“Tallaabada soo socotaa waxay noqon doonta xoraynta magaalada Suuriya ee Idlib,” Cali Akbar Welayati, oo ah la-taliyaha hoggaanka sare ee Iiraan, ayaa sidaas yidhi.
“Masiirka Dagaalka Suuriya waxaa lagu go’aaminayaa daagalka dhulka ee ma aha hawada,” ayuu sii raaciyey Welayati hadalkiisa.
Dhanka kale, Welayati ayaa sheegay wareysi uu la yeeshay telefishanka Iiraan ee rasmiga ah in hanjabaadaha Washington ee ka dhanka ah Suuriya ay yihiin kuwo naf la caaridnimo ah, iyada oo ku nuuxnuuxsanaysa in Washington ay aad ugu liidato in ay sii joogaan ciidamadooda jooga gobolka Bariga Furaat.
Waxa kale oo uu carrabka ku adkeeyay in Iran ay sii wado joogitaankeeda Suuriya iyada oo loo eegayo qaabka diblomaasiyadda iska caabinta, sida uu u dhigay.
Warqabadka ToggaHerer