Hadaanu nahay Qurbajooga iyo Qolqoljooga Ismail Sh. Isaxaaq (Garxajis), waxaanu ka digaynaa burbur ku yimaada Somaliland oo ifafaalaheedu muuqdo. Dalka waxaa loo soo huray naf iyo maal. Waxaa ku naf waayay kumanaan halyay. Waxaa lagu heshiiyay in Dawlad loo dhan yahay la dhiso oo aasaaskeedu cadaalad iyo wax wada lahaansho yahay. Nasiib darro, intii Xukuumadihii Kulmiye dalka ka talinayeen waxaa muuqatay in wixii lagu heshiiyay laga baydhay. Waxa aan shaki ku jirin in xilalkii dalka, dhaqaalihii dalka, madaxdii ciidamada, mashaariicdii horumarinta, ilihii dhaqaalaha, deeqihii waxbarashada (Scholarship), iyo qandaraasyadii xukuumadu bixinaysay in reero gaar ah lagu taxay oo lagu naasnuujinaayo. Iyada oo intaasiba jirtay ayaa waxaa xukuumadii Kulmiye ku darsatay, cabudhin, caga juglayn, xadhigyo ka baxsan qawaaniinta dalka inay ku kaceen. Waxaa ka sii daran in nin buug ku qoray cayda hablaha birmagaydada ah uu ku helay xil Wasiirnimo. Intaas oo dhami waxay keenaysaa kicin iyo kala qaybin bulshada dhexdeeda ka bilaabanta. Mar haday dadku gadoodaan oo ay kacaan, cid xakamayn kartaa ma jirayso. Waxaanu si mug iyo miisaan leh ugu baaqaynaa in Madaxweynuhu wax ka qabto arimahan hoos ku qoran oo sal iyo baar u ah wada jirka iyo sii jiritaanka Somaliland;
- In xilalka iyo khayraadka dalka loo sinaado.
- In Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka, iyo Wacyi gelintu uu gubo buugan cayda iyo dhaqan xumadu ka buuxdo.
- In Madaxweynuhu shaqada wasiirnimo ka qaado Ina Guri Barwaaqo. Waayo, ninkaasi nin Wasiir u noqon kara ummada Somaliland maaha.
- In inanta xidhan ee Naciima Qorane oo muddo ka badan laba bilood xidhan oo ilaa imika aan Maxkamad la keenin, una xidhan fikirkeeda oo qudha si dhakhso ah loo sii daayo. Dastuurka aynu ku heshiinay melena kagama taalo in dadka lagu xidho fikirkooda shakhsiga ah.
- In Shirkada Telesom ee lugaha loo qabanaayo shirkadaha kale ee ay tartarnka ganacsi ku wada jiraan, faraha laga qaado. Sida Dastuurka ku taala, waa inuu suuqa ganacsigu noqdaa mid xor ah oo aanay Xukuumadu cid gaar ah kooto ugu xidhin.
- Cidii lunsatay lacagtii biyo balaadhinta caasimada ee Hargeisa oo xadigeedu dhamaa $153,000,000.00 ee Xumbaweyne waa in Maxkamad la soo taagaa.
Hadaba, iyada oo cadaalad darradu wada haysato beelaha Somaliland, hadana intaas oo dhacdo ee aanu sheegnay waxay ku waajahan yihiin beesha Garxajis oo la bar tilmaameedsanaayo. Ummada waxaa deeqda cadaalad, hadii la waayana la is xukumi maayo. Waxaa waajib ka saran yahay inay cadaalada iyo ilaalinta shuruucda dalka sugto, cidda marba xukunka haysa oo uu ugu sareeyo Madaxweynuhu.
Taariikhda dib ha loo raaco oo yaan god hore loogu dhacay lagu sii socon. Tallo waa mar aad garan waydo iyo mar aad gaadhi waydo.
Wabillahi Tawfiiq
Waxaa baaqan diraaya ragga hoos ku qoran;
- Eng. Abdillahi Hassan Amay
- Dr. Osman Omer Dool
- Ahmed Abdi Hussein Indhogamuun
- Muj. Saeed Mohamed Yusuf
- Mohamed Abdillahi Essa
- Yasin Sulaiman Mohamed
- Ahmed Dualeh
- Mohamed Saeed Warsame
- Ali Hassan Dualeh
- Khadar Ismail Elmi
- Abdirisaq Haji Dahran
- Hussein Ahmed Guun
- Mohamed Elmi
- Muj. Ahmed Ali Abdi (Oday)
- Mustafa Ismail Ahmed
- Mustafa Ali Gaagaab (Jaylani)
- Jamal Muse Ismail
- Mohamed Ismail Bahilawe
- Hussein Osman Dhuux
- Abdi Nabadiid Warsame
- Hassan Ali Gaagaab
- Ibrahim Osman (Jeeni Foodcade)
- Mohamoud Abdi Ahmed
- Ahmed Mohamoud Ismail
- Eng. Abdi Omer Sudaani
- Mubarak Omer Ibrahim
- Muj. Adam Mohamoud Farah (Sikaawi)
- Mohamoud Mohamed Kaahin
- Abdi Ibrahim Maax
- Muj. Ali Mahir Jama
- Fuad Osman Muhumed
- Muj. Faisal Abdillahi Abdi
- Mohamoud Casayr
- Mohamed-Nageeb Ibrahim Ahmed
- Jamal Adam
- Adam Mohamed Ibrahim
- Mohamed Nour Adam
- Eng. Ahmed Sh. Omer Hussein
- Mohamed Yusuf Amay
- Ahmed Yusuf Jama
Regards
Abdillahi Amay T: 020 8401 3332
EBME Engineer Bleep: 775
Estates & Facilities F: 020 8401 3329
Corporate Directorate E: abdillahi.amay@nhs.net
Croydon Health Services NHS Trust W: www.croydonhealthservices.nhs. uk