Somalia Cabaadkii UGu Weynaa Ayaa ka Soo Yeedhay Oo Way Iskala Garan La yihiin Oo Waxay Ka Seexan Kari laayihiin Somaliland-taa Heshiiska Maalgashiga Lala Galay-Xoghayah Xidhiidha Gobolada Iyo Degmooyinka Xisbiga Ucid C/qani Salaf (kabtanka).

(Toggahrer)-Somalia Cabaadkii UGu Weynaa Ayaa ka Soo Yeedhay Oo Way Iskala garan La yihiin Oo Waxay Ka seexan kari laayihiin Somaliland-taa Heshiiska Maalgashiga lala galay-Xoghayah Xidhiidha Gobolada Iyo Degmooyinka Xisbiga Ucid C/qani Salaf (kabtanka).

Xoghayaha xidhiidhka Gobolada Iyo degmooyinka xisbiga cadaalada iyo daryeelka Ucid C/qani salaf oo u waramaayey shabakadani caanka ah ee Toggaherer ayaa si kulul uga hadlay farogainta somalia ay ku soo qaaday Qaranka somaliland ,waxaanu xoghayuhu ku sifeeyey Somalia in ay tahay cadowga kowaad ee somaliland leedahay,xogahayah oo arrintaasi ka hadlaaya ayaa yidhi:

(Somaliland waxay dhawaan gashay heshiiskii qarniga heshiiskaasi oo u dhaxeeyey Dowlada imaaraadka carabta ,hay-adeeda u qaabilsan  maalgashiga Ee Dpworldka somaliland iyo itoobiya ay wado galeen ,heshiiskaasi oo ay itoobiyana qaybta ka ahayd runtiina waxa weeyaan heshiis horumarineed oo labada dal u dhaxeeya somaliland iyo imaaraadkaba ,haddii aanu nahay xisbiga ucid heshiiskaasi horena waanu u taageernay waana la ogaa in heshiiskaasi maalin maalmaha ka mid ah meel fog uu gaadhsiin doono somaliland,waxaana maqraati ma doon ah in heshiiskii uu noqday mid taariikhi ah adduun weynaha uu ka noqday warkii ugu cuslaa ee breaking news noqda ee liidh fiican noqda oo Tv-kasta iyo jaraaidkasta oo dunida ka soo baxa uu ku qoran yahay ,siyaasiyiintii waa weynayd ee aduunka iyo siyaasiyiintii kale oo jaangooya siyaasadaha qaaradaha ayaa maanta falanqaynaya qadiyada somaliland,taasina waa arrin lagu farxo,run ahaantii shalay waxaanu ahayn dad meel cidlo ah iska fadhiya oo aan waxbaba ogeyn ,waxaanan aaminsanahay heshiisyadan horumarineed oo kale aynu hore u gali lahayn in dunidu hore warkeena u maqli lahayd oo la ina ictiraafi lahaaba.

Taasi waxay ku tusaysaa qarankeenii qarsoonaa ee aduunyadii indhaha ka qarsatay ee aad moodaysay in la hagraday oo laga aamusay ee horumarkiisa iyo dowladnimadiisa dhammaystirtay ee dadkiisa iyo dowladiisuba isku tashadeen oo ay hore u dhaqaaqeen oo iyagu doorsaho xor ah qabsaday oo wax kastoo dowlad looga baahnaa fuliyey ee aad hadana moodaysay in adduunweynihii hagradeen maanta waxaad moodaa in somaliland nabsigii aanu helnay oo nabsi maalihii in aynu helnay heshiiskaasi maalgashiga ee DPWorld-ku waxa uu somaliland so dhigay shaashada waxaanu noqday cidiisomaliland aan maqlin in ay maqasho ,waxaanu noqday barnaamij somaliland u horseedi kara ictiraaf buuxa in ay ka heshobeesha caalamka .

