Somaaliya Oo Ku Dhacday Godkii Ay U Qodday Somaaliland (Qaybta 2aad) Halkee Caga-dhigi Doontaa Siyaasadda Dayeysan ee Xamar Qalinkii Xassan Cumar Hoorri

Somaaliya Oo Ku Dhacday Godkii
Ay U Qodday Somaaliland
(Qaybta 2aad) Halkee Caga-dhigi Doontaa Siyaasadda Dayeysan ee Xamar
Qalinkii Xassan Cumar Hoorri

Qormadii hore waxaa aan ka dheehannay dirirta ka dhex ooggantay Xukuumadda Xamar iyo Golaha Shacabka, maalma ka dib, markii ay xaraan iyo “waxba kama jiraan” ku ladheen heshiiskii saddex geesoodka ee Dekedda Berbera. Allaylahe, xeerka ay ku damceen in ay ku cuna-qabtaan Dekedda Berbera ayaa ah “waxba kama jiraan”. Isla markaa, hore waxaa aan u soo iftiiminnay tiro xeerar ah oo ka soo fulay Barlamaanka Xamar in ay ku danbeeyeen “waxba kama jiraan” iyo weedho marin-habaabay oo ka baaqsaday halkii loo asteeyay. Waxaana ka mid ahaa xeer aan fulin oo Golaha Shacabku, 2013, ay kaga mamnuucayeen Shirkadda Favori LLC ee laga leeyahay Turkig in ay maamusho Gegeda Dayuuradaha iyo Dekedda Xamar.

Haddaba, Barlamaanka Xamar ee fulin kari waayay xeerkii uu ku maamulayay Dekedda iyo Garoonka Xamar, ma waxaa laga sugaayaa inuu ka taliyo dekad ku taalla dal aan dalkiisa ahayn? Murtida qoys silloon ayaa ahayd, “qofkii adhiga laga la quusto in la raaciyo geella.” Markaa, Berbera ha u danbaysee, Golaha Shacabku maxaa uu ka tari karaa heshiisyada shirkadda uu dalka ka mamnuucay ee DP World ay kula jirto dekedaha Boosaaso (Puntland), Kismayo (Jubbaland) iyo Baraawe (Koonfur Galbeed)? Maanta, Khamiis, waxaa la sugayaa Maamulka Puntland inuu soo saaro go’aan uu cawda ugu jaraya maamulka nugul ee Xamar.

Sida la tibaaxay, Guddoomiye Jawaari in muddo ah waxaa uu u soo araranayay xil ka qaadista Khayre. Markaa, ujeedada xeerku waxaa ay ismiidaamin la ogaa in aanu soconayn, balse, daarranayd sidii Khayre looga horkeeni lahaa maamul goboleedya isagoo ogsoon, haddii ay qoonsadaan, in aanay biyo u kabbanayn xooristiisa. Dhinaca kale, Khayre waxaa uu garowsan yahay Somaaliland in ay madax-bannaan tahay. Isaga iyo xukuumadiisuna waxaa ay xogogaal u ahaayeen heshiisyada faraha badan ee Jamhuuriyadda Somaaliland ay la gashay dalal shisheeye iyadoo aan, Xamar, wax talo ah laga weydiin.

Si gaar ah, waxaa ay u la socdeen wada-xajoodka maalgashiga Shirkadda DP World ee Dekedda Berbera iyo hindisaha Saldhigga Ciidan. Waxaa daah-furnaa is-afgaradka (MoI) Somaaliland, Imaaraatka iyo Itoobiya, heshiisyadii hordhaca ahaa iyo ansaxintii Golaha Wakiilada Qaranka. Wada xajoodku waxaa uu soo socday sannado iyadoo, haba yaraatee, aanay jirin wax farogelin ama durid ah oo hore uga soo yeedhay Xamar. Labada dalba waxaa ahaayeen kuwo dhowrayay deris wanaagga iyo xurmaynta heshiisyadii lagu wada galay (London, Ankara, Jabuuti) kuwaasoo reebayay dalna inuu ku xadgudbo dalka kale, weliba, si gaar ah, dhinaca horumarinta.

Nasiib xumo, sartu waxaa ay ka qudhuntay, aminta heshiiska lagu kala saxeexday Dubay, Ra’iisal Wasaare Khayre waxaa uu ku sugnaa imaaraatka isagoo liqi waayay nuqsaanta ugu jirta saxiixa hortiisa ka dhacay. Isla markaa, muran kama taagnayn madaxbannaanida Somaliland taaso iska hortaagtay inuu arrinka kala hadlo dalkii uu martida u ahaa.

Balse, waxaa uu dan mooday inuu arrinka iska beri yeelo marka uu dalka dib ugu noqdo. Haddaba si uu ugu gogol xaadho, waxaa uu amray wasiirkiisii dekedaha in ay faafiso qoraal daadafaynaya heshiiskii. Sidaa awgeed, markii uu caga dhigtay Xamar waxaa uu ku baanay guusha uu ka soo hooyay safarkii Imaaraatka. Waxaana uu shacabka ku sabaaleeyay dhallanteedkii madaxda Xamar iyo shacabkuba ay walfeen.
Khayre, waxaa uu canbaareeyay heshiiskii Berbera, waxaana uu ku afgobaadsay. “Ilaalinta midnimada, xorriyadda iyo amaanada waa waajibka kowaad ee naloo igmaday. Madaxtinimadu waxaa ay tahay inaad shacabka u sheegto waxa jira marka ay jiraan wax ay ka murugoodaan,” ayuu ku tiraabay Khayre.

