Bismillaahi Arramanirraxeem.
Dhammaan ummadda reer Somaliland iyo warbaahintooda waxaanu idin leenahay Asalaamu calaykum wa raxma tullaah wa barakaatuh
Warsaxaafadeed ka soo baxay odayaasha musdambeedka jaaliyadaha reer Somaliland ee deggen, carriga ingiriiska kuna eegayaan diginiin golaha wakiillada Somaliland.
Ku: golaha bulshadu wakiilatay ee uga wakiillka ah wixii danta shacabku ku jirto danta qarankuna soo galayso.
Ku: haydaha nabadgelyada dalka iyo difaaca qaranka haddii ay beeluhu u simanyihiin.
Og: golaha guurtida haddii uu ka dambeeyey oo uu jiraba xaji Cabdikariim oo hadda hawl gabay.
Og:bulshada walaaha ah ee dalku ka dhexeeyo in ay dhintaanna waajib ku tahay.
Dal walba waxaa ku tiirsanyahay heerka ay qarannimadiisu gaadhsiintay ummadda ku nool ee ilaahay ku abuurayna ay heegan ugu tahay ,hoggaanka ay u dhiibteenna xilka u guto xilkaas oo ah kii uu ku dharaatay in uu danta dalka iyo dadkaba dhex u yahay eexna ka dhawrsoonaado haddii taas la waayo dalkaasi ma sii jiri doono waayo dhaarta ilhaaya lala lagu loogu dhaartay oo laga baydho waxaa is leh cadaab uu mutaysto hogganku dhibaato joogto ah.
Haddaba aan is waydiinno waa maxay hoggaan?
Hoggaanka diinteenna ayaa si ballaadhan innoogu sheegtay qoraalna laguma soo koobi karo haddiise aynu wax ka sheegno soona ururinno waa caddaalad dadka iyo dalkaba loo sameeyo
Hogganka maxaa looga baahanayahay? In uu aqoon u leeyahay dad ama beelo kala wada duwan midba dhinac u jeedo dhan u wada jeediyo.
Haddii aanu hoggaanku arrintaas awood u lahayn ama garashadeeda lahayn waxaa u wanaagsan aanu dalka iyo ummadda ku nool dhibaato u horseedin oo uu iska wareejiyo xilka inkasta dadka madow aanay taasi ka suuraggalin laakiin sida sharaftu ku jirto waa sidaas oo g,aan ku qaato .
Golaha wakiillada maxaa looga baahanayahy.
Golaha wakiillada waxay uga wakil yihiin bulshada soo dooratay in dawladda uga wakil noqdaan inkasta oo dawladduba ummadda ay masuul ka tahay haddana wixii ay ka leexato in ay golaha wakiiladu bulshada u toosiyaan.
Golaha maxaa looga baahan waxaannu uga digayna in ay ka leexdaan ku dhaqanka sharciga qaranku ku heshiiyey shacabkoodana ugu dharteen
Waxaa la gudboon in ay la jaanqaadaan kolba xaaladda uu dalku marayo ta ugu daran ee hadda khatarta dalka ugu filan waxaa jirta shacabkii soo doortay golaha wakiilladu in ay xal u helaan raadkii kala saddexda xusbi bulshada kaga tegeen ee ay kala jiidanaayeen si xusbi waliba u hanto kursiga u hiraayey taas oo la moodo in ay bulshadu ku kala fogaatay shacabkana waxaanu leenahay ( ha noqonnina odhaahdii ahayd” doqoni haddii la xafiiltamaayo in la kala tegaayo ayey moodda” ) mar walba walaalo ayaad tihiin dan iyo dalka ayaa idinka dhaxeeya .golaha wakiillada waxa ku waaajib ah in ay ka shaqeeyaan isu soo jiidista muwaaddiinta reer Somaliland ee giraanta iyo jeegaanta u kala jabay taas oo keeni karta isku dhac idinku noqon doonta xilgudasho la,aan.
U fiirso qodobbadan hoose
In golaha wakiilladu xal u xal heelaan bulshada walaalaynteeda guddi farsamana loo saaro
Xusbiyada qaranka ee heeshiiska wada gaadhay in iyaguna ka qaybqaataan wada shaqaynna la yeeshaan golaha wakiillada.
Dawladdu in ay xayndaabka daacadnimada ku soo noqoto.
Golaha guurtida in aanay quusan mar haddii xaaji Cabdikariim hawlgab ka noqday.
Muwaaddin kasta oo Somaliland ah in uu ka shaqeeyo midaynta beelaha reer Somaliland.
Culimada dalku in ay wacyigelinta ka qayb qaataan.
In laga cabsado Alla nafteennu gacantiisa ku jiraan.
Qof qurbe joogga yaa garanaaya qiimaha dalka hooyo leeyahay
Gabayaagii gayiga Cabdi gahayr ayaa laga hayaa halhays uu yidhi kaas oo haa”reer Somaliland waxaan la yaabaa geedkaas hadhkiisa iyo sidaa aanu qiima ugu lahayn” waddan aan sharci lagu wadiinayn waa dalkaaga hooyo. maydka qubajoogga ayaa dalkisa lagala maarmi waayey.
Deeq Cabdi Digale