Wasiirka Macdanta iyo Kheyraadka Biyaha Prof. Saalim Caliyow Ibrow ahna mudane ka tirsan Golaha Shacbiga ee Baarlamanka Federalka Soomaaliyeed (10-aad) ayaa manta 18ka April 2018 isu soo taagay qabashada xilka Gudoonka Baarlamaanka, wuxuuna kaga dhawaaqay xaflad uu ku qabtay Hoteel Golobal ee magaaladda Muqdisho.
Xildhbaan Saalim Caliyow Ibrow oo in mudo ah ku soo jiray Siyaasada dalka ku dhawaad 45 sano, ayaa sheegay inuu quud dareynayo hanashada xilka Gudoonka Baarlamanka
“Xaqiiqdii waxaa jirta kala qaybsanaan ku soo dhex jirtay hogaanka baralamaanka iyo xildhibaanada qaran mudadii 18 sano ahayd ee la soo dhaafay, mar kastana waxaa jiray is maan dhaaf ku salaysan dhanka sharciga iyo habsami u socodka hanaanka dowladnimo ee Soomaaliya, taas oo ragaadisay howlo badan oo horyaalay Baarlamaanka iyo guud ahaan shaqada loo igmaday dowladihii soo maray dalka.”
Prof Saalim ayaa sheegay in xiligaan la joogo dalka ay horyaalaan caqabado badan oo dhanka amniga iyo siyaasada, isla markaasna la rabo in la dhamaystiro dastuurka loona gudbo in dalka la gaarisiiyo afti u qaadid Dastuur.
“Waxyaala muhiimka ah ee laga gabiyey waxaa ka mid ah samaynta Maxkamadii Dastuuriga ahayd, taas oo hormuud u noqon karta dhex dhexaadinta muranada soo kala dhex gala hay’adaha dowladda. Waxaana ii qorshaysan inaan ka dhigto ajandayaashayda ugu horeeya dhisida Adeega Garsooka, waxaa kale oo dadajin doonaa shuruucda is dul saaran ee horyaala Baarlamaanka si Xukuumada howlaha horyaalo loo dar dar galiyo” ayuu yiri Salim Ibrow
Prof Salim Caliyow Ibrow ayaa waxbarashadiisa hoose dhexe ku soo qaatay dalka sanadii lixdameeyadii, wuxuuna waxbarashiida jaamaceed u aaday 1968 dalka Talyaaniga isagoona soo bartay Culuunta Xanaanada iyo Caafimaadka Xoolaaha, wuxuu ka shaqo bilaabay markuu dalka ku soo noqday Dowladda Hoose ee Xamar, waxaa 1976 uu noqday Bare kaaliye Jaamacdii Ummadda, isagoo 1978 u dalacay Bare Jaamacadeed. Sidoo kale Prof Salim ayaa ka mid noqday Gudiga Sulaxa ee la asaasay dhamaadkii 1990-kii kaas oo qorshuhu ahaa in Ra’iisul Wasaare laga dhigo Cumar Carte Qaalib, Prof. Salim ayaa qayb weyn ka soo qaatay shirarkii dib u heshiisiinta ee ka dhacay Jabouti 1991, waxaana u noqday Wasiir Ddowladi Cali Mahdi. Laga soo bilaabo sanadkii 2000 dowladii Carte lagau soo dhisay ilaa hada wuxuu ahaa Xildhibaan qaran, wuxuuna soo noqday Wasiir ku xigeen, Wasiirka Xanaanada xoolaha, Ra’iisul Wasaare ku xigeen, sii haye xilka Ra’iisul Wasaaraha xiligii uu is casilay Cali Maxamed Geedi, Wasiirka Maaliyadda, dowladihii aan KMG ahayn wuxuu soo noqday Wasiirka Xanaada Xoolaha iyo Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha oo uu hada yahay.
Prof. Salim Caliyow ayaa ah aqoon yahan mudo badan ku soo jiray siyaasada lehna aqoon durugsan, wuxuuna ku hadlaa luuqadaha, English, Talyaani, Carabi. Waa nin aan jeclayn khilaafadka siyaasadeed mar walbna jecel inuu danta guud ka shaqeeyo, mudadii uu hayey xilalka kala duwanaan wuxuu ahaa nin ay u siman yihiin Umaada Soomaaliyeed.
Si aad wax badan uga ogaato fadlan kala daga lifaaqa hoose CV oo dhamaystiran
MACLUUMAADKA SHAQSIYADEED |
|
Magaca | Saalim Caliyow Ibrow
|
Cinwaan
|
Golaha Shacabka Soomaaliya
Muqdisho, Soomaaliya Tel +252615502533; +252695502533
Email: salim_ibraw@hotmail.com
|
Dhalashada | Soomaali / Australia |
Taariikhda dhalashada | 18 ogoosto, 1944, Qoryooleey, Soomaaliya |
Jinsi | Lab |
Xaaladda guurka | Xaasle ilmo leh |
Xirfad | Siyaasi Sare
Dhaqar xoolaha nool iyo la-taliyaha Xoolaha Maaraynta Deegaanka Aqoonyahan horumarinta waxbarashada Diblomaasi siyaasadeed iyo mid dhaqameed
|
AQOONTA WAXBARASHO IYO TABABARO
Magaca Jaamacadda:
|
1998 – 2000: Cilmi-baaris iyo aqoon sare Jaamacadda: La Trobe University of Melbourne, Australia Kuliyadda: Faculty of Science Technology & Engineering, Shahaadada sare ee Cudurada Faafa, Daawada Xoolaha nool Shahaadada waxaa lagu bartay qeybaha soo socda: q Infectious and Parasitic diseases q Basic concepts of Applied Epidemiology q Research methodology q Lecturing activities q Planning and coordination of veterinary activities q Zoonotic diseases by infectious and parasitic agents
1993 – 1995 1993 – 1995 Kuliyadda: Faculty of Animal Husbandry and Veterinary Medicine Jaamacadda: University of Turin, Italy.