Run ma uu sheegin. Haddii uu qabo inuu ka taliyo Somaaliland ma uu amaaneen Imaaraatka oo xilli uu marti u ahaa u badheedhay in ay saamiyada Dekedda Berbera ka qaataan waax dhan, waax kalena ay yeelato xukuumadda Somaaliland, halka, faladhna loo qoondeeyo Itoobiya. Sidaa awgeed, hadlada xanafta leh waxaa uu uga tudhay Imaaraatka. Waxaa uu u hamraday Itoobiya. Xattaa waxaa cad inuu ka leexleexanayay DP World iyo Somaaliland, balse, barlamaanku arrinka ku sii ragaadiyay. Sidaa awgeed, isaga iyo xukuummadiisa waxaa ka go’an in ay Jawaari dalka ka qabtaan. Miskiin Khayre! Walaahow iyo magac xumo ayuu ku sii jiri doonaa ilaa isaga iyo maamulka Xamar ay ku dhaqmaan xaqiiqada, kana qiraan madaxbannaanida Somaaliland.

Waxaa xusid mudan, Guddoomiye Jawaari oo la hadlayay saxaafadda in uu biniixiyay, “mooshinka la iga keenay waxaa dabada ka riixaysa xukuumadda ka dib markii aan ka diiday arrimo sharci darro ah oo ay rabeen in aan ka gaabsado,” ayuu sheegay Jawaari waxaan lagu micneeyay arrimahaa uu tibaaxay in salka ku hayeen danaha shirkadda DP World iyo Somaliland. Haddaba, Khayre oo ahaa kii ugu horreeyay ee duray heshiiskii Berbera, DHAB miyaa inuu ka dhiidhiyay go’aankii Golaha Shacabku ku buriyay heshiiskii? Arrinkaa oo uu u duurxulay Jawaari waxaa uga marag kacay Muftigii Xamar, ahna Madaxa Culimada sheekh Nuur Baaruud Gurxan isagoo saxaafadda hadal cad ugu sheegay in ay culimadu la safteen Jawaari si ay ugu babac dhigaan Kheyre iyo Shirkadda DP World. Shiikhu waxaaba uu ku hanjabayaa haddii aan la hakin mooshinka laga keenay Jawaari in uu shacabku kici doono iyo in uu moshinka ku bixi doono ciddii soo falkisay.

Muranka golayaasha Xamar markii uu cirka isku shareeray, Madaxweyne Farmaajo waxaa uu ka baaqday safar uu ku tegayay dalka Qadar. Hase ahaatee, Amiirka Qadar, Tamiim Bin Xamad, arrinku kuma simin halkii uu la rabay, sidaa awgeed, waxaa uu Somaaliya u soo magacaabay Xassan Xamse Haashim oo Amiirku ku sheegay Danjire Awoodo Dheeraad ah leh (Extra Ordinary Ambassador). Danjirahu waxaa lagu amaray in uu degdeg ugu gurmado Xamar. Danjiraha cusub waxaa loo soo igmaday inuu talada Xamar u soo janjeedhiyo dhanka Qadar iyo inuu adduun iyo ciidanba ku badhi-taaro kooxaha ka soo horjeeda Imaaraatka. Ayaan-darro danjirahu waxaa uu ka soo dib dhacay gurmadkii uu u fidin lahaa Kooxda Jawaari.

Yeelkeed, danjirahu, marka uu ogaado laba-canlaynta Farmaajo iyo Khayre, isla markaana, uu hubsado in laga takhalusay Jawaari iyo Kooxdii lidka ku ahayd Imaaraatka, waxaa keliyoo u furan inuu dagaal qadhaadh la galo xukuumadda isagoo dib u soo noolaynaya firxadka ka soo dooga taageerayaashii Jawaari. Sida laga malayn karo dhaqanka barlamaanka dhaameelka ah ee Somaaliya, ma cuslaan doonto hawlgalka danjiraha awoodda badan. Waxaana arrinku u dhow yahay inuu fududeeyo mooshinkii xilka lagaga xayuubinayay Ra’iisal Wasaare Khayre.

Ma runbaa Khayro marka uu ku goodinayay Hargeysa in ay Kooxda Al-Shabaab gacanta ku dhigeen magaalada Blacad ee duleedka Xamar? DHAB miyaa Khayre marka uu ku cago-juglaynayay heshiis kasta in loo mari doono sharciga dalka, inuu Guddoomiye ku Xigeenka Barlaamaanku kaga khudbadeeyay Nayroobi in shisheeye u diidan yahay in ay talo ku yeesheen Distuurkii Ku Meelgaadhka ahaa oo aan waxba gacan ugu jirin? Maxayse ku danbayn doontaa laba canlaynta Farmaajo iyo Khayre iyagoo sheegtay in ay dhexdhexaad ka yahiin dirirta dawladaha Gacanka Carbeed? Warcelinta weydiimahaa ka la soco Qaybta 3aad, “Hasha Labada Geel Jecel Dhexdoodaa Dhurwaa Ku Cunaa”.

Xassan Cumar Horri waa suxufi ka faallooda arrimaha Geeska iyo Bariga Dhexe. Kala xidhiidh hassan.horri@gmail.com ama ku tixraac Twitterka @horrimania

Advertisement

Ku Xayeysiiso