Waxa aad la yaabaysa marka aad bulshadeena barbar dhigto bulshooynka lamidka ah ama wadamada inala midka ah bulshooynka ku dhaqan sida ay u dhawrtaan bilicda dalalkooda iyo sida ay kuweenu u dayacaan dalkooda waxa kuu cadynaysa hadii aynu ugu horaynba milicsano kuwa kudhaqan magaalooyinka wadanka .
Waxa aad arkaysaa kuwo inata ay xashiishka iska xaadhan hadana ku qubay jidadaka ama hordhigaya kuwa la jaar ka ah waxa aad arkaysa kuwo biyaa xalka iyo saabuunta ku daadinaya jidadka laamayga ah kadibna ay saabuunt jeex jeexayso daamurka wadada waxad arkaysa kuwo caagadaha ay sharabka ka caban ku tuuraya jidadka kadibna ay qashin isku rogayan marka ay baabuurtu jiidho waxad arkaysa kuwo garaabada ku daadinya jidadka waxad arkaysa kuwo kaartoonta iyaguna ku daadinaya jidadka waxaad arkaysa iska rogo ciid sida dabaduna u furantay ciiduna kaga qubanayso wadada ay marayso,
Dhanka miyiga hadaynu u yara leexano iyaguna may yaraysan oo dhankooda waxay wadan haawlo kuwanba kadaran waxa ay jareen dhirtii oo ay labo ukala qaybiyeen qayiib dhuxul laga shiday qayiib seerayaal lagu ooday waxa aad yabaysa marka aad argato kaymo xidh ahaan jiray shiniduna malabka dhigi jirtay midhah noocyadooda kala duwani ay kabixi jireen oo duur joogta quruxda lehi joogi jirtay oo xoolu gu’ iyo jiilaalba ay ku Noolaan jireen oo dugsoonka adan waxba huwnjirin oo udgoonka ubaxa dhirtu sanka aad laraaci jirtay oo hadh macanida aadan katoosi jirin oo dab la galiyey oo dhuxul laga shiday ama seere laga dhigay ama banaan cadba noqday oo aad hanfiga iyo kulaylka aad haraadayso oo aadan moodaynba dhulkaad taqaanay oo xooli uugamayaan markii ay waayeen kayn ay galaan ama geed ay daqaan oo naf leh .
Ugu dambayntii wadaniga dhabta ahi kan maha ee waa ka wadankiisa dhawrta ogow hadii aad wadankaaga dhawrato waa gurigaagi oo aad dhawratay haadii aad dhawran waydana waa gurigaagi oo aad dayacday hadaba bal fikira bulshoy oo dhawra wadankeena .
W/Q: Cabdiraxmaan Rashiid Axmed (Dalmar)
Suxufi madax banaan
Hargeysa somaliland
Emil: Cabdiraxmaan800@gmail.com