Gudoomiye Ciro:
Hakuu kala Qalaadaan Qudh-gooyada qaranka iyo Qalacaada Muuse Biixi.
Qalinkii: “Yuusuf Ilkacase”
Geedi-galka iyo guulka ooman ee loogu jiro sidii qarankan Somaliland uga mid noqon lahaa qowmiyadaha nasiibka u helay inay ka qayb noqdaan bulshada caalamka waxay u baahan tahay midnimo, higsi iyo hadaf ku salaysan wadaninimo, qaranimo iyo qorshe laga wada shaqeeyey, lagana dhowray wixii qalacaada iyo qardoofa ah.
Sababtu waxay tahay qaran guulaystay ama qaranimo waa bulsho degan oo ku aas aasantay qiyam diineed, luqad, xuduuud, hanaan dhaqan-dhaqaale, jinsiyad iyo dhaqan qudha kuwaasi oo ku wada nool sali dawladnimo iyo midnimo. Balse taa bedelkeeda hadii ay isku qasmaan damaca danta gaara iyo qadarinta danta guud, taasi waxay ka dhigan tahay ” Karis xun iyana wax ku la'”.
Dhawaaqa Dhagaraysan
Qalinkaygu waxa uu daaran yahay dhawaaqa dhagaraysan ee ka soo yeedhaya Gudoomiyaha Xisbiga Wadani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi- ciro oo hogaaminaya xisbi qaran oo quudaraynaya inuu qaranka hogaamintiisa masiiriga hanto, islamarkaana ay ku dhowaad 250, 000 qof codkooda ku aamineen si uu ugu hago wadada qaranimo aan soo xusnay. Dhawaaqyadaasi oo ay ugu cuslaayeen; Khiyaamo qaran ayaa dhacday, Muuse biixi hays casilo, Siilaanyo Maxkamad hala geeyo, doorasho hala qabto, Imaaraadkii waa ina xaqiray, Komishanka hala kala diro iyo doorashadii waa lagu shubyay.
Xaqiiqada dooda
Iyada oo aanan la odhan karin dhaliil ma lahayn dawladii hore ee Kulmiye iyo tan maanta jirtaaba, ayna dabciga hogaaminta ku jirto in hogaamiye kastaa leeyahay meel uu ku fiican yahay iyo meel uu ku liito, hadana xaqiiqadu waxay u janjeedhaa in arimahan kor ku xusani oo dhami ay ku salaysan yihiin kala kacsi iyo ku jiqsii lagu miji-xaabinayo geediga masiirka umada, islamarkaana siyaasiyiinta Somaliland ay dhaqan ka dhigtaan jah wareerka bulshadan jilicsan ee caalamku indhaha ka qarsaday.
Nuxurka dooda Gudoomiye Ciro
Nuxurka hadalka gudoomiye ciro waxa uu ahaa Imaaraadkii waa diiday aqoonsiga iyo heshiiska DP World ee dekada Berbera iyo in laga been sheegay asalka heshiiska darafyada saxiixay, isaga oo soo xiganaya hadalkii Wasiiru dawlaha Arimaha dibada UAE. Taasi maaha mid inaga qarsoon in Imaaraadka iyo bulshada caalamku aanay aqoonsanayn Somaliland, balse siyaasada dibada ee Somaliland ku dhisan tahay suubaa-salaax, hadhi- waa iyo indho adayg loo xidhay Okiyaalo madmadow si khajilaada laysaga ilaaliyo, taasina laguma xujayn karo Siilaanyo, Muuse Biixi iyo Sacad Cali Shiretoona. Waxaan xusuusan karaa hadaladii hogaamiye Cigaal ee ku saabsan arintan ee ay ka mid ahayd ” Caalamkii dhabarka ayuu inoo soo jeediyey, Duul dumara ayey ku yidhaahdeen qaabila iyo iwm”.
Su’aalaha Taagan
Hadaan si kale u dhigno, miyey qarsoonayd cidii saxiixday heshiiska Dekada berbera? Maxaa ka qaylisiiyey dawlada Somalia ee ay hordhigtay Qaramada midoobay iyo jaamacada Carabta? Maxay horey u yidhaahdeen Imaaraadka carabtu arinta Somaliland markay heshiiska saxiixayeen? Hadii muuse biixi is casilo yaa ku fadhiisannaya kursiga loo xiiqsan yahay? Haddii doorasho la qabto maxaa cadaynaya inaadan odhanayn waa lagu shubtay? Maxaad dadweynaha u horkeeni wayday cadaymihii muujinayey in doorashadii hore lagu shubtay? Maxay ahayd cadayntii aad ka bixisay buugii codbixineed ee komishanka ee laga xaday goobta Saaxil ee aad gudoomiye ahaan soo bandhigtay? Siilaanyo, Muuse biixi, adiga, aniga iyo kuwa kale ee denbi geli kara maxaa 12 sano oo sharci-dejinta aad hor-jooge u ahayd uga tegtay in lagu xukumo hadii loo baahdo? Maxay 84 xildhibaan ay gacanta u taagteen xiligii heshiiska DP World la horkeenay baarlamaanka ee ee aad gudoomisay? Jawaabaha su’aalahan waxaan u dhaafaynaa inay akhristayaashu go’aan ka gaadhaan cida uga jawaabaysa iyo jawaabta lafteedaba.
Gunaanadka Qormada
Arintu si kastaba ha noqotee waxaan meesha ka madhnayn in dooda Gudoomiye ciro aanay waxba ka duwanayan hanaankii siyaasada mucaaradada madhalayska ah ee siyaasiyintii horey aan u dhegaysanay, ee xiliyadii la soo dhaafay ee ragaadisay qadiyada Somaliland, Dhegaha iyo indhahana ka tuurtay sumcadii iyo mustaqbalkii umadani ka dhursugaysay iyada oo qasdigoodu yahay ku xumee iyo laaca kursi-doonimada, balse aan qorshe kale ku lamaanayn.
Waxaase Gudoomiye cirro oo aan qiimeyn iyo qadarin u hayaa haystaa fursad taagan oo aan weli tegin, taasi oo u baahan inuu ka baydho jihadii ay qaadeen siyaasiyiintii ka horaysay ee xisbiyada ama ururada ee aan soo sheegnay, oo uu abuuro qorshe mucaaradadeed oo wax dhisaya, kuna kasban karo quluubta shacbiga iyo kalsoonida hogaaminta qaranka, ayna u kala qalaadaan hadimooyinka qudh-gooyada ku ah qaranka iyo qalacaada cadhada kursiga madaxweynenimo ee Muuse Biixi ku fadhiyo.
Qalinkii:
Yuusuf Ibrahim Warsame
(Yuusuf Ilkacase)