Warsaxaafadeed ka soo baxay odayaasha musdambeedka jaaliyadaha reer Somaliland ee deggen, carriga ingiriiska oo khuseeya demooyinka caasimadda Hargaysa ee dantooda ka seexday biyo laa,anta weheshaday demooyinka kale ee biyaha hela waxay quutaan xaaraan waayo biyaha bulshada ka dhexeeya ayey isku koobeen, nin afxumi waa u go,e isaga aan dhaafin hablaha ciidagale ceeb ma laha
Raysal wasaaraha somaliya xadhig
Bismillaahi Arramanirraxeem.
Dhammaan ummadda reer Somaliland iyo warbaahintooda waxaanu idin leenahay Asalaamu calaykum wa raxma tullaah wa barakaatuh
Ku: dawladda Somalilanad
Ku: maxkadda dalka ee dalka
Og: hay,adaha nabadsugidda.
Taariikh: 21/3/2018.
Somaliya
Dameerku geela hayga didiyee wuu sii qururuf leeyey wiilka sheegta raysal wasaaraha ee aan wali taba baran laguna magacaabo khayr laawe.
Dacawo halkay macal ku barato ayey macaluul ugu bakhtida.
Horjoogayaasha xamar lagu ilaaliyo ee ah hoggaamiye kooxeedyada casriyeysan ee dadkooda lagu hor laayo waxaa la gudboon in ay ceebtooda la aamusaan.
Dawladda jamhuuriyadda Somaliland waxaa la gudboon in xadhidhig loo diyaariyo wiilka af baradka ah ee hadaaqaaya .
Ninka wasiirka dhaqanka sheegtay
Kuna kacay dhaqan xumada liidata kuma habboona waraaradda warfaafinta iyo dhaqanka wanaagsan ee looga baahna in uu ilaaliyo sharafta wasaaradda dalka murayaddiisa ah hablaha uu soo hadal qaaday waa hablaha ugu sharafta badan gayiga ay Somalidu degto waa hablo hooyo u ah nin kasta ama gabadh walba garasho leh ninna afkiisa laga xaalsiiyo ninka sheeganaya wasiirka waxaa uu kula kufay wax anay geyin sayidka Cabdulla Xasan iyo hooyooyinka milgaha lagu ogyahay.
Degmooyinka caasimadda jamhuuriyadda Somaliland ee Hargaysa
Demooyinkaas kalana ah degmada Xamed dhagax Degmada Gacanlibaax iyo Demada Maxamud Haybe degmooyinkaasi waxaa wehel u noqday biyo la,aana iyo booyado u dhaamiya iyada saddexda degmo ee kale ee caasimaddu ay helaan biyo ku fila ama kaba badan biyhaas waxay ku noqonyaan biyahaasi xaaraan sababta oo ah biyuhu waxay dhex u yihiin lixda degmo ee caasimaddu ka koobantahay waxaanu u wanaagasn degmooyinkaas khayraadka dalka isku koobay in ay walaalahooda la qaybsadaan xaqana iska soo celiyaan.
Talo soo jeedin
In raysal wasaaraha Somaliya khayr laawe maxkamadda sare ee dalka Somaliland xadhig ku xukunto laguna qaado dawlad dawlad qarannimadeeda diiddan.In wasiirka dhaqan xumada iyo iska horkeenka bulshada walaaha ah xilka madaxwaynuhu ka xayuubiyo.In bulshada ku dhaqan demooyinka aan kor ku soo sheegnay ka gilgishaan biyo la,aan aanay degmooyinka kale la qabin.In ay dawladdu u hawl gasho dalka sidii biyo ay u wada gaadhsiin lahayd.In shaqada dalka dhallinyarada munaanta la siiyo dadka da,da ahna la siiyo guno ku filan.In lagu sheqeeyo iska wax u qabso si dalku horumar la taabana karo u gaadho. In dhaliyarada loo sameeyo guur wadareed si ay u yaradaan dilka tuugada macsida sababta oo ah qofku marka uu masuuliyada qaado waxaas oo dhan wakhti uma helaayo waanu ka wanatoobayaa.In qof kasta oo qoraalkan akhriya ka faaiidaysto wakhtiga ilaahay siiyey khaatumadiisana khayr ku khatimoIn la badiyo cabdsida ALLaah
Xaqa iyo xaqdarradu meel ma wada galaan xaqa ayaa guusha leh.
Ha kaa xigo mawaaddinka dalka kula leh dadka kale
Isku day in aad dalkaaga horumarkiisa ka shaqaqayso hana ku hallayn cid kale waayo muwaaddinku adiga ayuu kaa bilaabmaa.
Deeq Cabdi Digale