|
21st Maarsho – Maanta
Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha
|
|
MASUULIYADAHA SHAQO IYO KUWA SIYAASADEED | 2014 – 2015 (Febraayo)
Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa Dowladda Federaalka Soomaaliya
27th Disember 2016 – Maanta Xildhibaan Golada Shacabka Federaalka
Janaayo – Disember 2008 Ku-Xigeenka Ra’iisal Wasaaraha
Nofember 2007 Sii-hayaha Ra’iisul Wasaaraha Masuuliyad uu ii magacaabay Madaxweyne C/laahi Yuuusf
Febraayo – Oktoobar 2007 Ku-Xigeenka Ra’iisal Wasaaraha Xubin Golihii Wasiirada ee RW Cali Maxamed Geedi Dowladdii Maxadweyne C/laahi Yuusuf Ku-Xigeenka Ra’iisal Wasaaraha Ahna Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa Xubin Golihii Wasiirada ee RW Cali Maxamed Geedi Dowladdii Maxadweyne C/laahi Yuusuf
Disember 2004 – Luulyo 2006 Ku-Xigeenka Ra’iisal Wasaaraha Ahna Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xubin Golihii Wasiirada ee RW Cali Maxamed Geedi Dowladdii Maxadweyne C/laahi Yuusuf
Ogoosto 2004 Xildhibaan
Oktoobar 2002 – Ogoosto 2004 Ergay Shirka Nabadda Soomaaliya Eldoret – Mbagathi, Kenya
Febraayo 2002 – Oktoobar 2002 Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Xubin Golihii Wasiirada ee RW Xasan Abshir Dowladdii Maxadweyne C/qaasim Salaad Xasan
Oktoobar 2000 – Janaayo 2002 Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Xubin Golihii Wasiirada ee RW Cali Khaliif Galeyr Dowladdii Maxadweyne C/qaasim Salaad Xasan
June 2000 Ergay Shirka Dib-u-heshiisiinta iyo Nabadda Soomaaliya Arta, Djibout
Oct 1991 – March1993 Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Xubin Golihii Wasiirada ee RW Cumar Carte Khaalib Dowladdii Maxadweyne Cali Mahdi
Janaayo 1991 Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xubin Golihii Wasiirada ee RW Cumar Carte Khaalib Dowladdii Maxadweyne Maxamed Siyaad Barre
Disember 1990 Ergay Guddigii Qaran ee Dib-u-heshiisiinta Soomaaliya
1975 – 1990 Ku-xigeenka Hormuudka iyo Macallin Jaamacadeed |
URURADA XIRFADLEYDA IYO SHAQAALAHA |
1987 – Maanta Xubin Ururka Caalamiga ee Barayaasha Cimliga Xanaanada Xoolaha
Xubin Machadka Caalamiga ee Cilmi-baarista Xanaanada Xoolaha ILRI (International Livestock Research institute) P. O. BOX 5689. Addis Ababa, Ethiopia. P. O. Box 30709 Nairobi, Kenya
1999 – Maanta Xubin wax ka aasaasay Ururka Aqoonyahannada Soomaaliyeed ee Dhaqaatiirta Xanaanada Xoolaha. Somali Livestock Professionals Forum (SLPF) |
XIRFADDA IYO
|
Karti sare u leh la dhaqanka dadka iyo la shaqeyntooda
|
XIRFADDA IYO KARTIDA KA SHAQEYNTA HEY’ADAHA | · Guddoomiye wacan iyo aqoonsan kara xirfadaha dadka
· Awood u leh in uu arko fursadaha jira oo dhan · Karti u leh maamulka mashruucyada gaarka ah isla markaana alifi · Isku-duwe fiican oo kooxda dhexdeeda ah iyo abaabule waxtar leh · Karti iyo geesinimo u leh in uu ka gudbo carqaladooyinka · Ku shaqeyn kara degaannada dhib badan iyo xaaladaha amaan · Karti u leh in uu ku shaqeeyo xaalad aanan kormeer laheyn
|
XIRFADAHA FARSAMO IYO AQOONTA KOMBIYUUTARKA |
|
XIRFADAHA IYO AQOONTA KALE | Xirfadaha maamulka iyo maareynta oo ay ka mid yihiin:
|
LUQADAHA Aqrinta Qoraalka Hadalka |
Soomaali English Italian Arabic Aad u sareysa Aad u sareysa Aad u sareysa Heer fiican Aad u sareysa Aad u sareysa Aad u sareysa Heer fiican Aad u sareysa Heer fiican Aad u sareysa Dhexdhexaadr
|