(Toggaherer)-Suldaanka Ayuub ,Suldaan Aadan Suldaan Aamiin Suldaan faarax Ayaa Bogaadiyey Qodobadii ka Soo Baxay shirweynihii Garxajis,Waxaanu suldaanku xusay In Rag Beesha Ayuub Ka Mid Ahi Ay U duseen Shirka Garxajis Oo Aanu Suldaanku ka Warqabin
Suldaanka Beel weynta Ayuub ayaa hambalyo balaadhan isla barbar taagay qodobada gunaanadka u ahaa shirweynihii Beelweynta Garxajis oo in muddo ah ka socday buurta Gacan libaax iyo colaada tukoraq ka tagan ,suldaanka oo Arrintaasi ka hadlaaya ayaa yidhi:
(qaran-nimada somalilandna waa muqadas maalin dhawadna waxaan ciidamaa qaranka somaliland si buuxda ugu wareejiyey Ciidamada Qaranka Somaliland boqol neef ooadhiya ooaan gaadhsiyey wasaarada Gaashaandhiga boqolkaasi adhiga ahna waan gudbiyey oo aan ka soo qaaday degmada sayla .
Tan ceef afweyn dadka ayaa ku nool nabad iyo wado noolaansho waa labo isdhalay waana labo walaalo ah oodadka ayaa isdhalay waxaanan qabaa haddii arrinka halkiisa lamariyo in aanay waxba xumaanaynin mid siyaasima aha laakiinse waa mid dhaqan sheekadu ehel sidii aynu u ahaan jirnay beelo marka lawado hadashiinaayo in dhaqanka laga tagoma aha odayaasha dhaqanku waa in arrinkaasi faraha ay lagalaan weeyaan ilaa mudadii aan ogaa ilaa maanta siyaasi ayaa faraha kula jira oosidaasi waxba kuma hagaagayaan kolkaasi madaxweyne waxaan kaa codsanayaa xagga dhaqanka yaan laga tagin .
Marka hore shirarku way dhacaan oo dadku waa shiraa oo hore waa loo shiri jiiray dibna waa loo shiri doonaa oo shirkaasi garxajis waan ku hambalyeynayaa shirkaasi ay qabsadeen waxaanan leeyahay waa wax horumar lagu gaadhi karo ,laakiin tan lagu soo casuumay beesha ayuub ee la leeyahay garxajis ayaa soo macsuumay uma hayso umana arkaayo in ay soo macsuumeen laakiin nimanka tagay ee la iisheegayaa anigoo odaygii reerka ah la iimana soo sheegin inta baxdayna waa xisbiga wadani ayaa shaqadaasi wadata waxaana iicadaynaya ragga tagay shirkaasi waana xisbigii oo khaas ah ayaa halkaasi ka ambo baxay markaasi shirkaasi waxaa la odhan karaa ma aha shir garxajis ee waa shir xisbiga wadani leeyahay waana ii cadahay oo ragga baxay ee beeshayda ayaan ka arkayaa ee howshaasi galay ,takale dee shir waa dhacaa oo beel beel kale shir way ku casuumi jirtay laakiin anigoo suldaankii reerka ah la iima soo sheegin bil xaqiiqatan saakawaxaan suuqa dhexdiisa ka maqlayaa waxaa baxday Beeshii Ayuub ,beeshii ayuub may bixin oo anaa cadaynaya waana ay joogtaa laakiinin xisbi sheeganaysa ayaa baxday) .