Somaaliya Oo Ku Dhacday Godkii
Ay U Qodday Somaaliland
(Qaybta 3aad) Hasha Labada Geel Jecel
Dhexdoodaa Dhurwaa Ku Cunaa
Qalinkii Xassan Cumar Hoorri
Qormadii hore, waxaa aan ku qaada-dhignay, laba-canlaynta Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisal Wasaare Khayre taasoo ay keentay bisayl-darro siyaasadeed. Xukuumadda Somaaliya waxaa ay dan moodday in ay isku waddo dhinacyada lidka isku ah ee Imaraatka iyo Qadar. Somaaliya mawqif dhexe ayay iska taagtay dirirta dalalka Gacanka Carbeed (Khaliijka). Hase ahaatee, “dhexdhexaadnimo” ayaa ah arrin aan ka shaqayn dunida maanta. Sidaa darteed, hal-ku-dheggii Madaxweyne George Bushka yar ayaa ahayd, “Ama annaga ayaad nala jirtaa, haddii kale annaga ayaad naga jirtaa”.
Xilligan, waxaa dunida ka aloosan siyaasad dhooqaysan iyo loollamo iska soo wada horjeeda. Runna waxaa ah in aan lagu badbaadayn “dhexdhexaadnimo”, balse, ciddii mawqifkaa istaagta, hal mar, ayay kugu wada dhacayaan labada gacmood. Sidaa awgeed ayaan xukuumadda Somaaliya ugu tilmaamaynaa, “Hasha Labada Geel Jecel.” Madaxweyne Farmaajo haddii uu ku baaqay inuu dhex ka yahay dirirta Khaliijka, kuna taamayo in uu dhexdhexaadiyo, waxaa uu mooggan yahay in ay ku hungoobeen dalalkii Khaliijka ee dhexda ka ahaa sida Kuwayt iyo Cummaan. Gaar ahaan, Amiirka kuwayt oo geed sare iyo geed hooseba u fuulay in uu nabadeeeyo.
Siyaasadda Somaaliya ee aan habeen jirin iyo laab-la-kaca Farmaajo ee layliga ah, waxaa la gudboonaa in ay ka faa’iidaystaan fursaddan soo martay. Waxaa ay ahayd in ay la saftaan danta shacabka. Weliba, iyadoo Xamar ay ku herdamayaan labada quwadood ee Imaaraatka iyo Qadar. Waxaa xusid mudan awoodda Imaaraatku ku leeyahiin Xamar. Bal xusuuso Xukuumadda Xamar oo ku tiraabtay in ay beri ka tahay weerar dhowaan lagu qaaday guriga Xildhibaan Sare Cabdi Qaybdiid, isla markaana, u aanaysay in ay ka danbeeyeen Ciidamada Imaaraatka ee Xamar! Xusuuso Aqalka Sare ee Barlamaanka Xamar oo lagaga doodayo in aanay awood u lahayn ansaxinta xeerkii lagu xakameynayay DP World iyagoo xusay waxba in laga qaban waayay eeddii ay hore loogu soo jeediyay ciidamada Imaaraatka ee Xamar!
Yaab! Haddaba Miyaanay ahayn in ay dantooda ka raacaan oo la saftaan Imaaraatka? Miyaanay ahayn in ay difaacaan kumanyaalka ganacsade Somaaliyeed ee ku dhaqan Imaaraatka iyadoo magaalda Dubay ay tahay xurunta laga maamulo ganacsiga Somaalida? Miyaanay ahayn in ay u hamradaan maamulada gobolada Somaaliya ee Puntland, Galmudug, Hirshabeelle, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland oo dhammaan gacansaar la leh Imaaraatka iyo Sacuudiga? Maamuladaasi waxaa ay garteen waxii uu gabay maamulka Xamar. Miyaanay ahayn in ay u daneeyaan neefka adhiga ah ee loo dhoofiye Sacuudiga iyadoo xoolaha nool ay yaahiin lafdhabarta dhaqaalaha Somaaliyeed? Miyaanay ahayn in ay u hiiliyaan boqolaalka kun ee Somaaliyeed ee ku sugan, kana xoogsada dalalka Sacuudiga iyo Imaaraatka? Miyaanay ahayn in ay u bogaadiyaan, tilmaamna ka dhigtaan walaalahooda Somaaliland ee maalinba tallaabo hore u qaadaya, halka ay iyagu u kala dheeraynayaan dano gaar ah taasoo, haddii aanay ka waantoobin, u horseedi doonta in ay dib ugu dhacaan godkii madoobaa ee dhowaan ay ka soo qodday bulshada caalmku?
Dhinaca kale, marka aan dib ugu noqdo weydiimahii ku soo arroray qormadii tan ka horreysay, waxaa aan dib u xusayaa, Jimce, 2dii March 2018. Ra’iisal Wasaare Khayre maalintaa waxaa uu ku goodiyay inuu ka soo horjeedo heshiiskii saddex geesoodka ahaa ee Somaaliland, Itoobiya iyo Imaaraatku hortiisa qalinka ku duugeen, maalin ka hor, isagoo ku sugnaa Imaaraatka. Waxaana uu sheegay, “waajibka kowaad ee xukuumaddiisa in uu yahay is-hortaagga wax kasta oo waxyeelo iyo murugo ku ah danta shacabka”. Waxaana uu ku ladhay, “xukuumaddisu in aanay waxba ka ogeyn, in aan laga la arrinsan iyo in ay ganafka ku dhufan doonto heshiiska uu ku sheegay “sharcidarro” ee Somaaliland iyo DP World”.
Yaab! Aminta sidaa uu ku doobinayay Raisal Wasaare Khayre, magaalada Balcad ee duleedka Muqdisho waxaa soo weerary xogagga Al-Shabaab oo inta ay gacanta ku dhigeen dad ku laayay. Waxaa ay oodda ka qaadeen maxaabiistii. Waxaa ay furfurteen idaacaddii gobolka. Waxaa ay fadhataysteen xafiisyadii dawladda. Ugu danbeyn, waxaa ay la caraabeen tiro madaxdii Gobolka Shabeellada Dhexe oo ay ku soo qafaasheen weerarka. Haddaba, danta shacabka Somaaliya ma waxaa ay ahayd Khayre in uu ka hadlo, waxna ka qabto weerarka Balcad oo uu ka aamusay? Mise sida uu moodayo waxaa loo igmaday in uu dhaleeceeyo heshiisyo horumarineed oo ay wad galaan dalal kale oo aan xil ka saarnayn?
Sidoo kale, isla maalintaa, Ra’iisal Wasaare Khayre waxaa uu Somaaliland ku duray heshiiskii ay la gashay DP World in aanay soo hordhigin xukuumadda iyo Golaha Shacabka ee Xamar. Waxaana uu ku hanjabay, wax kasta, hadda ka dib, in loo raacayo distuurka iyo xeerarka Somaaliya.
Yaab! Aminta uu sidaa ku hadaaqayo Raisal Wasaare Khayre, waxaa magaalada Nayroobi saxaafadda kula hadlay Guddoomiye ku Xigeenka Barlaamaanku Somaaliya Mudane Mahad Cabdalle Cawad. Waxaana uu sheegay, “hay’ado iyo dalal shisheeye in ay hortaagan yahiin sidii qabyo-qoraalkii distuurku loogu soo gacan gelin lahaa barlamaankii iyo xukuumaddaba”. Guddoomiye Cawad hadalkiisa oo uu ku durayay shir loo mudeeyay 28/03, magaalda Baydhaba, in ay xukuumadda iyo maamul goboleedyada Somaaliya ugaga wada hadlaan distuurka, waxaa uu ku baaqay, “ajanadaha distuurku waxay ay ahayd inuu noqdo mid Somaaliyeed. Distuur lagu soo sameeyay Bostan, Maraykan, annagu ma karayno.
Intaa ka badan ummadda indhaha ciid loogama shubi karo.” Yaab! Distuurka uu Khayre rabo in uu ku xukumo dal shisheeye, Somaaliland, miyaanu ahayn mid aan ka shaqayn dalkiisa oo laga sugayo shisheeye iyadoo aanay talo ku lahayn ummadda Somaaliyeed?
Wararka kore ee is burinaya iyagoo hal maalin ku soo arooray warbaahinta, waxaa aad ka dheehan kartaa warkii telifishan Universal 02/03/2018. Waxaana ka cad Xukuumadda Farmaajo iyo Khayre in ay aad u marin habowday, kuna hawlan tahay wax aan loo dirsan halka ay ka gabeen waxii loo igmaday. Arrinku kama foga xero geel oo ay ka talinayaan dhowr kurray oo aan qaan-gaadha ahayn.
Haddaba, dawladda Somaaliland miyay ka madax-bannaan tahay Somaaliya? Haddii ay sidaa tahay maxaa bulshada caalamku u aqoonsan weyday? Somaaliland xaq ma u lahayd heshiiska ay la gashay DP World, Itoobiya iyo Imaaraatka? Halkee se ku danbayn doonaa muranka soo kala dhexgalay Somaaliland iyo Somaaliya. Weydiimahaa aan soo sheegnay iyo warcelintooda ka akhri Qaybta 4aad ee taxanaha qormooyinkan, “Mawqifka iyo Martabadda Xukuumadda Somaalinad Kaga Jirto Sharciyadda Caalamka.”
Xassan Cumar Horri waa suxufi ka faallooda arrimaha Geeska iyo Bariga Dhexe. Kala xidhiidh hassan.horri@gmail.com ama ku tixraac Twitterka @horrimania