Ashkatada ay bixisay somalia ooay geysay ururka qaramada africa ,ururka qaramada midoobay (Unated Nation) kajaamacada carabta oo meel walba waxaa lageeyey dacwad kadhan ah somaliland iyo itoobiya ,ashkatadaasi waxba inama yeelaysoowax uunbay inoo taraysaa ,waayo markastoo la inaga dooda dad faro badan oo caalamka ku nool ayaaba wax inaga ogaanaaya ,markasto dad badani wax inaga ogaadaan waxay ogaanayaan in dunidu ina hagratay oo aynu jeel ugu xidhanahay dowlada holcaysay in ka badan shan iyo labaatan sannadood,inagoo nabdoon oo dagan oo ka mid ah oo meelaha geesta africa ugu nabada fiican ah oo dadkeena somaliland ay iskugu ixriraam badan yihiin oo aynu dhan u wado jeedno oo maalin kaliya doorashada la wado galayo  oo maalin madaxweyne la wado dooranaayo oo maalin deegaanka la wado dooranaayo,maalin baarlamaanka la wado dooranaayo oo aynu isku jafo qudha u wado jeedno ictiraaf la ina siin waayo oo la ina hagraday ooictiraaf la ina siin waayey,waxaanan aaminsanahay haddii sidii ay tahay aanu uga howlgalno oo reer somaliland muxaafid iyo mucaaridba gacmaha isqabsadaan oo reer somaliland mid ka noqdaan maalgashigaasi la inoo samaynaayo ee dekeda barbara la inoogu wanaajinaayo ee qarankeena lacagta badan la galinaayo aynu barbar istaagno oo waliba isidii loogu talogalay aynu uga faadiidaysano oo aanay wax farsamo xumaan ahai xaggeena kadhicin maba yaraatee ,haddii ay noqoto musuqmaasuq iyo haddii ay noqoto siyaabo khaldan oo wax loo adeegsado oo aynu sifiican uga faaiidaysano qarankeenu horumarin weyn ayuu kahigsanayaa .

Waxaa kuu soo kordha waxaad ku garataa cadowgaaga ayaa ka xanaaqa somaliland maanta cadowgeeda ugu weyni waa somalia waxayno ogeyn intii somaliland jirtayba cadowgeeda ugu weyn oo ah somalia waxaa ka soo cabaadkii ugu weynaa ay iskalagaran waayeen oo way khalkhaleen oo habeen iyo maalinba farta ayey dhexda ka qaniinsan yhiin waxay ka seexan kari laayihiin somalilandtaa malgashiga lala galay oo waxay ogyihiin haddii maalgashigu xumaado xitaa waxay dhaantaa maalgashi la-aanta dal an la maalgashan ayuu dhaamaasoomalidu waxay tidhaadaa dowlad xumo dowlad la-aanbay dhaantaa,waxaanu leenahay somalia candhuufteeda dib ha u liqdo oo wax loo joojinaayo ma aha qarankan somaliland wuu dhaqaaqay oo wuu talaabsaday heshiiskaasinawaa heshiiskii ictiraafka sidanhore u soo sheegay reer somalilandna waxaan leeyahay bah kaliya ha noqdaan oo ha isbarbar taagaan heshiiskaasi maalgashiga dekeda berbera ,mucaarid iyo mucaafidba ,somalia waxaan leyahay can dhuuftiina dib u liqa oo tani way socotee oo duco meeyaanne habaar idiinkama baahna ,waana la ictiraafayaa haddii Eebbe Idmo,ictiraafkeediina maanta ayuu muuqdaa oo waxaa sabab u ah doodaasi caalamku ka doodaayo dekeda berbera ee awalba cidi namay hadal haynin oo bar cidlo ah ayaanu iska fadhinay laakiinse haddiimaanta aduunyadii na hadal hayso oo lanaga doodaayo waxaa noo dilaaci doona xaqii la hagraday ee aduunyadunaga jeesatay oo ay xaasidiinta somalia kadain walba naga soo xidheen oo ay ydhaahden yaan la ictiraafin iyagoo isdiidsiinaaya in labodowladood oo aanu isku biirnay ahayn maantana kala go-ay maanta ayey ogaanayaan in  Qaranka somaliland la ictiraafayo ,heshiiskaasi maalgashiga dowlada somaliland iyo qarankaba waan ku amanayaa).

Diyaarinta-Caydaruus Cismaan(Mr-Ayuubi)

Advertisement

Ku Xayeysiiso