Xukuumada Somaliland Ayaa Si kulul UGa Hadashay farogalinta Somalia Ay Ku Soo Qaaday Xuduudaha Somaliland Oo Sugan Amaankoodu,fariinna U Dirtay Maamulka Taagta Daran Ee Puntland ..

(Toggaherer)-Xukuumada Somaliland Ayaa Si kulul UGa Hadashay farogalinta Somalia Ay Ku Soo Qaaday Xuduudaha Somaliland Oo Sugan Amaankoodu,fariinna U Dirtay Maamulka Taagta Daran Ee Puntland ..

Maamulka taagta daran ee somalia ee muqdisho fadhiya oo garabsanaya maleeshiyaad maamulka liita ee puntland ayaa waxay daandaansi hor leh ku soo qaadeen qaranka somaliland oo jirtaankiisu marnaba gorgortan gali kari,arrintaasi farogalinta yo hadalo ka soo yeedhaya puntland oo colaad horunaysa waxaa jawaab kulul siiyay wasiir ku xigeenka wasaarada arrimaha gudaha Maxamed Muuse Diiriye isagoo arrintaasi ka hadlaaya ayaa waxa uu yidhi:

(Waxaa maanta igu kalifay in aan warbaahinta la hadlo rag ka soo jeeda puntland oo ee somalia oo baryahan dambe in aad u fiirsateen mooyaane oo afar iyo labaatanka saacadood wada hanjabaad joogto ah masabid iyo aflagaado joogto ah ,anaga madaxweynaha jamhuuriyada somaliland waxa uu nagu amray xukuumada in aanaan ummadana in aanaan dagaal galin ,gardaradii yarayd e ay soo qaadeen ee labada goobood ahayd wixii yaraa ee ka dhacay la ogsoon yahay in aanan ummadayada ugu baaqin ka kacaay iyo hayaay,dagaaladaasi dhacay maalmo ayey socon oo way iska joogsan kajoojiya ayaanu islahayn oo hala hadlina ,laakiin waxaad moodaa in ay xadkii dhaafiyeen oo halkii ka sii wadaan axaanay taagan yihiin iyagu shabaab iyo somalilandbaa walaalo ah Subxaanalaah ilaahay walaalo nagama dhigin,shabaabku waa urur argagaxiso ah waxaanu nahayn cidkii ugu horaysay ee weerar kaga qaaday madaxtooyada ,danjirayaasha halkani jooga iyo hay-adaha dalka somaliland dagan xarumahoodii dadkii u horeeyey ,kolnaba adduun weynuhu noo tirin maayo  aqbali mayo oo qaadan maayo erayada kasoo yeedhaya maamulkaasi puntland).

Advertisement

Ku Xayeysiiso