hor imanaysaa labaduba ku salaysnaayeen badan koodu aragti qabiil ,waana arin aad u khatara in aynu markaynu waxa muhimka ah ee ianala soo dersa ka hadlayno aynu isu xidhano muraayad qabiil ,oo tusaale ahaan kuwa ka soo horjeedaa ay yidhaahdaan waa mashruuc beelo gaari wataan oo ku danaysanayaan oo ummadii reer soomaliland ee si midaysan uga hor iman lahayd kala qaybiyaan waa aragtigaabnaan iyo xilkasnimo daro ,sidoo kalena kuwa difaacayaa in cid kasta oo ka hadasha ay ku canbbaareeyaan inuu federal iyo somaliya laxidhan yahay iyana waa nasiib daro kale oo labadaa aragtiyoodba markaynu qiimayno waxa keliya eek u lumayaa ay tahay dantii ummadeena iyo sidii aynu u heli lahan talo saxa oo anu ku waajahno arintan .
Waxaanan leeyahay halaga saaro arintan yooyootanka beelaha iyo qabaailka ,waxaana laga yaabaa kuwa saxeexay badankoodu amaba xukuumadii hore ha ahaato amaba tan manta,e in ay islahaayeen wax kor dhiya oo wanaag dadkiina iyo dalkiina u raadiya hadiise ay caddaatay amaba la tuso in ay khalad tahay oo khtartahay inta waddaniyadu wadey eedantoodu Somali lan wax u raadi ahayd in ay qanacdo oo is bedesho inta yare e danaha shakhsiga ah ku qabtaa uun ay isku sii dhejiso , marnabana ma aha beelo gaara oo ay dan u tahay arintani in ay jiraan kuwa sidaa wax u macnaynayaana waxay gacan siinayaa dawladaha ajanabiga ah ee dalkeena raba in si xeeladaysan ay u boobaan oo sidii badwaantii buudhi laga kireeyey ay meel aan waba inooga soo kordhayn inooga dhigaan horumar.
Hadaan ka hadlo som-land iyo somaliya siday uga hadleen arintan iyo hadaladay is weydaarsadeen waxay ahaayeen mid aan odhan karo fashilaad iyo xikmad darro waayo waxay ahayd maadaama oo labad dhinac uba balan sanaayeen in ay bishan gudaheed ajabuuti ku kulmaan in ay ka gaabsadaan arintaa kuna soo koobaan waxaanu arintaa kawada hadli doonaa markaanu wadahadalada jabuuti isugu nimaadno hadana ka hor dhici mayno, laakiin sidii laba haweena oo lawada qabo in ay u hadlaan oo ay hadalo iyo go,aano aan laga hubsan hawada isu mariyaan may ahayn mid loo baahnaa ,waxaanan hoosta ka xariiqayaa in loo baahanyahay marka arimahan laga hadlayo in meesha laga saaro soomaaliya oo dal ah iyo soomali lan oo dal ah oo lagu eego data iyo maslaxada guud ee qoomiyada soomaaliyeed waayo wixii hargeysa halis ku ahi muqdisho halis ayuu kuyahay ,wixii dan u ahina danbuu u yahay .
Sida awoodaha shisheeye rabaana waa kala duruga iyo colaad ka dhex aloosanta labadaa ummadood ee walaalaha ah ,markaa nin iska dhigaya inuu federal iyo midnomo aan jiri difaacayo iyo ni8n iska dhigaya madaxbanaani dawlad uu gacantiisa ku saxeexayo wixii madax banaanidaa burinayay yaanay qadiyada soomaalinimada ee labadaaba ka weyn ee aynu kuwada abtirsanayno hog aanay kazoo bixi Karin iyo haadaan aanay dib usoofanan Karin ka tuurin
-sida haboon ee looga hor tegi karo
Hadaynu wax ka nidhaahno sida looga hor tegi karo arintan waa mid fudud hadii la doonaayo in khaladka dhacay lasaxo ,waxaanay ku soo urusantahay inbaarlamaanka som-land arintan dib u,eego oo kadoodo , iyo in uu diido oo in uu qaybtan danbe ee itoobiya meesha soogelinaysa ansaxiyo kuna doodo labadii daraf eeku caddaa qodobadii is afgaradka ahaa ee aanu ansixinay ayuunbaanu ogolahay ,qodobkan kahadlaya in cidkale lagu soo dari karan meeshaba kasaaro oo diido waayo waa halkaa halka dabainka laynoo dhigay ku xidhanyahay ee la rabo inayanu lugta lagalo .
Maxamed xsan
Maxas.abdil@gmail.com