Xaaladda Dagaal Ee Gobalka Sool, Waxa Uu Xukuumadda Uga Baahanyahay In Xal Iyo Xeelad Lagu Waajaho

Xaaladda Dagaal Ee Gobalka Sool, Waxa Uu Xukuumadda Uga Baahanyahay In Xal Iyo Xeelad Lagu Waajaho

Xuseen Xasan Xuseen (Xuseen-Mahdi)

Xukuumadda madaxweyne Muuse Biixi waxa ay ku soo beegantay dharaarro ay duruufo dhaqan-dhaqaale taaganyihiin, kuwaas oo ka soo farcamey labadii sanno ee ugu dambaysay xukuumaddii uu talada kala wareegay ee madaxweyne Siilaanyo.
Dhibaatooyinku waxa ay u badnaayeen kuwa dhanka hay’adaha dowladda ah, kuwaas oo uu ku yimid dabacsanaan, iyada oo wax badan lagu leexsaday, sicir-bar iyo colaad gobalka Sanaag ka taagnayd ayaa sii wahelinaysay duruufihii xukuumadda cusub la kowsatay.
Waxa se xusid mudan, in xaalad kale oo colaadeed iyada (xukuumadda Muuse) la kowsatay, taas oo ka bilaabantay gobalka Sool. Tallaabo loo baahnaa oo madaxweyne Muuse qaaday ayey ahayd in deegaanka Tukaraq la gaadho, taas oo la odhan karo waxa keensaday booqashadii Farmaajo ku yimid Garoowe iyo wasiir xukuumaddiisa ka tirsan oo isna soo gaadhay Badhan oo gobalka Sool ah.
Colaaddu waxa ay noqotay mid u baahan xal iyo xeelad in lagu waajaho, iyada oo laga fogaanayo khasaare gobalka ka dhaca, gaar ahaan dhanka shicibka.
Gobalka Sool waxa uu leeyahay duruuf gaar ah, taas oo u baahan si caqliyan ah in loo waajaho. Sidaa waxa aynu u leenahay duruufta adag ee kicin iyo dagaal galinta leh ee xukuumadda Farmaajo iyo laanta Garoowe wato ah, taas oo gobalka oo dhan u fiicnayn.
Maxay tahay in gobalka Sool ku waajahdo xukuumadda Muuse Biixi?
1. In dagaalkan hadda taagan aan lala xidhiidhin colaaddii dagaalladii Siyaad Barre. Waxa aan uga jeeda in la isku sidko Siyaad iyo Tukuraq ama Siyaad iyo ciidanka aynnu u tiirinayno Puntland iyo Farmaajo, waxa ay waji kale u yeeli kartaa qaabka dowladnimo ee ciidankeenu u hawlgalayo. Waxa ay sababi kartaa in waji qabiil loo akhristo wixii hadal ah ee dad shicib ah iyo masuuliyiin xukumadeed ku tiraabaan in jid la mid ah Siyaad Barre la marin doono ciidanka Garoowe laga soo abaabulay.
2. In shicibka la dhex galo, lala shaqeeyo, wixii wartashiil xumo ah laga shaafiyo, muhiimadda dadka iyo deegaanka ay u leedahay dowladnimada loo sharxo, dedaal waxqabadna la tuso lana muujiyo.
3. In dhallinyarta aqoonyahanka ah fursado shaqo laga siiyo hay’adaha dowladda. Taas si loo gaadho, waa in wasaaradaha iyo laamaha kale ee dowladdu shaqaalaysiin ka sameeyaan Sool iyo Sanaag. Somaliland waxa ka jira shaqo la’aan baaxad weyn leh, taas oo wada saamaysay bulshada, balse hadda na waa loo sii kala badanyahay. Goballada Hargeysa ka baxsan ayaa ugu badan, balse haddana iyaga ayaa aad ugu sii kala badan. Dhallinyarta gobalka Sool iyo Sanaag ee waxbartay waxa ay doorbidaan in ay u shaqo tagaan Garoowe iyo Xamar, halkii ay u soo shaqo tagi lahaayeen dowladda ay ka midka yihiin. Taas waxa sababa (a) nidaamka hay’adaha dowladda ayaan ahayn kuwo daahfuran, oo wasiir kasta oo xil wasaaradeed qabtaa waxa uu shandadda ku sitaa dad ay isku beel yihiin, kuwaas ayaana kala mudan mansabka qaran ee uu bulshada oo dhan u hayo. (b) masuuliyiinta tirada yar ee xukuumadda u matala goballada aynnu xusnay maaha kuwo muhiimad gaar ah siiya goballada ay u dhasheen, balse waxa ay isku dhigeen kuwo iskood u shaqaysanaya.

Muhiimadda ay leedahay in maamul-daadajin la sameeyo iyo in si gaar ah shaqo abuur loogu sameeyo dhallinyarada labadaa gobal ka soo jeedda (Sool iyo Sanaag) waxa weeye, in bulshada labadaa gobal dareemaan kuna qancaan in qarankan ula simanyihiin ka ku nool Hargeysa, Berbera ama Boorama, in qarankan dheefta ay ka helaan ku ilaashadaan, meeshana ay ka baxdo muhiimadda kutiirsanaanta Garoowe.

4. Taakuleyn in loo sameeyo bulshada tabaallaysan, iyada oo loo marayo hay’adaha dowladda, culimada gobalka iyo waxgaradka, iyada oo dowladdu muujinaysa dadkani in ay yihiin shacabkeedii, xil weynna ka saaranyahay.
5. Dhanka mashaariicda, kol haddii uu madmadow badani uu hadda jiro, oo sidii la filayey ayna wax badan noqon, haddana waxa muhiim ah fursado gaar ah in gobalkaas loogu talo galo.
Gobalka oo nin dhanka ganacsiga, kaabayaasha dhaqaalaha, shaqo abuurka laga horreysiiyo qofaf xilal loo magacaabo, kuwaas oo waxtar badan u celinayn bulshada.

6. Madaxweynuhu, wax badan oo wax qabad ah oo labada gobal ah, waa in uuna u dabafadhiisan masuuliyiinta labadaa gobal ka soo jeeda, waa in isagu uu si toos ah ugu lugyeesho.
Baahiyaha hadda Sool yaal, maaha inta aynnu kor ku xusnay oo kaliya, balse waxa hadda taagan waa dagaalka, oo isna u baahan in feejignaan adag lagu jiro. Waxa hadda muuqanaysa in dhankii dacaayaadka ay Garoowe gacanta ku hayso, waxa aad arkaysaa Gaas ilaa wasiirradiisa oo masraxa la soo taagan dagaal ayaannu qaadaynaa, oo habeennimada ay dagaalka soo qaadayaan haddana sii diyaarsada warqaddii ay beesha caalamka u diri lahaayeen, taas oo ay ugu sheegayaan in dagaalka ay hor-bilowday Somaliland, iyaguna ay isdifaacayeen. Halkaa waxa aad ka arkaysaa in dhutis weyn laba meelood uu ka jiro, warfaafinta iyo arrimaha dibadda Somaliland.

Ugu dambayn, wax badan haddii aan caqli lagu waajihin, dagaalka Garoowe iyo Villa Soomaaliya laga soo abaabulayo ayaa waji kale oo guracan yeelan.

Xuseen Xasan Xuseen (Xuseen-Mahdi)

Advertisement

Ku Xayeysiiso