Professor Yoshinori Ohsum Oo Soo Bandhigay Cilmi-baadhis Uu Ku Ibo-furay Mucjisada Soomka Qalinkii Xassan Cumar Hoorri

Professor Yoshinori Ohsum Oo Soo Bandhigay Cilmi-baadhis Uu Ku Ibo-furay Mucjisada Soomka

Qalinkii Xassan Cumar Hoorri

 

 

Allah,  dhowrsanaa  oo korreeyay.  ayaa  mahadnaqu  u  sugnaaday.  Allaha innagu  galladay  nimcada

 

Islaamka. Allaha innagu simay bisha Ramadaan ee tobanka hore gelbinayso naxariis, tobanka dhexena horseedayso denbi-dhaaf, iyo tobankan danbe ee Allah addoomihiisa ka xorreeyo naarta.

 

Ogow, wax kastoo diinteennu innagu waajibisay, Allah waxaa uu ku ladhay ama ku badhxay wax badan

 

  • aynaan ka warqabin, balse, ay innoogu sugan yahiin libinta ifka iyo liibaanta aakhiro. Sidaa darteed, qormadan oo ka tarjimaysa diraasad dhowaan lagu ibo-furay aqoonta kooban ee aadamaha, waxaa ay kor ka xaadinaysaa faa’iido kale oo innogu sugan soomka.

 

Sannadkii 2016, Professor Yoshinori Ohsumi (Japan) waxaa uu ku guulaystay Abaalmarinta Nobel ee cilmiga sayniska. Abaalmarinta waxaa uu ku mutaystay diraasad uu ku soo bandhigay, kuna daahfuray xeeldheerida aqoonta fisiyoolojiga (physiology) ee lagu lafo-guro qaabka ay u shaqeeyaan unugyada jidhku, gaar ahaan, aqoonta waaxda (Autophagy) ama “Isa-saxartirka Jidhka“.

 

Abaalmarinta Nobel ee lagu ladhay magac, milgo iyo maal, waxaa lagu qiimeeyaa in ay tahay fiinta ugu sarreysa ee lagu abaaliyo aqoon-ruugta, lamaha kala duwan ee cilmiga iyagoo dunida ku soo kordhiya wax aan hore loo aqoon. Dadka u tartama, ka sokow in ay aqoonta ka gaadheen heerka ugu sarreeya, waxaa u sii dheer, tobanaan sannadood oo ay u soo babbac-dhigeen cilmi-baadhis qotto dheer.

 

Haddaba, Prof. Yoshinori waxaa uu soo xaqiijiyay kaalinta weyn ee uu soomku ka taro caafimaadka iyo sida uu jidhka uga nadiifiyo unugyada dhintay, kuwa gaboobay, kuwa sumoobay iyo kuwa ay haleeshay aramidu sida feeras (Verus) ama Bakteeriya (Bacteria). Sidaa darteed, soomka waxaa lagaga badbaadaa waxyeelada cuduro ay ka mid yahiin Kansar (Cancer), Asaasaq (Dementia), Sonkor (Diabetes), gabow, wadne-xanuun, dhimir-falluuq iyo cudurrada faafa.

 

Diraasadda oo si mug leh loogu falanqeeyay aqoonta iyo qaabka uu jidhku iskiis isugu nadiifiyo ee loo yaqaan (Autophagy) ama “Isa-saxartirka Jidhka“, waxaa lagu iftimiyay sida uu jidhku iskiis isu xalo kolka ugu yaraan 12 saacadood laga soomo cuntada iyo cabbitaanka. Sida diraasaddu tibaaxday, waxaa habboon in nafta la qadiyo sannadkiiba 30 maalmood. Isla markaa, qofkii awooda in uu qadoodiga ku sii daro toddobaadkiiba 2 maalmood oo kala dheer. Halkaa waxaa laga dheehan karaa soomka bisha Ramadaan iyo maalmaha Isniinta iyo Khamiista oo sunne ah. Baadhista cilmiyeed, waxaa kaloo ay ka digtay cuntada joogtada ah oo sida la hubiyay jidhka ku keydisa hadhaa culays ku noqda dheefshiidka kaasoo cudurro fara badan soo kordhiya ama sii huriya kuwii bukaanku hore u qabay.

 

Inkastoo Muslimka ay ku kala duwan yahiin xilliga, qaabka iyo tirada, soomka waxaa innooga horreeyay ummaddihii kutubtu ku soo degtay, sida kuwa aaminsan Tawraat (Yuhuudda) iyo Injiil (Kiristaan).

