Wasiirka Wasaarada Dhalinyarada Iyo Ciyaaraha Somaliland Ayaa Magalaada Hargeysa Ka Furay Tartanka kubada kolayga..

(ToggahererNews)-Wasiirka Wasaarada Dhalinyarada Iyo Ciyaaraha Somaliland Ayaa Magalaada Hargeysa Ka Furay Tartanka kubada kolayga..

xafladaasi muritaanka tartankaasi oo lagu qabtay xarunta SOCSa ayaa waxaa si wado jir ahaa uga soo qaybgalay Masuuliyiin ka socotay wasaarada dhalinyarada ,wasiir ku xigenka wasaarada xanaanada xoolaha iyo kallumaysiga yurub abiib cabdi ,Xildhibaan bidhi oo ka socday mudanayaasha golaha deegaanka burco iyo marti sharaf kale oo xafladaasi lagu soo asuumay.

wasiirka wasaarada dhalinyarada iyo ciyaaraha somaliland Boos Mire maxamed oo goobtaasi hadal kooban ka jediyey ayaa daboolka ka qaaday in xukuumadu garab taagan tahay horumarinta dhalinyarada dalkarag iyo haweenba,wasiirka oo arrintaasi ka waramaaya ayaa yidhi:

(Iyadoo siyaasada madaxweynaha tahay in kor loo qaado hablaha aad yoaad ayaan ugu faraxsanahay in aynu bilowno wareegii hablaha oo aynu maanta nasiib u helnay in aynu halkani ku bilowno waxaasi oo dhammi waxay kuyimaadeen siyaasada madaxweynaha muuse biixi cabdi markaasi marka ku xiga in ay sii kordhaan ciyaaryahanadani .

Dhankeedana wasiirka wasaarada Arrimaha Bulshada iyo shaqogalinta marwo hinda jaamac xirsi gaani oo hadalka qaadatay ayaa xustay in ay garab taagan tahay ka wasaarada ahaan horumarinta dhalinayarada gaar ahaanna gabdhaha ciyaara kubada kolayga ,waxaanay uga mahadnaqday madaxweynaha qaranka somaliland Md-Muuse biixi cabdi sida uu u dhiirigalinaayo dayarta adanka.

Geesta kana wasiir ku xigeenka wasaarada xanaanada xoolaha iyo kalluumaysiga marwo-Yurub Abiib Cabdi oo goobtaasi ka hadlaysay ayaa xustay mudadii uu aynu xoriyadeena dib ula soo noqonay ay tani tahay munaasibadani tahay tiiĀ  koowaad ee loo qabto hablaha kubadda kolayga waxaanay yurub abiib u mahadnaqday maxadweynaha somaliland oo fursadaasi siiyey hablaha kubada kolagya waxaanay balan qaaday in ay ka wasaarad ahaan garab taagan yihiin horumarinta dayarta wadanka.

Diyaarinta(Cayadruus cismaan-Mr-Ayuubi).

Advertisement

Ku Xayeysiiso