Salaan ka dib
Waxaan kaa codsanaayaa inaad igu taageerto saxeexaaga; oo aad farriintan kaga soo jawaabto inaad taageersan tahay in la soo saaro “Xeerka Qabyaaladda Somaliland; waayo haddii aynu shan kun (5,000) oo qof ku saxeexno soo jeedinta xeerkan, waxaa Golaha Wakiiladda ku waajib ah inay tixgeliyaan, sida ku cad dastuurka.
Ogow, in xeerkan la soo saaro waxaa waajibinaya “Meersinka Dawlad Wanaagga ee Qorshaha Qaranka Somaliland, 2017-2021 (Governance sector of the National Development Plan, which is available online).
Fadlan, ogow inay kala duwan yihiin labbadd eray ee “QABIIL am BEEL’ iyo “QABYAALAD”, waayo erayga hore wuxuu muujinayaa qaab-dhismeedka bulshadda (Social strcture), oo aan dhibaato lahayn. Balse erayga “QABYAALAD’ ayaa lagu qeexay “Rabitaanka iyo u adeegista KA-SAD-BURSIGA UMMADDA INTEEDDA KALE’ iyadoomla adeegsanyo magac qabiil…. Miriam Webster dictionary, 1991”.
Haddaba, waxyaabaha aynu doonayno in xeerkani mamnuuco waxaa ka mid ah
· Ka qayb qaadashadda dagaal beeleed iyo aar-goosiga aanadda ku salaysan. Waayo, maanta waxaynu gaadhnay, inay inamo yaryari qoryo qaataan oo ay rasaas la dhacaan dad wax-ma-geysato ah oo meel fadhiya”. Waxaa ka sii daran “Dawladdii dhamayd ee talaabadda ka qaadi lahayd ee nimankaas gaacn-ku-dhiiglayaasha ah soo qabqaban lahayd ayaa shir-sasaxaafadeed la soo is-taagaysa “Xallinta dagaalkii labaddaa beelood, guul baanu ka gaadhnay, oo waxaanu labbaddii reer kula heshiinay in MAGTA LA BIXIYO (Mararka qaarkood dawladda magta wax ka bixisa), oo labbadda CIIDAN BEELEED kala qaado (Imagine, waxaa laga dhigay sharci, siddii labba dal, oo xuduuda dagaal ku dhex maray).
Waxaa ka sii daran, Booliiska Somaliland ayaa warbixin sanaddeedkiisa ku daraya, dalka waxaa ka dhacay 79 dil ah (Murder), oo ay booliisku gacanta ku dhigeen 77 ka md ah gacan-ku-dhiiglayaashii, halka 2dii kalena lagu raad joogo. Waxaa kale oo dalka ka dhacay 65 dil oo ay sababeen isku dhac kooxeed (Armed skirmishes).. Sidda ka muuqata warbixin sanaddeedkii, 2016; laamah sharciga ee dalku gacan-ku-dhiigle uma aqoonsana qofka dil ku geysta qaab beelaysan, laakiin haddii aad disho tuug kuu soo dhacay waxaa laguu aqoonsanayaa gacan-ku-dhiigle (Murderer)
· Isku-labka qabiilka iyo siyaasadda: Ilaahay baan idinku dhaariyee, ma waxaynu aqbali karnaa in xisbi qaran ay laba nin heshiis ku kala seexdaan, iyaddoo ay goob joog ka yihiin odayaashii labadda beelod ee ay ka soo kala jeedaan. Markaasaa waliba sxaaafda laga sheegayaa (Waar miyaanay khajilayn). Hogaamiye dhaqan ayaa saxaafadda isla soo taagayaa.. magacyo labeeb ah oo ay iska dhaleen “magacyo xisbiyo siyaasadeed iyo beeleed” (Waar miyaanu lafihiisana u tudhayn)
· Saxaafadda oo laga sheego magac reer ama deegaan iyo xataa wax muujinaya arrintaas,
· Ku-baaqida fal kasta oo magac reer huwan, waayo waaggii beryaba waxaad saxaafadda ku arkaysaa afar nin oo hotel shir ku qabtay oo bud lulaya oo leh, “WALLAAJI, OO BILAAHI, HADDII AAN SIDAA LA YEELIN, REER HEBEL HADDAANU NAHAY INAANU SIDDAA YEELI, hadda 4 ama 2 nin oo keliya, yaa siiyay mandate-ka. Haddii ay dad deegaan ka soowada jeedaa ay wadajir u gudnayaan waxyaabo wax-ku-ool ah, waa xor; balse waa in laga mamnuuco saxaafadda.
Adiguna fikirkaaga ku darso, inagoo maasaamayna xorriyadda dadka iyo reebidda dhaqannka xun ee khasaaraha joogtadda ah inagu haya; inkastoo aynu sharci-yaqaano u dhiibi doono. Balse saxeexaagga ayaa muhiim u ah in arrintan laga midho-dhaliyo.
Thanks
|