Waxa uu ahaa qaxoonti. Waxa waddankiisa ka jiray bilooyin is-biirsaday oo ay ugu horreeyaan gaajo, dagaallo iyo is-addoonsi irridaha goostay. Hooyadii waa la kufsaday oo way dhimatay. Walaalihiis waxaa kaxaystay koox askara oo qaarna adeegto ka dhigtay, qaarna bar bannaan ku toogtay oo ciidda ku rogay. Isaga xabbad baa laabta kaga dhacday oo garabka ka boodday. Qalalaasihii waddankiisu wuu sii xoogeystay. Jabhaddii xilligaas wadan ka qabsatayna waxan foosha xun leh ayey cid kasta ku cabsi gelinaysay. Laakiinse, waxa uu jeclaa waddankiisa. Waxa uu ku hammiyi jiray inuu waddankiisa u shaqeeyo, ka shaqaysto oo uu maankiisa iyo xooggiisa maalo. Cid kasta oo ka arrimisana addeeco, beertiisa iyo hantidiisana ku hawshoodo. Nasiib darro se, waxaa la soo dersay wax xaqiiqooyinka ka durugsan. U qaadan-waa anuu waligiis ka fikirin. Dulmi dhammaan qoyskoodii galaaftay. Baroor iyo illin maalin kasta ka tifiqle. Caloolyaw xasuusinaaya mustaqbalka madaw ee la soo dersay. Hurdada waa uu ku selelaa isagoo is leh ma run baa, ma been baa?. Ma riyaa, ma dhalanteed baa?. Waxa uu xasuustaa walaalihiis oo askari kufsanayso; qaarna intay toogteen carrada ku rogayaan. Waxa uu eegaa noloshiisan noqotay bahalka oo kale. Waxa uu arkaa jidhkiisan taxalaystay sida maarta ee cinjirta iyo tukaantu hogaynayso. Maalin ayuu goostay in uu waddankiisa ka cararo halaagga ka allosan dartiis. Waxa uu cagta saaray wadiiqo laami ah–oo maalmo ka hor dawladdu gacanta ka qaadday.
Meesha uu u socda waa Hargeisa. Waxaa loogu sheegay in uu soo helaayo xorriyad aan cabsi lahayn, rizqi aan aan cidhiidhi lahayn. Waxaa laga sheekayn jiray kumanyaal magaaladiisa ah oo Hargeisa u anbabaxay aakhirkiina soo maleegtay iyagoo maalgashi taabba gal ah waddanka ka yagleelay oo heeryadii faqriga haadaan ka tuuray. Isagu taas berigaas ma aaminsanayn. Waxa uu jeclaa ciiddiisa Hooyo, waxa uu ahaa muwaadin jecel in aanu dhinac u dhaafin magaaladiisa iyo beerta uu tabcado. Haddase, beertii haamaday baa ku habsaday, arladuna waa abaar–oo Osmos dartiis geedweyntiisu way wada engegeen. Engeg aan dhimashada waxba dhaamin.
Waxa uu galay magaaladii Hargeisa. Waxa uu bilaabay shaqo. Shaqadaasi waa mid qurxoon, waa mid aan daal lahayn, waa mid aan qarashkaga baxin inuu aruuriyo mooyee. Wuu ubogay. Diiftii iyo tiiraanyadii joogtada ahayd wuu illooway. Haa. Si fiican ayey maskaxdiisa uga baxday dhibtiis wadankiisa ka soo caydhisay. Waxa uu yeeshay hammi. Mustaqbal fiican ayuu niyadda gashaday. Maalin kasta waxa uu soo qaataa jowaan yar oo shilimaan laga siiyey maalinkuu Hargeisa soo galay. Gacanta waxa uu gashaday caag. Caag aa?. Haa. Caagaasi waxa uu ka caawinayaa in uu iska dhigo dhibbane gacantu go’antahay. Aadame kasta oo gacantiisa eegaana waxa uu dareema yaxyax iyo ka xumaansho aadamitinnimo, waxaana gasha naxariis. Jeebkiisa wixii adduun ku suganna wuu u dhiibaa. Beryo ayuu xaaladdaas shaqo ku jiray. Waxa uu yeeshay adduun aan qiyaas lahayn, lacag bilaa xada. Muuq iyo maanuusna waxa uu ku leeyahay degaankii uu ka soo dhib cararay.
Beryo ka dib waxa uu ku noqday waddankiisa. Waxa uu baashaal iyo raaxo ku tegay beertiisii “Cadduyo-waasaca” inta uu neecaw macaan dhabanka u dhigtay, sanqadha iyo is-liska caleenta geedaha dhegaystay–oo uu biyaha hoostooda galacle il-qoodha ka eegay ayuu si halhaleela u xasuustay noloshii dawarsiga iyo is-dullaynta ahayd ee uu Hargeisa kaga soo dheefay.
Meeshu wanaagsanaydaa! Hargeisa waa meel lagu baahi baxo. Waa goob ninkii dan lihi ka dheefo dhib la’aan. Immisaa iyagoo baahan aan jeebkooda hantiyey?.
Sadam Osman Kaabash
Hargeisa, Somaliland
Degmada, Maxamed Mooge.