Madaxweyne Muuse nidaamka uu doonayaa ma kaga dayan karaa qorshihiii uu Males Sanaawi dalkiisa kaga saaray macaluusha ??.

Madaxweyne Muuse nidaamka uu doonayaa ma kaga dayan karaa qorshihiii uu Males Sanaawi dalkiisa kaga saaray macaluusha ??.

WQ:Barkhad-ladiif M. Cumar.

Isbedel sal balaadhan marka la doonayo waxa shaqadda loo dhiibaa dhalinyaro, halka odayaasha waayo araga ahina khibrad ahaan ku caawiyaan oo tallo iyo toosin la garab istaagaan dhallinyaradda shaqadda wadda, haddii xooga dhallinyaradda iyo taladda waayeelka la isla helo waa hubaal in muddo gaaban horumar lagu gaadhayo.

Madaxweyne Muuse Biixi waxa uu soo dhisay gole wasiiro iyo agaasimeyaal u badan dhalinyaro, waana markii ugu horeysay ee tiro intaas leeg oo dhalinyaro ah xilal loo dhiibo, ujeedadda uu dhalinyaro badan uu boosaaska calculus ugu dhiibay waxay tahay si isbedel balaadhan uga dhaco guud ahaan dalka.

Dhalinyaraddu waxay hayaan xoog iyo fikrado cusub oo haddii jaanis la siiyo hirgalin karaan, waxaana kaliya u baahan yihiin in waayo aragnimana musdambeed looga dhigo si aanay meelaha qaar fudaydeed dhalinyaro jarka uga talaabin.

Arrrintan waxay iska shabahaan ama la odhan karaa waxa uu kaga dayday Ra’isal wasaarihii hore ee Itoobiya oo  tobankii sanadood ee ugu horeeyey sameeyey Itoobiya cusub, hadii awal Itoobiya ahaan jirtay dalalka mar walba la quudiyo ee wehelka u noqaday gaajadda iyo faqriga, taas wuu ka bedelay waxaanu markiiba isku dayey inay Itoobiya ka maaranto gargaarkii mucaawimadda ahaa oo mar walba lala daba joogay, waxaana isbedelka nolosha ee weyn u suurogaliyey nidaam adag oo uu sameeyey, waxaana ka xusi karaa inuu dagaal adag la gallay musuqmaasuqa oo tusaale ahaan qofkii laaluush bixiya iyo ka qaataba uu shan sanno oo xadhig ah ka dhigay,taasina waxay yaraysay in musuqmaasuqii yaraado.

Sidoo kale, waxa uu sameeyey nidaam isla xisaabtan  adag, waxa uu adkeeyey hay’adihi dawliga ahaa oo mid waliba shaqadiisa u dajiyey siyaasad cad oo uu ku shaqeeyo, taasina waxay keentay in masuulka xil loo dhiibo inta aanu Ra’isal wasaaraha ka baqan uu hay’adaha kale ee dabagalka uu ka qabto, tusaale ahaan hay’ada shaqaalaha oo awood leh ayuu sameeyey, waxyaalaha cajiibka ah ee horumarkaasi u fududeeyey waxa ka mid ah in masuulka xilka haya inta la soo gole fadhiisiiyo shaqaalihiisa la waydiiyo masuulkan qaabka u shaqeeyo, wakhtiga uu shaqadda bilaabo iyo waxyaalaha uu ku xun yahay, shaqaaluhuna iyagoo baqanayn mid waliba waxa uu ka arkay uu soo bandhigo, hadii shaqaaluhu isku marag furaan in aanu masuulkani shaqadan dayacay waxa go’aan degdeg ah qaata hay’adan shaqaalaha  oo masuulkaasi shaqo dambe oo dawladeed ka mamnuuca, sidoo kale, masuulkaasi la gole joojiyey isna shaqaalihii ma eryi karo kamana aar goosan karo waxaana damaanad qaaday nidaamka jire ee hay’adu ku shaqaynayso oo ma jiro masuul qofka uu doonana erya mid uu doonana keena.

Hadaba haddii isbedel nidaam iyo nolol la rabo waxa waajib ah in dhalinyaro cusub oo dardar leh la hawlgaliyo si muddo gaaban qorshaha la rabo in la gaadho loo gaadho, waxana laga faa’iidaysayaa xooga iyo maskaxda ku jirta cududan cusub ee la hawlgaliyey, iyadoo musdambeed u ah odayaal iyagana loo soo xulay waayo aragnimo si xooga iyo waayo aragnimaddiiba oo iskaashanaya la fuliyo mashaariicda wadankaasi uga meel yaalo in la gaadho yoolka la higsanayo.

Itoobiya wakhtigan waxay gaadhay heer dhaqaaleheeddu aad u sareeyo,isla markaana horumar badan ku talaabsado, marka aad qiimayso siday ahaan jirtay iyo imika faraq aad u sareeya ayaa udhexeeya, marka madaxweyne hadii aad sidaas rabto waa in dhalinyaradda aad u madax banaanayso hawlo hooga shaqo adiguna wixii khibrad ah ee odaynimo kula taliso, kana faa’iidayso inta xooga cusub ku jira.

Tusaale ahaan Itoobiya halka ay faqriga ka gaadhay oo marar badan macaluul uun laga soo sheegi jiray hadii heerka dhaqaalaha lagu cabiro ku eegno GDP dhaqaalaha Itoobiya 1981 wuxuu marayey 7.325 Milyan, toban sanno ka dib wakhtigii jabhaduhu soo galeen waxay noqotay 1991-kii heerka cabirka dhaqaalaha wadankaasi marayey 13.464 Milyan, wakhtigaasi wixii ka dambeeyey kor buu u socday heerka dhaqaalaha Itoobiya oo Ra’isal wasaarihii Itoobiya wuxuu kaga bakhtiyey  sanadkii 2012-kii iyadoo dhaqaalah Itoobiya marayo 43.311 Milyan, saldhigii uu udhigay nidaamka dhaqaale iyo nidaamka maamul waxay sababtay inay sare usii socdo dhaqaalahoodii, waxaanu sanadkii 2016- marayey GDP 72.374 Milyan, taasi waxay ku tusaysaa Itoobiyada cusub, waxaana heerkaasi gaadhsiiyey nidaamka lagu hagayo dhaqaalaha oo seeska laga dhisay, isla xisaabtanka oo xooga la saaray, wax soo saarka iyo dadka oo waddo toosan lagu hagaajiyey , haddii uu madaxweyne Muuse Biixi xooga saaro la dagaalanka Musuqmaasuqa iyo isla xisaabtanka waxa hubaal ah in toban sanno ka dib in Somaliland isku filnaansho ay kaga maaranto hay’adaha caalamiga ah ee shacabkii baryadda bartay, waxaanay Itoobiya ku jirta dalalka kooban ee Afrika ee kor uu u socdo dhaqaalahooddu.

Dhallinyaradan faraha badan ee xilalka loo dhiibay waxay xal-xidhaale u tahay  dhallinyarada mustaqbalka Somailand inay ceebi ka raacdo iyo inay ku faanni doonaan waxqabadkoodda, kuna dhiiranaan doonaan inay siyaasadda galaan oo dalkooda wax ka qabtaan.

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso