Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, mudane Muuse Biixi Cabdi iyo weftigii uu hoggaaminayey oo gaadhay Isu-tagga Imaaraadka Carabta si balaadhana loo qaabiley
Waxaana Madaxweynaha madaarka ku soo dhaweeyay madax sare oo katirsan dawladda imaaraadka carabta waxaanay wakhti kooban labada dhinac ku wada qaateen qolka vip-da garoonka, iyagoo iska xog wareystay xidhiidhka labada dal ka dibna madaxweynaha somaliland iyo weftigiisa waxaa loo soo galbiyay qasriga lagu casuumo madaxda caalamka halkaas oo la dajiyay weftiga madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland