Imaaraadka gadhku gadhkaad moodeen maaha( 1aad)

Waxaan jeclahay in aan wax yar ka idhaahdo cinwaankan iyo siday ku timi weedha ah ( gadhku gadhkaadmoodey maaha), waxaa yidhi hadalkan nin reer burco ah oo la dhan jirey Alamsay oo nin cayaaraha aad u jecel ah oo dadka had iyo jeer hadalada lagu qoslo heli og ah iskana dabeecad dhalinyaro iska leh ,gadhweyn ayuu la bixi jirey ,waxaa dhacday in laba dhallin yara oo aan aqoon u lahayni is qabteen kadibna ku heshiiyeen in ninkaa odayga ah ee gadhka weyn ee haybadu ka muuqato aan bal isula tagano waxy ku yidhaahdeen ; nin waayeel nimo nooga muuqataa tahay oo gadhlehe nakala saar wuxuu ugu jawaabay ( adeer; gadhku gadhkaad moodeen maaha!! ) .

Hadaba maadaama oo dadku imaaraad miyir qaba ay ogaayeen oo ay u haystaan in uu sidiisii yahay ayaan ana u soo qaatay weedhaa ,anoo tusaaya inaanu imaaraadku imaaraadkay moodayaan ahayn, laba maqaal ayaanan kaga hadli doonaa hawlahan ay gobolka imaardku kawadao iyo hadafka ka danbeeya kan hore oo ah u jeedo dhaqaale ayaan ka hadli ,kalabaad oo ah mid siyaasad iyo fikir is huwana isna qaybta labaad ayaynu ku faaqidi.

Waxynu w aka tilmaami doonaa kaalinta imaaraadku maanta ka qaadanayo bur burinta dhaqaalaha dawladaha gobolka ku yaala ee dekedehoodu la tartami karaan kuweeda ; sida dekeda casab oo Ereeteriya ku taala taasoo ay shirkada dw ay heshiiskula gashay dawlada Ereteriya in ay 30-sano maamusho dekedaa oo badda cas dhacda ,Cadan ee ku taala koonfurta dalkaa Yamanta oo aad u muhima lana tartami karta kuwa imaaraadka taasoo kontoneeyadii qarnigii tegey lagu tilmaami jirey inay tahay marsada 2aad ee caalamka ee maraakiibta aduunka u kala gooshaysaa sahayda shidaalka ka qaataan marka laga yimaado tan Newyork ,sidoo kalena marsadan cadan waxay isku xidhaa maraakiibta u kala goosheysa bariga aduunka iyo galbeedkiisa , iyadoo ay ahmiyadaa u sii dheertaya hibo dabiiciya oo Eebe ku mannaystay taasoo ah iyadoo ay gaashaan u yihiin laba buurood oo dabiiciya kuwaasoo dabaylo- xilliyeedka iyo mawjadaha ay kiciyaan ka difaaca taasoo macnaheedu yahay in si joogto ah sanadka oodhan ay u shaqaynkarto oo aanay saamaynkarayn bad xidhanada mararka qaarkood dhacaa ,waxaana u suuro gashay in shikada Dp-world ee imaaraadku sannadkii 2008 ay gacanta ku dhigto kadib markii uu u saxeexay madax weynihii talada laga tuuray ee yaman cali cabdalla saalix ,hasayeeshee himiladaasi waxay shiikhday kadib markii dawladii dalka yaman taladiisa lawareegtay ay 2011kii ay laashay heshiiskaa iyadoo xukuumadii cusbayd ee uu hogaaminaayey Axmed bin duqur ku tilmaamtay heshiiskaa “ inuu dulmi kiyahay dadka yamanta isla markaana aanu ahayn mid ilaalinaaya danaha dhaqaale ee dalkiisa tilmaamayna inay kadhigayso dekedaha imaaraadku qaar gacanta sare ka leh tan dalkiisa “.

Hasayeeshee imaaraadku maquusan ee hadana marlabaad ayuu soo rogaal celiyey isagoo huwan magaca isbahaysiga ladagaalanka argagixisada ee sucuudigu hogaaminaayo ,waxaanay gacanta ku dhigtay inta badan dekedaha ku yaala koonfurta yamen. Berbera oo Somali lank ku taal kuwaasoo ay dhamaan gacanta ku dhigtay .

Waxaa iyana laga wada dheregsanyahay halista ay ku hayso marinka suweys oo ay ku dadaalayso inay leexsato maraakiibtii badnayd ee marinkaa halbawlaha ah soomari jirtay ee shidaalka kaqaadanjirtay Kanalka suweys , waxay shirkadan dw lasaxeexatay dalkaa Masar heshiis ay kula shuraakoobayso dawlada masar abuurida shirkad hour marin ku samyn doonta aaga lagu magacaabo (caynul sukhna ) oo danta ka danbaysaa ay tahay in kanalka suweys ay dawlada imaaraadku gacanta ku dhigto.

Waxaa iyana door aan qarsoonayan ah hagardaamada ay imaaraadku ku hayaan dalka masar ee dhinaca dhaqaalaha iyo xataa jiritaanka dalkaasi taasoo uu tusaale ka yahay maalgelinta ay maalgelinayso dawlada imaaraadku biya xidheenka weyn ee muranku ka taaganyahay ee (Alnahda ) kaasoo sida khubaradu tilmaamayaan keeni doona hoos u dhacweyn oo ku yimaada qaybtii ay masar heli jirtay isagoo joojindoona halbawlihii habaayey webiga niilka ee ay nolosha dadka masaaridu ku xidhantahay .

sida la ogyahayna waxay Dp-world ee imaaraadku gacanta ku haysaa in ka badan 70 dekedood oo caalamkoodhan ku kala yaala , hadaba si ay gacanta ugu wada dhigto deked kasta oo la tar tami karta waxay ku dadaashay in ay hanato dakado badan oo gobolka ku yaala ,dekedii dadkeedu ku dhaga adkaadaan maslaxadoodana ka doorbidaan waxaa dhacda in imaaraadku dagaal toosa iyo mid dabanba ay la gasho ,waxana ugu danbeeyey dekadahaa ay ku hungawday ee dadkeedu gartay xeelada ka danbaysa dekeda gawadir (Gwadar) ee ku taala koonfur galbeed ee dalka Pakistaan taasoo dul hadhinaysa bada loo yaqaan baxrulal carab ee kanalka cidhiidhiga ah ee Hurmus ee istiraatijiga ah kulaalaysa kaasoo ay 1/3 shidaalka caalamka u kala gooshaa soomaro, kaasoo kamida aaga dawlada shiinuhu sannadkii 2013 kumagacawday inuu yahay (seeraha 1aad iyo tubta 1aad) seerahaasoo gacanka geysanaya in dawlada shiinuhu badeecadeeda ay caalamka u gudbiso maadaama oo ay noqotay awood dhaqaale oo weyn oo caalamka ku soo koraydhay. Hadba waxay sanadkii 2015kii heshiis shiinuhu la saxeexday pakistaan kaasoo dhigaya in mudo 40 sano ah ay gacanta kuhayso dawlada shiinuhu marsadaa,heshiiskaa oo ah mid aad u weyn waayo waa halka ugu dhaw dalka shiinaha ee ay si sahlan wax uga dhoofinkarto ee aduun koodhan isku xidhaya mashruucan oo ku kici doonomaal gashidhan oo sannadkii gaadhaya 150 bilyan oo doolar wuxuu ka koobnaandoonaa dhawr jid oo dhinaca badda iyo berrigaba isku xidhi doona kaasoo ay hir gelintiisa iska kaashan doonaan 68 dawladood , hadaba marsadan gawadir waxay dhacaysaa buqcad istiraatijiya oo ay ku kulmi doonaan lix waddo oo muhima oo uu ugu muhiimsanyahay jidka Treenka Londo- China oo dhererkiisu yahay 18000 km kaasoo ukala gudbi doona todoba dal .

Hadaba dawlada imaaraadku markay aragtay ahmiyada ay dekedani leedahay iyo inay isku xidhayso koonfurta iyo bariga Aasiya iyo bariga dhexe , sidoo kalana uu yahay mid shiinaha ku xidhaaya qaaradaha saddexda ah ee soojireenka ah (afrika,aasiya,iyo yurub) markay arintaa dareentay iyo weliba raadka ay ku yeelankarto dekeda Jabalul cali ee dalka imaaraadka waxay si dhakhsa ah u qaaday laba talaabo oo kala ah:

– Taageerida mucaaradka pakistaan iyo ku dhiiri gelinta ka hor imaanshaha ra,iisal wasaarihii markaa pakistaan haystay Nawaaz shariif oo aad u taageersanaa mashruucaa shiinaha ,kaasoo bishii juun laga tuuray talada isagoo lagu eedaynayo musuqmaasuq ,waxaana loobadinayaa in imaaraadku arintaa dabada ka riixayey .

– xidhiidh horle oo ay la samaysatay dawlada Hindiya oo colaad soo jireen ahi ay dhex taalo dalka Paakistaan ,taasoo laga fahmi karro booqashadii uu markii ugu horreysay mudo afartansano kudhawaada uu ku tagay dalka imaaraadka ra iisal wasaaraha hindidu sannadkii 2013ka,waxaa in laxuso mudan in aan hirdanka dekadaasi ku ekaanin intaa ee uu isu bedelay mid caalamiya kadib markii Maraykanku lasaftay imaaraadka iyo hindiya Ruushkuna lasaftay paakistaan iyo shiinaha illaahadana uu socdo loolankaasi oo u eg dagaalkii qaboobaa cida dhinbbiishaa hurisayna waa dawlada imaaraadka .Hadaba arinta mudan in laga feejignaado waxay tahay in imaaraadka mashruuciisu aanu ahayn mid dhaqaale oo keliya oo uu dabada ku wato mid siyaasadeed ,waxaana tusaale u ah dalka yaman oo ay dekedihii ay gacanta ku haysay oo dhan ee gobolkaa ka jirey markii danbe ay u bedeshay qaar ay milateri ahaan u adegsato,waxaana suuro gal ah in ay teenana sidaa u isticmaasho.

Dawladaha ay dhaqaalahooda khatarta ku hayso imaaraadku waxaa kamida saldanada cumaan barta internetka ah ee layidhaa siyaasa post waxay ka soo xiganaysaa Cabdulbaaqi shamsaan oo cilmiga bulshada ka dhiga jaamacada Sanca in “ ay jirto damac dhinaca maal gashiga ah oo dabada ka wada dawlada imaaraadka oo ay ku rabto inay gacanta ku dhigto biyo-mareenada dhinaca badda ee caalamiga ah taasoo ay ku fulinayso shirkada pw ee Dubay laga leeyahay ,sidoo kale waxuu damaceedu tiigsanayaa in ay hanato dhamaan mashaariicda maalgalineed ee waaweyn ee dhaca jasiiradaha iyo magaalooyinkaba “

Waxaa isna uu tilmaamayaa warbixinta ay soo saartay saxiifada economist ee dalka ingriiska ka soobaxdaa in dawlada cumaan ay ka walaacsantahay saldhigyada milateri ee imaaraadku ka aasaaseen jasiirada soqodora taasoo cuna qabataynku ah maalgashiga iyo dhinaca isu gooshinta ganacsiga oo dhaqaalaheedu sida dawladaha kale ee khliijka uu ku xidhan yahay .

Waxaa iyana aan u baahnaynba hadal Jabuuti oo hada fahamtay shirkada Dp-world ujeedada gurracan ee ay waddo ilaahayna aflibaax oo ay gashay kasoo samata bixiyey . mida xusida mudanina waxay tahay inaan imaaraadku doonayn inuu hore u mariyo dekadahaa uu qabsaday ,taana waxaa daliil u ah caqliga ma geli karto meelo kaabiga iskuwada haya oo intaa isu wada jira ayaan dhammantood wada camirayaa oo dekado caalamiya ka dhigayaa waa waxaan caqliga ganacsi ee xataa is ka fadhi baradka ahi aqbalayn ,hasa yeeshee waxay rabtaa dawlad walba dakhligeedii iyo macmisheedii ay iyadu ka faa iidaysan lahad in ay qasnada dawlad imaaraadka ku dhacdo dalalkan kalana ay dakadahooda madaxa kaga fadhido ,waxaa kaloo taa taageeraaya dawlada imaaraadku marnaba maalgelin kuma samaynayso hadaanay dawladaasi ogolaan in saldhi milateri ay kasamaysato dalkeeda kaasoo ay uga dan leedahay in ay ku muquuniso kuna madax jebiso dadka dalkaas cidii ka hor timaada siyaasadaheedaa gurracan ee ay wado ,arintaa sladhigyada milaterigana waxaan ku faah faahin doonaa maqaalka kan xigan hadii Eebe idmo.

Geba bebadiina waxaan leeyahay somaaliland ( siddi siddi-daada mooyee dhul u dhaaaga hubso) oon yaan dalkan iyo dadkan mustaqbalkooda lagu khamaarin, waxynu uga baahanahay maal gashi dibadeed oo shuruudo gunnimo ku xidhantahay ma jiro , dawlado ka awood badan kana tiknoolajiyad sarreeya isla markaana shuruudahan damaacinimadu ku jirto aan innagu xidheyn ayaa maanta dekedeena abaal iyo ajar ku qaba , ee yaan ummada looga dhigin in aynu cidla ciirsila taaganahay aan imaaraadka mooyee cidkale oo dakadeena danaynayasaa aanay jirin .

Maxamed xsan
Maxas.abdil@gmail.com

Advertisement

Ku Xayeysiiso