Muqdisho, April,i5,2018—– Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre oo xalay ka qayb galay shir looga hadlayay amniga dalka gaar ahaan caasimadda Muqdisho, ayaa si wayn ula dar-daarmay Saraakiisha ciidanka Booliska iyo dhammaan hay’adaha amniga. Wuxuuna tilmaamay in shacabka Soomaaliyeed ay diyaar u yihiin in ay la shaqeeyaan ciidanka iyo dawladoodda, taasina ay tahay fursad muhiim uh wadashaqaynta shacabka iyo dawladoonimadda. Ra’iisul Wasaare Khayre oo sheegay in loo baahan yahay isbadel dhan walba ah ayaa yiri “ Waa muhiin in aan sameeno isbadel siyaasadeed iyo mid amniba si looga gudbo caqabadaha naga hortaagan dawladnimadda oo ay ka mid yihiin sugida amniga, bixinta casnshuuraha, shaqo abuurka, la dagaalanka argagixisada iyo ilaalinta nidaamka dawladnimo oo dhammaantood xal u ah dawladnimadeena. “Ciidankeenu waxay hayaan shaqo muhiim ah, lkn waa in la isku soo dhaweeyaa shacabka iyo ciidanka si kalsooni buuxda loo helo, waa in ay jirtaa masuuliyad ah hadii degmo hebel amni darro ka dhacdo waa in hebel iyo hebel loo soo xiraa, si loo helo cida qaadanaysa mas’uuliyadda dambiga. “Waa in la isku qiyaasaa qof waliba waxa uu galay, Taliyaha Booliisku waa in uu abaal mariyaa Taliyayaashiisa sdioo kalena waa in uu sharciga marsiiyaa hadii ay shacabka awood u sheegtaan. Guddoomiyaha Gobalka Banaadir waa in uu abaal mariyaa guddoomiyayaashiisa si shaqo wanaagsan loo qabto. “Amniga inta aadan sugin waa in aad is waydiisaan khatar miyaan keeni karnaa, sababtoo ah shacabka Soomaaliyeed waa dad qiimo badan oo la shaqeeya dawladoodda, dhiigoodana macana wayn ayuu noogu fadhiyaa. Sidaa darteed ma doonayno in dhib loo gaysto.” Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Khayre. Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa sheegay in loo baahan yahay isla xisaabtan dhab ah, sidoo kalena waa in loo shaqeeyaa sidii hore hab ka duwan, taas oo looga fogaanayo musuq maasuqa iyo ilaalinta ammaanada aan hayno oo ah mas’uuliyadda, waana sida kaliya ee shacabka Soomaaliyeed nagu aamini karaan. Ugu dambayntii Ra’iisul Wasaarha Soomaaliya Mudane Khayre ayaa Saraakiisha iyo madaxda gobolka Benaadir kula dar-daaray in dhaqankii wanaagsanaa ee dawladnimadeenu lahaan jirtay la soo celiyo, isagoona tilmaamay sida kaliya ee lagu dhisi karo in ay tahay shaqada dawladnimo oo laga sii bilaabo hoos. |