Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Spain oo Magacaabay Xukuumad ay Aqlabiyadeedu tahay Dumar 11 waa haween Tirada uu Magacaabayna waa 17


Ra’iisul wasaaraha cusub ee Spain, Pedro Sanchez, ayaa doortay xubnaha Wasiirada xukuumaddiisa, inta badana waa haween waana markii ugu horreysay taariikhda Dalkaas.

Shir jaraa’id oo uu qabtay ayuu ku sheegay in xukuumadda cusubi ay taageeryso sinnaanta jinsiga waxayna ka kooban tahay jiilal kala duwan waxaana ay u furan tahay adduunka laakiin waxaa ka go’an Midowga Yurub.

Dawladda cusubi si ballaadhan ayey uga go’antahay sinnaantu, Waxaad maqashay inaan idhi marar badan Spain ayaa isbedeshay 8-dii March.

Halkaan ka hor iyo ka dib wadankan dhaqdhaqaaqa dumarka, xukuumadda cusubi waa feker dhab ah oo dhaqdhaqaaqa. Markii ugu horreysey taariikhda dimoqraadiyaddeenna, Xukuumadani waxay ka kooban tahay dumar ka badan ragga ku jira Golaha Wasiirrada, kow iyo toban ka mid ah 17 waa Haween. Dawlada cusub ee Isbaanishku waa mid ka tarjumeysa sida ugu fiican ee bulshada aan u jecelnahay inay u adeegto.

Xukuumada cusub ee loogu talagalay bulshada Isbaanishka, kala badh dadka muwaadiniintu waa dumar.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso