Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/WM/222-70/042018 uu ku magacaabay 24 Masuul.
Wareegto Madaxweyne
Magacaabid
Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad;
Markaan Arkay: Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda;
Markaan ku Qancay: In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan;
Markaan Sameeyey: La-tashi Ballaadhan;
Waxaan Go’aamiyey;
In laga bilaabo taariikhda maanta aan xilalkan u magacaabo masuuliyiinta hoos ku xusan:
Tir | Magaca | Xilka |
1. | Cabdinaasir Axmed Xirsi Maxamed | Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah |
2. | Cali Xuseen Nuur Beegsi | Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo Horumarinta Kalluumaysiga |
3. | Dr. Axmed Cali Maax Warsame | Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Beeraha |
4. | Mukhtaar Maxamed Cali | Agaasimaha Guud ee Maamulka Gobollada iyo Degmooyinka ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha |
5. | Prof. Cabdi Nuur Axmed (Cabdi Guray) | Agaasimaha Guud ee Amniga ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha |
6. | Xuseen Maxamuud Maxamed Xasan | Agaasimaha Guud Wasaaradda Cadaaladda |
7. | Dr. Cismaan Xuseen Warsame Cabdi | Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Ganacsiga, Wershadaha iyo Dalxiiska |
8. | Eng. Cabdiraxmaan Maxamed Muxummed | Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta |
9. | Cilmi Cabdiraxmaan Cashuur | Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka iyo Guriyeynta |
10. | Maxamed Cilmi Aadan (Ilka Case) | Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqo-galinta, Arrimaha Bulshada iyo Qoyska |
11. | Cabdirisaaq Jaamac Nuur Naakhuude | Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Deegaanka iyo Horumarinta Reer-miyiga |
12 | Jamaal Cabdi Muuse Diiriye | Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Biyaha |
13. | Cabdiraxmaan Sheekh Xasan Ismaaciil Bile | Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda |
14. | Cali Maxamed Cali Nuur | Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Wacyigelinta iyo Dhaqanka |
15. | Maxamed Xuseen Axmed Dhabbeeye | Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xidhiidhka Golayaasha iyo Arrimaha Dastuurka |
16. | Axmed Muuse Muruud Muxumed | Agaasimaha Guud ee Tacliinta Sare ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska |
17. | Cabdikariim Xuseen Siciid | Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha |
18. | Cabdillaahi Maxamed Xaaji Ducaale | Safiirka Somaliland u fadhiya Midowga Africa |
19. | Maxamed Cismaan Xaaji Axmed (Indha-balac) | Guddoomiyaha Gobolka Gabiley |
20. | Axmed Cismaan Xasan Cilmi (Tima-cadde) | Guddoomiyaha Gobolka Saaxil |
21. | Mustafe Cabdi Muuse Nuur | Guddoomiyaha Gobolka Buuhoodle |
22. | Khadar Baaruud Cumar Cabsiiye | Guddoomiye Ku-xigeenka Gobolka Maroodi-jeex |
23. | Maxamuud Ibraahin Axmed Ducaale (San-dheere) | Guddoomiye Ku-xigeenka Gobolka Saaxil |
24. | Faysal Aw Jaamac Xirsi Xawte
(Ilka-case) |
Guddoomiye Ku-xigeenka Hay’adda U-diyaar Garawga Aafooyinka iyo Kaydka Raashinka Qaranka |
Masuuliyiinta aan xilka ka qaaday waxaan uga mahad-celinayaa sidii xil-kasnimada lahayd ee ay u guteen waajibaadkoodii shaqo, muddadii ay xilka Qaranka hayeen.
ALLAA MAHAD LEH
Muuse Biixi Cabdi
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland