Qaybtii hore waxaynu kaga hadalay ujeedada dawlada Imaaraadku kaleedahay isku balaadhinta dekedaha gobolka inay kamidtahay arimo dhaqaale dhisid iyo dhaqaale burburin ,oo ay keedana dhisayso kuwa gobolkana rabto in ay fadhiid aan keeda la tartami Karin ka dhigto ,qaybtan labaadna waxaynu ku falanqayndoonaa in ay ka midtahay danaha ay ka leedahay isku ballaadhinta gobolka mid fikradeed oo saldhig u ah siyaasada Imaaraadka cusub taasoo ah in ay tuutaha u xidhatay tunkana u ridatay ladagaalanka ururada iyo shakhsiyaadka u dhaqdhaqaaqa hirgelinta shareecada iyo ku hagista bulshada muslimka ah tubta toosan ee Islaamka .
Hadaba dawlada imaaraadku may la gaban arintaa sirna kamay dhigin ee si cad oon daah saaranayn ayey u sheegtay ficila way ku dartay oy kaga dhabaysay ,iyadoo ku guuleysatay in ay rido madaxweynihii ugu herreeyey ee si dimiquraadiya loo doorto sannadkii 2011kii dalka Masar Maxamed Mursi cagtana ay mariso taageerayaashiisii halkaasoo laga wada warqabo xasuuqa ka dahacay ee dadkii sida nabada ah u banaanbaxayey loogeystey .
Waxaana lawada xasuusanyahay hadaladii uu twitterka ku soo gudbinjirey ninka kuxigeenka ka ah amniga iyo booloska Dubay Daaxi khalafan ee uu ku bushaareynaayey in Ikhwaanul muslimiinka laga takhalusayo mursina laridayo iyo sidii madaxdii xukunka laga tuuray waagaa qaarbadan oo kamidi ay isaga dab qaadayeen imaaraadka iyo Masar
Hadaynu eegno dalka Liibiya
isagana Imaaraadku si uu uga hortago in xukunka ay gacanta ku dhigaan dadka u dhaqdhaqaaqa shareecadu wuxuu abuuray Jananka layidhaa Xaftar ee hawlgabka ah kaasoo ciidamadii Liibiya kamid ahaan jirey waxaanu ku taageeray awood milataeri iyo mid dhaqaale oo laxaad le iyadoo xataa gaashaanka ku dhufanaysa dawlada bulshada caalamku aqoonsantahay ee dalkaasi Liibiya kadhisan ,maadaama oo ay miisaan ku leeyeihiin dadka Islaamka u ol oleeyaa , waxaanay khubaradu farta ku fiiqayaan in Imaaraadku rabto inay gacanta ku dhigto bariga dalka Liibiya oo qani ku ah khayraadka shidaalka kala duwan .
Golaha arimaha milateriga baadha ee (Gaines center) oo London ku yaal
Wuxuu sooo saaray bishii oktobar 2016 kii in Imaaraadku bariga Liibiya ka alkumeen saldhig milateri oo magaalad Binqazi ujira ilaa 100 km,kaasoo ay ka haadaan diyaaradaha weerarka ku qaadaya dhinacyada ay is hayaan korneyl Xaftar diyaaradahaas oo qaar bilaa baylood ah oo iswada iyo kuwo milateri oo caadiyaba isugu jira.
Sida uu caddaynayo warbixinta ay soo saareen kooxda khubaraa ah ee jimciyada quruumaha ka dhaxaysaa u xilsaartay inay soo ogaadaan waxyaabaha ka dhacaya Liibiya waxay warbixintooda ku sheegeen in ciidamo ka amar qaatay janaraalka hawlgabka ah ee Xaftar ay ka danbeeyaan hawlgalo isugu jira afduubid, xadhig xeerka ka baxsan , kuwaasoo lagula kacay saxafiyiin,dad xuquuqda aadamiag u dhaqdhaqaaqa, shakhsiyaad diiniya ,kuwaasoo loo gudbiyo meelo jeelal ah oo aan sharci ahayn kuwaa soo ku dhexyaala beero, skuulo kuwaasoo ah goobo xidhan oo ku yaal magaalada Banqaasi iyo agagaarkeeda ,waxaa kaloo ay khubaradu tilmaameen in goobta keliya ee sharciga ahi ay tahay jeelka lagu magacaabo (alkuufiya) jeelkaasoo ay maamulaan saraakiil Imaaraada jeelkaa oo xaaladiisa laga dayriyey .
Dhinnacaa iyo dalka Marooko hadaynu u kacno isaga laftiisu kama badbaadin faragelinta Imaaraadka ,ninka layidhaa Daaxi khlafaan ee amniga iyo booliska Dubay kuxigeenka ka ah ayaa markale bartiisa tiwitterka soo dhigay weerar qaawan oo uu ku qaaday xukuumada wadaaga ah ee uu hogaaminayo xisbiga cadaalada iyo kobcinta ee ururada islaamka u dhaqdahaqaaqa kamida , isagoo ku tilmaamaya xisbiga bilaa caddalada iyo bilaa kobcinta ,sheegaayana in mudo sannad ah uu si fool xun u dhici doono ooloo ridi doono,isagoo ikhwaanul muslimiinka oo xisbigaa la sheego inuu ka tirsanyahayna ku tilmaamay meeshay joogaanba shufto .
Bal aan u jihaysano dhinacaa iyo Yaman oo iyana ah meelaha ayduufaanada Imaaraadku galaafteen kuwa ugu daran , inkastoo Imaaraadku yahay dawladaha isu gaashaan buuraystay ladagaalanka xuutiyiinta ee sucuudigu horkacaayo hadana kaalinta lugooyada iyo bur burinta ah ee ay ka ciyaarayso dalkaa waxaynu ka dheehan karnaa sifeynta uu ku sifeeyey in ay dawlada Imaaraadku tahay(isticmaar doqona ) madaxweynaha ay ku tilmaamann inuu yahay ka sharciga Cabdi Rabih Mansuur Haadi . sida uu tilmaamayo Dr.xaydar siciid oo ah baadhe ka tirsan xarunta carbeed ee baadhitaanka iyo daraaseynta arimaha siyaasada hadafyada ugu waaweyn ee ay dawlada Imaaraadku yaman faraha ugula jirto waxaa kamida ka hortegida xisbiga shareecada u dhqdhaqaaqa ee Al islaax kaasoo ikhwaanul al muslimiinka kamida sidii ay uga takhalusi lahayd ee aanu talada yaman wax kaalina ugu yeelan lahayn.
-Jeelasha Imaaraadka
Sida ay ku xaqiijisay wakaalada wararka ee Associated Press baadhitaan ay samaysay waxaa jira 18 jeel oo sir ah oo Imaaraadku maamulo oo Cadan iyo Xadramawt ku yaala kuwaasoo xataa dawlada Yan qaarkood aanay warba ka hayan,iyo kuwo aanay awoodba u lahayn inay gasho ,sida wakaaladu warbixinteeda ku sheegtay jeelashaasi waxay ku dhex qarsoonyihiin saldigyada milateri ee ay Imaaraadku ku leedahay dalkaa, dekedaha ay maamusho , Airportyada ay gacanta ku hayso ,guryo filooyina iyo xataa qaarkood oo ku yaalaha kalaabyada habeenkii lagu caweeyo ,jeelashaa oo si foolxun dadka yamanta ah loogu ciqaabo , sida uu wakaalada u sheegay wasiirka arimaha gudaha ee dalkaasi Xuseen Carab dadka jeelashaa ku xidhnaa qaarbaa loo gudbiyey jeelasha ay Imaaraadku ku leeyihiin Casab oo dalkaa Ereteriya ah .
Sida ay tilmaamayso hay-adda xuquuqda aadamiga u dooda ee layidhaa SAM taasoo fadhigeedo yahay Janeefa waxaa ugu muhiimsan jeelashaa ;
Jeelka laydhaa Rayaan oo ku yaala Airportka Rayaan dhexdiisa .jeelka dekeda Dabah , Jeelka Rabwa ee magaalada Mukala,jeelka kuyaala jasiirada Saqadara oo dhawaan la bineeyey.
Saldhigyada milateri iyo dhibtooda
Hadaba saldhigyada milaterigu ma aha goobyar oo ciidanka markaa dawladiisu samaysatay sida jeelka ku dhex jirayaan ee waa mid ka blaadhan kana guda weyn oo hawlo badan la imanaya , bal aan tusaale usoo qaadano dalkaa Yaman oo inooga horreeyey arintaa saldhiga imaaraadka iyo waxay kala kulmeen , saldhiga magaalada mukha laga sameeyey oo keliya hadaynu eegno 400 oo ciidamada Imaaraadka ahi fadhiyaan ,waxay u diideen dadka yaman in ay aagaa kasoo dhawaadaan
Iyadoo xataa khooriga amaba xeeliga bada iyo saaxilka udhexeeya Mukha iyo baabulmandab in ay ka ka kaluumaystaan ay u diideen ,tuulada layidhaa ( Duubaab) dakii degenaa oo gaadhaya 10,000 way ka rareen meelsaxaara ah baanay taanbuugyo uga dhiseen ,guryahoodiina saldhig milateri ayey ka samaysteen .
Suuro gal matahay in dalkeena laftiisa ay sidaa soo kale doonaan in ay sameeyaan?
Maxaa u diidaya oo damaanaqaadaya in aanay sidaa yeelayn ?
Su aalahan iyo kuwo kale oo badaniba waa qaar u baahan in jawaab lagu qanci karo laga bixiyo.
Waxaa kale oo jira in imaaraadku meelkastoo uu tagaba oo gobolka kamida uu ka samaysto ciidamo uu ka qorto dadka dalkaa oo uu mushahar isagu siiyo isaga toos uga amar qaata ,kuwaasoo xataa hadii daladii heshiiska ay lagaleen haday is fahmiwaayaan ay suura galtahay ianay u adeegsadaan sidii ka dhacday Yaman ee ninkii dagaalkaba ay awgii usoo galeen ee ay lahaayeen waanu difaacaynaa ee inuu yahay madax weynaha sharciga ah ay ku doodayeen markii ay is khilaafeen ay ciidamadaa u adeegsadeen diyaaradahooda milateriguna dusha ka taageereen sidaa awgeedna ay cadan gacanta hada iyaga ay gacanta ugu jirto. Soomaaliya iyada maalinwalba waynu lasoconaa sida ay u adeegsadaan ciidamadaa. Su,aasha isweydiinta lihi waxay tahay ma inaga hubaan masuuliyiinta la dhacsan heshiiskan aynu wada galay Imaaraadku in dawlada imaaraadku ku ekaanayso danaheeda gaarka ah oo aany dawlad dawlad ka dul dhisan hoosta ku wadan ?
Lasoco… Q3aad
Maxamed xasan
Maxas.abdil@gmail.com