Obolos Clinic vs. Hargeisa International Hospital

Maqaalkan, oo isagoo dhamaystiran aad ka heli karto lifaaqa (Attachment) inaan qoro waxaa igu kelifay aqoonta sarraysa ee ay leeyihiin dhakhaatiirta reer Somaliland; iyo sida aynu u aaminsan nahay dhakhaatiirta ajaanibka ah. Bal ogow, Dr. Axmed Ibrahim Obolos muddo shan daqiiqo gudahood ah ayuu igaga daweeyay xanuunka OOF MAREENKA (Pneumonia) oo daran, oo ay dhakhaatiirta Hargeisa International Hospital igaga daweyn kari waayeen 15 maalmood (Alxamdulilaahi, caal kuli shay, wa calaa kuli xaal).
Dabeedna waxaan xusuustay Marxuum Xaashi Ismaaciil Aadan iyo Marxuum Maxamed Cabdiraxmaan Gadhyare, oo labadduba geeridoodii ka hor Hargeisa International Hospital muddo u jiifay xanuunka OOF WAREENKA (Pneumonia). Waxaan hoos isu idhi, waar malaha oof-wareenka lagama yaqaano Masar, balse dhakhaatiirta Masaaridu waxay aad u fahmi lahaayeen xanuunadda dalkooda, sida Bilharzia (Kaadi-dhiig).
Si kastaba ha ahaatee, waxaa loo baahan yahay in baadhitaan lagu sameeyo aqoonta khubaradda ajaanibka ah iyo waliba QURBE-JOOGGA, oo qaarkood sheegtaan aqoon aanay lahayn, waayo waxay arkeen dadkii iyo dawladdii oo aad u jecel qofka dibadda ka yimaada (Muwaadin iyo ajnabiba). Waxaaba inagu filan inaynu booqano degelka (website) jaamacadaha ay ka soo baxeen, ka dibna aad gujiso (click) halka ay ku qoran tahay alumni, oo daaqada kuu soo baxda aad geliso magaca awoowga (a;st name) qofka aad hubinayso aqoontiisa.
Isniintii ay bisha May ahahd 7 (7/5/2018) ayaan goor fiid ah gurigaygii immid, iyadoo aad moodo inuu hargab igu cusubi i hayo. Waxba maan shu’aysan ee waan iska seexda; balse dhawr saacadood ka ayaan soo baraarugay anigoo xumadaydu (Body temperature) cirka isku shareertay; iyo waliba taah iyo hiin-raag.

Maalintii dambe ayaa la iila cararay Waaxda Daryeelka Degdega ah ee Hargeisa International Hospital; oo gurigay u jira qiyaastii 500 mitir. Cisbitaalka oo aan 1990kii aqaanay xaruntiisa oo ku taala “Wadada Koorniishka ee dhinac qaada Webiga Niilka ee degmadda Nasir city ee magaalada Qaahira wuxuu ahaan jiray goob caafimaad oo dhinac kasta ka dhisan, sida aqoonta dhakhaatiirta, qalabka yaala, iyo adeega loo fidiyo bukaanka.

Siddo kalena laanta Hargeisa International Hospital ee ku taala waddada Gegifa Diyaaradaha Hargeisa, gaar ahaan xaafadda Sheekh Shukri ee degmadda Maxamud Haybe, waxay ahayd xarun xaafimaad ee aad u tayo saraysa saddexdii sano ee ugu horreysay. Hase ahaatee, waxaa muuqata in dhakhaatiirta hadda joogta aanay la mid ahayn kuwii lagu bilaabay. Waxaan arki jirey dadweyne tiro badan oo cabanaya, laakiin waan la doodi jirey, oo waxaan odhan jiray inoo daaya waxaynu ku helay taageero laynoo fidiyay, markaa waxba yaynaan ka cabanin ee aynu barano, sidda alxamdulilaah loo yidhaahdo.

Hase ahaatee, markii baadhitaan buuxda la igu sameeyay, sida sawir (X-Ray), computer, dhiiga, kaadida, iwm; wuxuu dhakhtarkii igu yidhi waxba ma qabtid ee waa hargab yar ama caabuq neef-mareenka ah (minor respiroty infection or bronchitis) ee dawadda qaado. Waxbase iimay tarin dawooyinkii, oo waxaa igu sii batay xanuunkii, iyo waliba qufac, qandho iyo xumad is-waydaaranaya, taah, iwm (Allow ma ogtahay).

Todobaadkii ka dib ayaa la igu celiyay Hargeisa International Hospital oo aan la kulmay dhakhtar kale, oo aan ahayn kii aan kula kulmay Daryeelka Degdega. Isna wuu i eegay, KUYE!, waxaa ku haya minor viral infection.

Markaan waydiiyay todobaad dhan baan jiif iyo joogba xamil waayay, oo aanu hurdo iyo cuntoba kala hagaagnay, markaa xanuunka i hayaa maaha mid yar ee maxaa talo ah- Af Ingirisii jajaban ayuu dhaktarkii Masriga ahaa iigu jawaabay “there is no problem”, it we will go by it through self limiting”. Muddo aan shan daqiiqo ka badnayd oo aan dhakhtarkaa la joogay qolkiisa cisbitaal ku yaala wuxuu igu celcelinay su’aalo aan caafimaadkayga waxka ugu filayn, oo aan ka xusuusto “ma fahmaysaa macnaha “Self limiting” oo aan filayo inuu uga jeeday “Elimination through self limiting process” oo ah axanuunkani “ka bax buu leeyahay, oo waad bogsanaysaa dawo la’aan”. Anigaase ogaa xanuunkii i hayay inuu maalin walba isa soo taray oo aanu KA BAX AHAYN.

Todobaad kale markaan cunayay dawooyinkii uu i siiyay dhakhatarkii 2aad ee Masriga ahaa ee aan kula kulmay Hargeysa International Hospital, balse xanuunkii weli isa soo taray ayaan go’aansaday inaan u tago dhakhtar neef-mareenka (Respiratory system ) ku takhasusay. Ilaahay ha daayo oo cimrigiisa ha dheereeye, waxaan markiiba xusuustay, Dr. Axmed Ibrahim Obolos; oo xanuun neef-mareenka ah iga daweeyay muddo hadda laga joogo 31 gu’ (March 1987).

Isniintii ay taariikhdu ahayd 21.05/2018 ayaan goor barqo ah aan tegay Obolos Clinic oo ku taala xaafadda Cayngal ee degmadda Juune, gaar ahaana is-goyska Wadada Jeelha iyo Jidka Cabaaye (Xaafaddii berrigii hore la odhan jirey F……… street). Dr. Obolos markii uu eegay maxsuulkii baadhitaanaddii Hargeisa International Hospital ayuu madaxa ruxay, oo marba is oo eegay, siagoo igu leh- ma ahayn inay ku yidhaahdaan waxba ma qabtod, waayo, sawirkan ay ku soo siiyeen wuxuu muujinayaa inuu ku haya OOF WAREEN (Pneumonia). Wuxuu markiib al a gaadhay irbado, kiniin, iyo sharoobo. Ilaahay idamkiisa iyo aqoonta Dr. Obolos awgeed, qiyaastii 15 daqiiqo ka dib ayaa dareemay in la iga jaray WARANKII IGU TAAGNAA LABBA TODOBAAD (Alxamdulilaah).

Dabeedna waxaan xusuustay laba marxuum oo aanu saaxiib ahayn (Marxuum Xaashi Ismaaciil Aadan iyo Marxuum Maxamed Cabdiraxmaan Gadhyare), oo labadduba muddo yaalay HArgeisa International Hospital, iyagoo u dhintay xanuunka OOF WAREENKA (Pneumonia). Dabeedna, bina aadam aragti gaaban baynu nahaye, waxaa igu soo dhacay, war malaha haddii Dr. Obolos loo keeni lahaa way noolaan lahaayeen (Istaaqfurulaah). Kolayba meesha dayac kamuu madhnayn, oo anigaaba arkay.

Haddaba, waxaa loo baahan yahay in baadhitaan lagu sameeyo aqoonta dhakhaatiirta ajaanibka ah ee dalka ka shaqeeya, oo waxaaba inagu filan website jaamacadaha ay ka soo baxayn oo aynu click ka siino alumni, ka dibna aynu gelino magaca dhakhtarka. Waxaan kale oo aan ku talinyaa, in la baadho waraaqihii caafimaad ee Marxuum Xaashi Ismaaciil Aadan iyo Marxuum Maxamed Cabdiraxmaan Gadhyare, oo labaduba intii aanay geeriyoon muddo Hargeisa International Hospital u jiifay OOF WAREEN (Pneumonia).

ILaahayba baa mahad leh
Axmed Maxamed Diiriye (Toorno)
Hargeisa, Somaliland

Advertisement

Ku Xayeysiiso