Amiir Imaaraati ah oo u Goostay Qadar kana Dalbaday Magangalyo

Wiilka hoggaamiyaha amiirka Fujairah ee Imaaraadka Carabta ayaa goostay, isla markaana wuxuu magangelyo ka dalbaday Qadar iyada oo loo marayo safaaradeeda magaalada London, sida lagu sheegay wargeyska Daily Telegraph.

Ilo u dhaw dhaw Amiirka Baxsaday ayaa ah Shiikh Rashiid bin Hamad al-Sharqi, ilo diblumaasiyadeed oo uu wargeysku ku sheegay mid sare ayaa sheegay in Amiirkani yahay 31-sano jir horena ugu safray caasimadda Qatar ee Doha, saddex todobaad ka hor.

Bishii Juun ee sannadkii hore, Sacuudi Carabiya, Imaaraadka Carabta, Baxreyn iyo Masar ayaa xidhiidhka diblomaasiyadeed iyo ganacsi ba u jaray Doha Qatar.

Waxayna ku eedeeyeen taageerada argagixisanimada iyo in ay dejinayso xasillooni darro gobolka ah iyo in ay xidhiidh dhow la yeeshaan Iran.

Halka Qatar-na ay iska diidday eedaa sidoo kalena diiday in ay u hogaansanto liiska dheer ee dalabaadka ay soo qoreen dalalkaasi.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso