Waxay Ku Hor bahdileen Inantiisii waxaanu ka dhargiyey Rasaas!!!

Nin Hudheel ku leh magaalada Kiev ayaa rasaas la dhacay saddex ka mid ah dad wax ka cunayay halka mid dhintay laba kalena ay dhaawacmeen Dhaawacoodiina loo qaaday Cusbitaalka.

Ninkan oo lagu sheegay da’ ahaan inuu gaadhayo 60 sanno jir ayaa waxay isku dhaceen murana dhex maray saddex ka mid ah macaamiishiisa ka dib markii ay bahdil iyo ihaano ugu hor geysteen Inantiisa oo hudheelka kala shaqaynaysay.

Ninkan odayga ah ayaa sheegay inuu bahdilka inantiisa uu u adkaysan waayay ka dibna uu la soo baxay Baastooladiisa kuna furay ragan Bahdilay.

Booliska Kiev Ayaa qabtay ninka Hudheelka lahaa waxayna sheegeen inuu sito Jinsiyada Dal kale se may cadayn dalka uu u dhashay waxayna intaa ku dareen in Ninka dhintay yahay Muwaadin u dhashay Ukrain.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso