Mashaariicdda iyo Balan-qaadyaddii Xisbiga Kulmiye ku fashilmay fulintoodda intii uu S/Land Hogaaminaayey by Abdi Ahmed Digale ( Digale) 

 

 

 

Mashaariicdda iyo Balan-qaadyaddii Xisbiga Kulmiye ku fashilmay fulintoodda intii uu S/Land Hogaaminaayey by Abdi Ahmed Digale ( Digale)    26/04/2018

Tan iyo intii Xisbiga Kulmiye hogaaminaayey Jamhuuriyada Somaliland waxa uu ku fashilmay fulinta iyo horumarinta barnaamujyo badan oo xukumado balan qaaday.Guud-ahaan Somaliland waxa ay jirtay taariikh dheer oo ka badan rubuc qarni intii ay dib ula soo noqotay madax banaanideeda mana jirto horumar muuqda oo la sameeyey, hasa yeeshee intii Xisbiga Kulmiye talladda dalka hayey waxa jira dib dhac iyo gaabis weyn oo ku yimid hanaanka dawladnimo xag dhaqale iyo mid siyaasadeedba.Intii Xisbiga Kulmiye xukumaayey wadanka waxa dhacay musuq-maasuq, maamul xumo, qabyaaladii oo la naaxiyey,nin-jeclaysi,hanti boob,caddaalad darro iyo hanaankii dawladnimo oo lumay.

Dhammaan qodobadda hadda aan taabanay waa aafo qaran, bulshadda ay intaa isu raacdaana kama soo waaq-sankarto mudo dheer.Muddadii todobadda sanno ee Siiraanyo hogaaminaayey Somaliland waa taariikh madaw,walaw Muse Bixi oo la doortay 13/11/2017  aanu joogin wax badan haddana xukumadiisu waxa ay haysaa tubtii Siiraanyo maray.Xisbig Kulmiye,siyaasadda arimaha debadda Somaliland mugdi ayuu galiyey, arimaha guddanaha kala qayb-sanaan iyo kala qoqob ayuu ku beeray si bulshada looga mashquuliyo inay ku baraarugto musuq-maasuq iyo maamul xumadda ku baahday dalka.

Waxba yaan indin fogeyne aan faallo kooban ka bixiyo Mashaariicdda iyo balan-qaadyaddii Xisbiga Kulmiye ku gool-daraystay inuu fuliyo intii uu S/Land Hogaaminaayey ka dib doorashadii 26/06/2010.Guud-ahaan qaarradda Africa bulshadu kama ilbaxdo siyaasiga iyo xeeladda uu ku lunsado hantidda qaranka. Xafiisyada danta guud waa meel siyaasigu u soo shaqo tago kana hanti urursaddo.Inagana waxa inoo dheer hanaankii beelaysiga.

Mashariicdda iyo Balan qaad-yada Kulmiye aanu fulin

 

Dugsiyadda Hoose-dhexe: Intii uu socday ololihii doorashada ee 2010 waxa xisbiga Kulmiye balan qaaday inay bilaash ka dhigidoonaan waxbarashada hoose dhexe.Balan-qaadkaa Kulmiye wuu ku fashilmay gabi ahaanba. Lacagtii laga qaadijiray dugsiyadda hoose-dhexe shan jeer ayay kor ukac samaysay, dadkii danyarta ahaana saamayn weyn oo taban ayey   ku yeelatay.

Qabyaalladda: Qabyaaladii ayaa heer xun gaadhay intii Kulmiye dalka xukumaayey.Wixi ka danbeeyey doorashadii 26/06/2010 bulshada reer Somaliland waxa ku timid kala qaybsanaan iyo qabyaalad heerkii ugu xumayd gaadhay, waana ta Xisbiga Kulmiye ku soo baxay kuna curyaamiyey siyaasadii dalka ee dhexdhexaadka ayahayd.

Biyo-ballaadhinta: Mashruucii xumbaweyne ayaa fashilmay,waxaana ka danbaysay xukumadii Siiraanyo.Ceelashii laga qoday xumbaweyne waxa ku baxay dhaqaale culus oo Dalka Immaaraadku bixiyey.Waxa kale dhammaan mugdi ku jiraa biyo balaadhintii caasimada Somaliland.Bulshadana waa ku hagardaamo waxa ay ku maaweeliyaan ka dhulsuga, hirgalintiisana xukumadda ayaa siyaasiyan u dabartay.

Daabacaadii Lacagta: Daabacaadii lacagta 5000 iyo 1000 ayaa saamayn taban ku yeelatay dhaqaalaha dalka.Lacagtan oo ladaabacay 2012  ayaa sababtay kor u kaca maceeshadda iyo sarifka lacagaha.Arintani waxa ay culays weyn ku noqotay dhammaan bulshadda reer Somaliland gaar ahaan dadkii danyarta ahaa.

Dekedda Berbera: Dekedda Berbera waa il-dhaqaale oo laf-dhabar u ah dhaqaalaha dalka iyo dakhliga soo galla dawladda.Hadda waxa muuqata in Shirkaddii kireysatay aanay horumar ku samayn Dekedda.Waxa ay ahayd 5/5/2016 markay Somaliland saxiixday heshiiska hordhaca ah. Maal-galinta Dekada Berbera waxa lagu sheegay $442 million laakiin lama-samayn daraasad qoto dheer oo ka hadlaysa hantida Dekadu hada leedahay, wax soo saarkii hore Dekada, mudada iyo kharashka maal-galinta oo aan isku dheel- tirnayn.

Sixir-bararka: Waxa ay Xukumaddii Siiraanyo iyo ta Muse ba ku fashilmeen in ay xakammeeyaan sixirbararkan aafeeyey ganacsigga iyo maceeshaddii daruurigga ahayd. Sixirbararkanni waxa uu salka ku hayaa lacagtii la soo daabacay ee 5000 iyo 1000, wax soo saar-la’aanta dalka ka jirta, lacagta DPWORLD doolarka ku qaadato, lacagta jaadka iyo dawladda oo dhammaan lacagaheedda doolar ku xaraysata.Hasa-yeeshee xukumaddu waxa ay eedda dhabarka u saartay shirkadda Telesom oo ah shirkad muhiimad weyn ugu fadhidda dhaqalaha iyo shaqa abuurka dalka.Addeegga  isu-dirista lacagaha ee moobaaylku (Zaad Service) waa niddaam casri ah oo bulshadda reer Somaliland sifudud wax ugu kala iibsan-karto markasta iyo meel kasta oo ay joogaan.

Xisbiyadda Qaran: xisbiyadda qaranku waa hanti dalku leeyahay.Aasaaskooda iyo soo saaritoodiiba bulshadda reer Somaliland tacab-badan ayaa ka gallay.Xisbiga Kulmiye waxa uu ku fashilmay masuuliyaddi ka saarnayd xisbiydda qaranka.Burburkii xisbigii UDUB, khilaafkii UCID lug ayuu ku lahaa.Haddana xisbiga qaradda weyn ee Waddani ayey ku sheegeen inuu yahay Somali-weyn.Arintani siyaasadda Somaliland laf-jab ayey ku tahay.Xisbiga Waddani doorashadii waxa uu heley in ka badan 40% hadaynu nidhaa waa Somali-weyn xisbigu taa macnaheedu bulshada reer Somaliland kalla-badh ayaa Somali-weyna.

Garsoorka Dalka: Ololihii 2010 Xisbiga Kulmiye waxa uu balan-qaaday inuu waaxdda caddaalada iyo garsoorka horumarinaayo.Hadda waxa muuqata in garsoorkii iyo hanaankii caddaaladdu duntay.Garsoorku ma madax-banaana waxaanu hoos yimid waaxd dafulinta ee madax-weynuhu hogaamiyo.Heer aan la saxikarin ayuu gaadhay garsoorku.Musuq-maasuqa,laallusha, hanti boobka,wax is dabamarinta ayaa noqotay caado ku faaftay bulshadda dhexdeedda waana aafo qaran.

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso