Roobabka ka da’a Bariga Dhexe waxay u dhexeeyaan 250mm illa 450mm sanadkii,laakiin roobabka ka da’a qeybo ka mid ah Lubnaan, Turki iyo Iiraan waxay gaarayaan 1000mm, ayada oo ay beeruhu u baahan yihiin ugu yaraan 400mm. Lubnaan ayaa ugu biyo badan dalalka Bariga Dhexe.
Mashaakilaadka kheyraadka biyuhu waxay saameyn weyn oo la taaban karo ku leeyihiin xasiloonida gobolka Bariga Dhexe iyo siyaasadda mustaqbalka gobolkaas. Biya-yaridagobolka Bariga Dhexe iyo khilaafka dhulka waxay carqalad ku yihiin xalinta xiisaha siyaasadeed ee dhexyaala carabta iyo israa’iiliyiinta halkaas wada degan. Heerka ay biyo la’aantu ka gaartay dalka Israa’iil waxay kaliftay in ay soo saaran nidaam cusub oo beeraha lagu waraabiyo, taas oo ah in si toos ah biyaha loogu shubo jirridda geedka si uu geedkaasi u helo oo kaliya biyaha uu u baahan yahay. Israa’iil iyo Jordan (Urdun) waa laba waddan oo ay dhinaca biyo-yaridu aad iyo aad ugu badan tahay, waana laba waddan ee ugu biyaha yar dunida (marka laga reebo Jabuuti). Biyo-yaridoodu waxay muujineysaan khilaafka sii socon doona ee webiga Jordan. Israaa’iil waa dalka ugu biyo isticmaalka fiican adduunka (oo aanan beerdareynin/qasaarinin biyaha). Israa’iil oo maamusha biyaha Falastiin waxay biyo badan ka soo daldashaan Daanta-Galbeed (West Bank) ee webiga Jordan, ayaga oo soo jiita 73.5% biyaha ku jira dhulka.
Falastiiniyiinta oo og in israa’iiliyiinta dhulkooda degan ay isticmaalaan biyo afar jeer ka
badan inta uu isticmaalo qofka Falastiiniga ah, waxay ku dacwoodaan in ceelasha loo
qoday dadkaasi ay yihiin kuwo hoos u dhigaya biyaha ceelasha ay falastiiniyiinta cabbaan. Qeyb aad u weyn oo biyaha Israa’iil ah waxay ka yimaadaan dhulka lagu muransan yahay. Tirada dadka Israaa’iil oo maanta lagu qiyaasay 5 milyan waxay sanadka 2025ta gaari doontaa 8 milyan. Dalka Jordan waxa uu ku sugan yahay xaalad adag oo biyo-yari ah, ayada oo ay tirada dadka ee Joordan oo hadda gaareysa 5.5 milyan ay labanlaabmi doonto sanadka 2025ta. Webiga Jordan (Sawirka 4), oo ah webiga saddexaad ee ugu weyn Gobolka Bariga Dhexe, waxa uu ku yaalaa dhul aad u qalalan oo biyo yar (50-200 mm sanadkii oo roob ah), marka laga reebo dhulka uu webigu ka soo bilowdo ee dalka Lubnaan. Webiga Jordan waa webi caalami ah oo ay adaagaan waddamada kala ah Israa’iil, Jordan (Urdun), Lubnaaniyo Siiriya iyo dalka aan weli xornimada helin ee Falastiin, webigu wuxuu xuduud kala qeybisa u yahay qaaka mid ah dalalkaasi wadaaga. Biyaha Webiga, oo lagu qiyaasay, waxay intooda badan ka yimaadaan dalka Lubnaan, halaas oo ay ka da’aan roobab gaaraya 1400 mm sanadkii. Webiga Jordan oo dhererkiisa lagu qiyaasay 228-km wuxuu biyo ka helaa dhul baaxad ahaan la eg 18 300 km2, 3% dhulkani waxa uu ku yaalaa dalka Israa’iilintii ka horeysay 1967dii, oo ah markii ay israa’iilinyiintu qabsadeen dhulka Falastiin.
Webiga Jordan ma aha webi ay biyihiisu ku shubmaan badweyn, balse waxa uu biyihiisu ku shubaa badda loo yaqaanno Badda Dhimatay (Dead See), oo ah bad yar oo ku taala gudaha Gobolka Bariga Dhexe. Badda Dhimatay, oo leh bed gaaraya 950 km2 waa bad aad u yar oo aysan ka bixin biyaha soo gala. Badda Dhimatay waxay 400 m ka hooseysaa heerka baddaha adduunka (tusaale ahaan Badda Mediterranean-ka).
Qalinkii: Macalin Eng Abdirashid Mohamed Jama (Belel)