Xuska lix iyo labaatanka June ee biritish Somaliland wa xus qaran ee hala weynooyo hamse riraash

Xuska lix iyo labaatanka June ee biritish Somaliland wa xus qaran ee hala weynooyo

hamse riraash

Jamhuuriyada Somaliland ama Waqooyi waxa ku habsaday gummeyste weyn oo lagu yeedho engriis kaas oo haystay muddo ku dhow boqol sanno.

wakhti wakhtiyada ka Midda  ayay  baraarugeen  ,kooxihii loogu yeedhi jirey daraawiishta,kuwaa oo halgan qadhaadh lagalay  dadkii caddaanka ahaa ee geyiga haystay .

Iyaga oo baraarugay xilli ay dunida Africii  huruday kuwaa oo muddo labaataneeyo sanno halgan adag oo qadhaadh kula jiray wixii loogu yeedhi jiray biridaaniyal cudmaa. 

Goortii ay gaaladii jabin Kari waydday xeelad iyo maskaxna wax kaga qaadi waaydday,ayay u  adeegsadeen  gaaladu  daraawiishta dayaarado Sancadeedu aduunka ku cusubaa, xaggaas oo noqotay meeshii ugu horreeyey ee  Africaba diyaaradaba lagu weeraro   

Daraawiishta ka bacdina waxa halganadii sii shiday oo  Dib u abaabulay xarragooyinkii kale ee  u taagnaa iska  kicinta heeryada gummeysiga waxana ka  mid ahaa  sheikh Bashir iyo faarax oomaar ilaa laga so gaadhay xorrnimadii lixdankii. 

Ragga  kale xusida mudnaa waxay ahaayeen xisbiyadii kale ee ay cigaalyo hoggaaminayeen dhamaantood kuwaas waxa ay  mudanyihiin xasuustooda iyo qadarintoodaba.

Waakii gabayaagii weynaa odhan jirey isaga qiraya halgankii ay shideen daraawiishtu  raggii ka danbeeyeyna  dodob sii saareen odhan jiray:
allow yaa darwiishkii fariin dabacsan gaadhsiiya,,,,,,,,,,dabbaaldegiyo farax kala dul eedaama
Fardaha yaa dirkii dhooddi meer doona faracdiisa
Allow yaa darmaan farataqaan duqa u kooreeya
Allow yaa duleeddada Taleex uga dammaashaada
Dhaaxuu ku daakiray xaqoo naga dahsoonaaye
Ha daawado dadkow hiiliyo doogga soobbaxaye
Allow yaa dalluuntiyo qabriga dib uga soo saara
In dariiqadi nooshahay ooy dunida soo gaadhey
Oo dabkuu shiday rag kale dogobbo sii saaray
Allow yaa af lama daaliyee daacad ugu sheega!

Hamse riraash

Advertisement

Ku Xayeysiiso