Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda oo Ka Qayb-galay Sanad-guurada 10-aad Kasoo Wareegtay Dugsiyada SOS

Hargeysa:22-06-2018(ToggaHerer)-Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil(Saylici), ayaa ka qayb-galay sanad-guurada tobnaad(10-naad) ee kasoo wareegtay Aasaaska dugsiyada Hoose/dhexe ee daryeelka carruurta aan waalidka lahayn ee SOS.
Munaasibadda lagu xusayey sanad-guurada tobnaad ee kasoo wareegtay oo maanta lagu qabtay xarunta guud ee dugsiga SOS ku leeyahay caasimadda Hargeysa, ayaa waxa ka qayb-galay madaxda gacanta ku haysa dugsiga SOS, xubno kamid ah golaha wasiirrada, madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil(Saylici) iyo marti-sharaf kale oo tiro badan, waxana halkaas laga jeediyey hadallo lagu bogaadinayo horumarka ay dugsiyadaasi ku tallaabsadeen iyo sida xilkasnimada leh ee ay iskaga xilsaareen ubadka aan waalidka lahayn iyo noloshoodaba.
Ugu horrayn hormoodka gacanta ku haya dugsiyada ubadka aan waalidka lahayn lagu xannaaneeyo oo halkaas ka hadlay, ayaa ku dheeraaday marxaladihii kala duwanaa ee ay dugsiyadaasi soo mareen iyo horumarka ay ku tallaabsadeen, iyaga shaaciyey inay soo saaraan ubad dhinac walba ka dhisan oo diyaar u ah inay mustaqbal ifaya samaystaan.
Xubno kamid ah golaha wasiirrada oo iyaguna madasha ka hadlay, ayaa sheegay in dugsiga SOS ay kalsooni badan ku qabaan, isla markaana ubadka ay gacanta ku hayaan yihiin kuwo tacab badan la geliyey oo dhinacyada kala duwan ee nolosha laga dhisay.
Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliand, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil(Saylici), ayaa isaguna hambalyeeyey madaxda dugsiyada SOS, waxana uu sharraxay culayska ay leedahay in ubad soo koraya waxbarashadooda iyo noloshoodaba la kafaalo qaado, waxana uu yidhi, “Waxa aan hambalyeynayaa carruurta halkan lagu hayo ee sida wanaagsan loo xannaaneeyo iyo inta haysa, in Ilmo la xannaaneeyaa waa xil weyn, in ilmo xannaaneeyo oo wax la baro oo la tarbiyadeeyo oo caafimaadkiisa laga shaqeeyaana wax yar ma aha, wixii dawladda itaalkeeda ahna waanu idinla garab joognaa.”
Isaga oo hadalkiisa sii wata, waxa uu madaxweyne-ku-xigeenku sheegay in dhismaha iyo barbaarinta ubadku saldhig u tahay horumarka qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, “Marka qoysas wanaagsan la helo, ayuu qaran wanaagsanina dhismaa, haddii aynaan haanta gunta ka tolin oo aynaan qoys wanaagsan dhisin oo carruur qiyam leh oo tarbiyaddii diineed iyo tii Waddaniyadeed leh dhisin qaran-nimadeenu meel gaadhi mayso, muhiimadda ay arrintaasi leedahayna waa ta aynu dhammaanteen halkan u nimi,” ayuu yidhi madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Saylici.
Dugsiyada Hoose/dhexe ee SOS ee xannaanayn ubadka yar yar ee aan waalidka lahayn, ayaa xarumo ku leh magaalooyinka Hargeysa iyo Berbera, waxana halkaas lagu hayaa in badan 3300(Saddex kun iyo saddex boqol), kuwaas oo isugu jira wiilal iyo gabdho, isla markaana waxbarashadooda iyo daryeelkooda nololeedba ay kafaalo-qaadday Hay’adda SOS.

Advertisement

Ku Xayeysiiso