 

“Kuwa Xaqa Rumeeyow, Waxaa La Idinku Waajibiyey Soomka Sidii Loogu Waajibiyay Kuwii Idinka Horreeyey, Si Aad U Dhowrsanaataan.” Al Baqarah, aayadda 183. Sidoo kale, dad badan oo haysta caqiidooyin ama falsafado gaca-ku-rimis ah, sida Buddhism, ayaa sooma. Wadaadada Buddhistaha (monks) waxaa ka reebban cuntada waxii ka danbeeya aminta hadhimada. Sidaa darteed, muuqaalkoodu waxaa uu u badan yahay “weyd caafimaad qabta oo firfircoon”.

 

Haddaba, Prof. Yoshinori Ohsumi waxaa uu jiraa 73

 

sannadood. Shahaadada milgaha   weyn  ee   Ph.D

 

waxaa uu qaatay 1974. Tan iyo waagaa, waxaa uu

 

wax ka dhigayay Jaamicadda Rockefeller, USA iyo

 

Jaamicadda Tokyo ee Japan. Intaaba, waxaa uu ku

 

fooganaa sidii uu uga niib keeni lahaa baadhitaanka

 

cilmiyeed. Ugu  danbeyntii, mar  uu ku  guda  jiray

 

shaybaadhka uu ku sidkay maskadiisa, qalbigiisa iyo

 

nolashiisa., waxaa  ku  soo  dhacday farriintii  uu

 

weligiiba u hanqal taagayey. “Hambalyo, waxaa aad ku guulaystay abaalmarinta Nobel.”

 

“Caruurnimadii wax badan ayaan ku hammiyay abaalmarinta Nobel. Hase ahaatee, markii aan baadhista gudo galay, waxaa aan dib u laqay candhuuftaydii,” ayuu Yoshinori u sheegay warsidaha Guardian isagoo la argagaxsan bogaadinta soo yeedhay. “Markaan arkay yoolka loo tartamayo, ma filayn in aan hanan karo abaalmarinta, balse, waxaa iga go’nayd in aanan ka daalin baadhista”.

 

Bare Sare Yoshinori, waxaa uu u tafo-xaytay arrin dunida ku cusub. Hubaal, qofkii faraha ku la jira cilmiga Saynisku (science) waxaa uu kala kulmayaa arrimo xiiso badan oo kolba ay soo baxdo kuwo kale

 

  • sii dardar geliya. Aqoon-dhaadhigu markii uu ka bogtay hidde-sidayaasha unugyada, kana faraxashay barashada qaabdhiskooda waxaa uu garowsaday in uu qadoodigu sal u yahay sida unugyada jidhku isu nadiifiyaan. Sannadkii 1992 waxaa uu daabacay buuggiisii ugu horreeyay ee uu ku shaaciyay natiijooyin la taaban karo. Waxaana xusid mudan in uu buugga ku muujiyay, “Qofka sooman in aanu tamar-dhigin xilliga uu afxidhan yahay, balse, waxaa uga sii kordha firfircooni dheeraad ah”.

 

Waxaa iyana xigasho mudan, aqoonta (Autophagy) ama “Isa-saxartirka Jidhka” ee xilligan la soo gunnaanaday in ay soo jiitamaysay tan iyo 1935. Waagaa waxaa la daabacay diraasad lagu male-awaalay hoos u dhigga dheefta ama tamarta (calories) jidhku in uu ka helo caafimaad dheeri ah iyo cimri-dherar.

 

Cilmi baadhis kale oo iyana lagu tijaabiyay daayeer ayaa muujisay naruurada ka iman karta dhimista dheefta noolahu uu quutto. Diraasaddan waxaa lagu faafiyay in 30% ay le’deen xayn daayeero ah oo muddo labaatan sannadood ah la quudin jiray cunto iyo cabitaan ku filan. Hase ahaatee, Xayn kale oo dheeftoodu 30% hoos loo dhigay waxaa ka dhintay keliya 13%. Geerida kuwa caloosha loo buuxiyay ayaa noqonaysa saddex-laab kuwa loo qorsheeyay dheefta.

 

Si kastaba, ha ahaatee, aqoontu waxaa ay u sugnaatay Allah, dhowrsanaa oo korreyey. Waxaana, if iyo aakhiroba, liibaanaya kuwii u kala dheereeya fulinta waxii uu Allah faray, iskana dhowra waxii uu ka reebay. Allah nimcada Islaamnimo ha innogu kordhiyo hanuunka tubta toosan. Sidaa ayaana lagu kasban karaa guusha if iyo aakhiroba. Balse, waxaa ka horreysa in aan aaminno wax kastoo diintu innagu waajibisay in ay danteenu ku jirto, haddii aqoonta gaaban ee aadamahu soo xaqiijiso iyo haddii ay ka gaabisoba.

 

 

Xassan Cumar Horri, Machadka Dimuqraadiyadda Geeska Africa (HID) waa suxufi ka faallooda arrimaha Geeska iyo Bariga Dhexe. Kala xidhiidh hassanhorri@gmail.com ama ku tixraac Twitter #horrimania.

Advertisement

Ku Xayeysiiso