0 Safiirka Britain/span> u fadhiya ururka mamnuucista hubka kiimikada (OPCW) ayaa sheegay in hubka kiimikada loo adeegsaday Suuriya in ka badan 390 jeer.
Peter Wilson, oo ah Ergeyga Ingiriiska u qaabilsan Ururka Mamnuucidda Hubka Kiimikada (OPCW), ayaa sheegay in ururku diiwaangeliyay isticmaalka rasaas sun ah Suuriya in kabadan 390 jeer tan iyo 2014.
Intii lagu jiray shir albaabdu u Xidhnaayeen ee Hague si looga wada xaajoodo weerarkii kiimikada ee Duma, Wilson wuxuu ugu baaqay dalalka xubnaha ka ah OIC in ay si wadajir ah u dhaqmaan.
“Ku guuldaraysiga ah in lala xisaabtamo kuwa leh masuuliyaada xadgudubka waxay kordhineysaa khatarta isticmaalka hubka kiimikada ah ee Syria iyo meelaha ka baxsan,” Wilson ayaa sii raaciyey Hadalkiisa.
Warqabadka ToggaHerer