Muranka maamulka hawada ee u dhaxeeya Somaliland iyo Somaliya muddo dheer ayuu soo jiitamayey. Kulamo iyo shirar badan ayey labada dhinac yeesheen, kuwo la shaaciyey iyo kuwo aan la shaacinba. Waxa ugu dambeeyey kulankii aan la shaacin ee ay dhowaan labada dhinac ku yeesheen Nairobi kaas oo aan ilaa hadda bulshada loo soo bandhigin wixii laga wada hadlay iyo waxa lagu heshiisyey amaba la isku afgaranwaayey. Sidaa daraadeed, weli ma jiro xal iyo heshiis rasmi ah oo la shaaciyey oo laga gaadhay murankaa maamulka hawada, marka laga reebo dhowr qodob oo la isku afgartay shirkii Istanbul II balse aan fulin.
Dhinaca kale, Somaliya waxay dadaal aan kala go` lahayn ugu jirtaa, itaal meel uu dhigoba, sidii ay ula soo wareegi lahayd maamulka hawada sare ee dhamaanba dalkii la isku odhan jirey Somaliya oo Somalilandna ku jirto. Kulamo badan ayaa dhex maray dawlada Somaliya iyo hay`ada ICAO ee gacanta ku haysa masuuliyada maamulka hawada sare, waxase hadda muuqata in waxoogaa horumar ah arinkaa laga gaadhay oo ugu dambayntii ay Soomaaliya ku guulaysatay inay ku qanciso ICAO in maamulka hawada loo soo wareejiyo Muqdisho.
Waxa lagu sheegay boga rasmiga ah ee hay`ada ICAO, lagu baahiyey hab-ogaysiiska duuliyayaasha (NOTAM), sidoo kalena ay IATA cadeysay in xafiiska maamulka hawada Somaliya ee ku yaala Nairobi loo soo wareejin doono Muqdisho taariikhdu markay tahay 18.June.2018. Taa macnaheedu waxa weeye hayada magaceedu yahay Flight Information Services for Somalia (FISS) ee maamulaysay Mogadishu Flight Information Center (FIC) Nairobi ku yaalay, taariikhdaa laga bilaabo waxay ka hawlgali doontaa una soo wareegi doontaa Mogadishu. Halkaa haddii aan sii jilciyo, si rasmi ah looguma wareejin Somaliya maamulka iyo masuuliyada hawada balse xafiiskii deganaa Nairobi ayuunbaa Muqdisho loo soo raray. Hase yeeshee tani waa talaabo muujinaysa in labada dhinac ee Somaliya iyo ICAO ay isku soo dhowaadeen oo ay si wadajir ah u wada shaqaynayaan.
Hadaba, dawlada Somaliland gaar ahaana Hay`ada Duulista Hawada iyo Madaarada maxaa uga meel yaala arinkan? Tiraba laba jeer ayaan qoraalo u qoray oo aan la xidhiidhay masuuliyiin ka tirsan xukuumada Somaliland oo hawshani khusayso. Waxaan weydiiyey inuu jiro qorshe cilmiyeysan oo hordeg ah (proactive) oo hayadu ugu talogashay inay ku wajahdo Somaliya iyo arinkan soo kordhay? Maxaa hayada u diyaarsan tab iyo xeelad haddiiba ay dhacdo (worst case scenario) in Somaliya si rasmi ah loogu wareejiyo maamulka hawada? Ma haboon tahay inay Hayadu ka gudubto siyaasada ku dhisan falcelinta (reaction) taas oo caado noqotay mar kasta oo dhinaca Somaliya arrin maamulka hawada ku saabsani ka soo yeedho, una gudubto talaabo hormuudnimo ah –take the lead ( المبادرة زمام أخذ. Su`aalahaas iyo kuwo kale ayaan masuuliyiintaa la tiigsaday, hase yeeshee marnaba kamaan helin wax jawaab ah Masuuliyiintaa aan la xidhiidhay oo qaarkood dhowaan kulan kula soo yeesheen Nairobi masuuliyiin ka tirsan Somaliya. Shakhsiyan, waxaan dareensanahay inay masuuliyiinta Somaliland ay ka warhayaan amaba lagu wargeliyey in xafiiskan loo wareejinayo Muqdisho balse ay doorbidayaan inay ka gaabsadaan ka hadalka arinkan! Aamusnaan iyo is diidsiin miyaa lagu xalin karaa hawl masiiri ah oo u baahan go`aan qaadasho adag iyo feejignaan badan???
Haddii aan wax yar oo kooban ka tilmaamo habka loo maamulo hawada (airspace). Waxa jira heerar iyo darajooyin (classes) kala duwan sida A, B, C, D, E, F, G oo ay leeyihiin maamulka hawada iyo hagida diyaaradaha ee dal kasta oo aduunka jira. Habada heerarka ama darajooyinka ka bilaabma A ilaa F oo lix heer/darajo ahi waa controlled ama regulated airspace oo taa macnaheedu yahay hagayaasha diyaaraduhu (Air Traffic Controllers) waxa ay leeyihiin awood iyo masuuliyad ay si buuxda ugu hagi karaan diyaaradaha iyaga oo siin kara awaamir iyo macluumaad la xidhiidha duulimaadyada si loo hubiyo badqabka (safety) diyaradan iyo kuwa kale ee hawada la marayaba. Hase yeeshee, heerka ama darajada loo yaqaan G waa airspace ama meel aan controll adagi ka jirin oo aan la xukumin, duuliyayaasha diyaaradaha ayaanay saaran tahay masuuliyada ah inay ka feejignaadaan isduqayn cirka ah (collision avoidance) iyaga oo raacaya kala xadeynta la isla ogol yahay ee kor/hoos iyo dhinacyadaba (vertical/horizontal separation). Sidoo kale duuliyaasha ayey saaran tahay masuuliyada ka taxadirka inay diyaaradu buuraha jiidho (terrain clearance).
Hadaba, hawada Somaliya ee ay Somalilandna qaybta ka tahay waa uncontrolled ama meel aan si adag loo xukumin, sidaa daraadeed mar walba hayada gacanta ku haysa maamulka hawadu waxay duuliyayaasha diyaaradaha u soo gudbisaa digniino ay ugu sheegayso inay feejignaan dheeraad ah yeeshaan inta ay ku jiraan airspaceka Somaliya. Waxay inta badan u sheegaan duuliyayaasha inay si joogto ah u dhagaystaan hirarka lagu baahiyo arimaha degdega ah (VHF emergency frequency 1215MHZ) iyo hirka kale ee lagu baahiyo baaqyada diyaaradaha ee loo yaqaan (In-flight Broadcast procedure IFBP frequency 126.9MHZ) kaas oo duuliyayaashu dhagaystaan ka hor inta aanay galin airspaceka dalalka aan si buuxda uga adkayn hanashada maamulka hawadooda oo ay ka mid yihiin Somalia, Eritrea, Congo Brazzaville, Sudan, Libya iyo kuwo kale.
Aan ku soo noqdee, shaqada ugu badan ee xafiiskan Muqdisho loo soo rarayaa uu qaban doonaa waa isla shaqadii uu horeba u hayey taas oo ahayd bixinta macluumaadka iyo informationka lagama maarmaanka u ah sidii diyaaradaha isticmaalaya airspaceka Somaliya ay si badqabta oo nabadgelyo ah ugu gooshi lahaayeen hawada sare. Hase yeeshee, waxa uu guul macnawi ah u yahay dawlada Somaliya oo muddo dheer ka shaqaynaysay arinkaa, halka uu dawlada Somaliland uga dhigan yahay guuldaro maamul maadaama ay ilaa imika joojin kari waayeen wareejintaas!
Waxaan ku soo gunaanadayaa hadalkayga; xukuumada Somaliland ma og tahay in xafiiskii Nairobi loo soo rarayo Muqdisho? Haddiise ay og tahay waa maxay talaabada/talaabooyinka ay arinkaa kaga jawaabaysaa?
Tusan
Abdikarim Ali Elmi-Wais (Baarjeex)
MSc, MA, BA, Dip
Aviation Management
Mobile: +447920497080