Masuuliyiinta Wasaarada Shaqo galinta Somaliland Ayaa Caasimada Somaliland Kulan Kula qaatay Hay-adaha Wasaaradaasi Kala Shaqeeya Howlaha Gurmada Loogu Fidinaayo Dadkii Duufaantii Xeebaha Dalka Ka dhacday Saameynta Kaga Tagtay.

(Toggaherer)-Masuuliyiinta Wasaarada Shaqo galinta Somaliland Ayaa Caasimada Somaliland Kulan Kula qaatay Hay-adaha Wasaaradaasi Kala Shaqeeya Howlaha Gurmada Loogu Fidinaayo Dadkii Duufaantii Xeebaha Dalka Ka dhacday Saameynta Kaga Tagtay.

kulankaasi ayaa masuuliyiinta wasaaradaasi shaqogalita somaliland iyo hay-adahaasi waxay iska xogwareysanaayeen halka ay howshaasi imka marinayaan iyo waxyaabaha uga hirgalay howshaasi gurmadka loogu fidinaayo dadkaasi ku barokacay duufaantaasi xeebaha somaliland ku dhufatay.

Wasiirka Wasaarada shaqo galinata somaliland Marwo :Hinda jaamaca gaani oo kulankaasi si qotodheer uga waramaysay ujeedadii uu daaranaa ayaa waxay Tidhi:

(Kulankeenan maanta ahi waxa uu iskugu jiraa labo arrimood oo middi waa kulankeenii caadiga ahaa oo hay-adaha caalamiga iyo kuwa wadaniga ahba aanu wado lahayn waanan idiinka mahadcelinyaa runtii wado shaqaynta joogtada ah iyo sidoo kale Gurmadkii iyo tamqashadii aynu la wadaagaynay walaalaheena ay duufaanadu haleeshay waxaa aynu runtii aynu ka argagaxnay ee xoolihii iyo dadkii ay wado dageen ee ay labo dagaanka isku dabaleen ,anigoo rajaynaya taasina sida ugu haboon in aynu uga gurman doono,hadii eebe ka dhigo).

Geesta kalena agaasimaha guud ee wasaaradaasi shaqo galinta somaliland Maxamed aadan (maxamed ilkace) oo goobtaasi ka hadlaayey ayaa ka waramay sida ka wasaarada ahaan ay gurmadkaasi ugu howlan yihiin waxaanu deeq ka gudoomay ardeyda jaamacada Golis faraceeda magaalada hargeysakaalmadaasi oo loogu talogalay dadka dhibaatada laxaadka lihi ka soo gaadhay duufaantaasi.

Advertisement

Ku Xayeysiiso