(Toggaherernews)-PROF-AXMED ISMAACIIL SAMATAR AYAA SI CILMIEYEYSAN U NAQDIYEY HORUMARKA QARANKA SOMALILAND KU TALAABSANAAYO IYO WAXYAABIHII U HIRGALAYBA..
prof Axmed Ismaaciil Samatar oo dalka ingiriiska kaga qaybgalay munaasibada xuska 26ka juun ayaa si faahfaahsan uga waramay waxyaabaha qaranka somaliland u hirgalay mudadaasi 27ka sanadood ee uu xorta ahaa,prof samatar oo arrintaasi ka hadlaaya ayaa hadalkiisa ku balaabay :
(1960kii Bishii juun 26kii faiidadeedu waxay tahay axa keenay in dib loo soo ceshedo in aan idin kala hadlo cawadaa aynu joogno in aan idiin taabtaabto qaranka somalilandwaxa uu qabsaday maanta oo aanan sii gudo galin o aan calaamadiyo uun mudadaasi27k sanadood wax badan ayaa la qabsaday oo qiimo badan maxaase ugu waa weyn ?
kow somaliland waxay qabsatay 27kaa sanadood waxa ugu waa weyn waxaa ugu horeeyaa waa nabadgalyo ,dhul dagan mrka aad balaadhka wadanka eegto dhul dagan daganaana 27kaa sanadood iyo dowlad shaqaynaysa oo waxaa la qabsaday may shaqayn kareen haddii aanay dowladu shaqaynaynin iyo nolol siyaasadeed oo ummmadeed oo ku fadhida dastuur waayo dad aan dastuur lahayni ma kala socon karaan markaasi in aynu bilownay in aynu dastuur yeelano lagu kala baxo yaan aad loo fahmin oo wali dadku ma bisla laakiin waa la abuuray oo miiska ayey taal waana lagu dhaqmayaa oo dadka waxaa kala ilaalinayaa waa dastuurka taasina waa la samaystay).