Masuul kale oo Iska Casilay Maamulka Madaxweyne Donald Trump

Madaxweynaha Marayknka Donlad Trump ayaa sheegay inuu ka aqbalay iscasilaada
Scott Pruitt mansabkii ahaa Agaasimaha Wakaalada Ilaalinta Deegaanka.

Trump ayaa u mahadnaqay Pruitt kuna amaanay sidii uu u gutay shaqadiisa mudadii uu xilka hayay.

Aqalka Odayaasha ayaa ogolaaday in Xilka uu kala wareego ku xigeenkiisii hore Andrew Wheeler oo noqonaya agaasimaha hay’adda Isniinta soo socota.

Scott Pruitt ayaa is casilay kadib markii shaki la geliyey heshiisa ijaarka guriga uu galo ee Washington, Agaasimaha wakaaladda ayaa sidoo kale la kulmay dhaleeceyn kharashka ilaalinta isaga iyo duulimaadyadiisa.

Intii uu xukuna Maraykanka qabtay Trump ayaa masuuliyiinta iscasilay ama uu eryey gaadhayaan 30 Ruux waxaana ugu caansanaa Wasiirkii khaarajiga Rex Tillerson.

Waraqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso