Jeneraal Gabre Egziaber oo Shaqadii ay ka eriday Urur Goboleedka IGAD

Qoraal ka soo baxay xafiiska IGAD ee Jabuuti ayaa lagu sheegay in shaqadii laga eryay Genaral Gabre Egziaber oo dhanka siyaasadda u qaabilsanaa Ururka IGAD.

Warkani ka soo baxay IGAD ayaa lagu yidhi laga bilaabo maanta oo ay tariikhdu ku beegan tahay 25-ka June ee Sanadka 2018-ka waxaa gabi ahaanba idlaatay howlihii la-talinta ee dhanka siyaaadda aheyd ee uu Janaraal Gabre Egziaber u qaabilsanaaa Urur Goboleedka IGAD.

Sidoo kale Gabre Egziaber ayaa laga codsaday in uu  soo wareejiyo wax alaale wixii qalab ah ee hoostaga qeybstiisa, si loogu sii shaqeeyo.

Waxaana qoraalkani ku saxiixnaa xoghayaha joogtada ah ee Ururka Goboledka IGAD Maxbuub Macalin.

Genaral Gabre ayaa ka soo jeeda dalka Ethiopia. 
 

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso